CabdiMaalik Coldoon oo Maxkamada Gobolku ku Riday Xukun Xadhig Ciqaabeed ah

Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex oo gacanta ku haysay dacwada Wariye Cabdimaalik Sheekh Muuse Coldoon ayaa maanta ku dhawaaqday xukunka lagu riday wariyaha oo mudooyinkii dambe dacwadiisa ay Socotay.

Maxkamadda ayaa sheegtay in Wariyaha lagu xukumay xabsi 2-sano
oo Xadhig Ciqaabeed ah,islamarkaana uu ku xadgudbay qaranimadda Jamhuuriyadda Somali-land.

Maxkamadda ayaa sidoo kale sheegtay in wariyaha laga daayey ganaaxii la socday xadhigaasi,Waxaana xukunka Xadhiga ah uu ka bilaabmayaa maanta oo bishu tahay 08-04-2017 sida Gudoomiyaha Maxkamadda uu sheegay.

Advertisement

Ku Xayeysiiso