Khatarta Ay Amniga Qaranka U Gaysan Karaan Dadka Magaca Madax Dhagameedka Sida Khaldan U Adeegsada. Wq:Maxamed Dahir Axmed

 

Khatarta Ay Amniga Qaranka U Gaysan Karaan Dadka Magaca Madax Dhagameedka Sida Khaldan U Adeegsada.

Wq:Maxamed Dahir Axmed

Madax dhaqameedka saxda ahi waa kuwa dadka isku soo dhaweeya,kana shaqeeya walaalayntooda iyo isku xidhkooda,balse kuwa sida khaldan magac madax dhaqameedka u isticmaala ee aanay cidana dooran,waxa ay khatar ku yihiin amniga qaranka,taasi oo aan hore ooga hadlay.

Qof isagu is magacaabay siduu  dad aan u matalin magacooga ugu hadli karaa?,hadana kuwa kala ugu sii darsan karaa?,uguna sheegan karaa madax dhaqameed guud?,waxaas oo dhan bulsho ahaan inaga ayaa iskugu wacan oo khaladka taageera,xumahana u sacab tuna.

Madax dhaqameed ku sheega bulshada khalkhalka kula dhex jira,waxa adeegsan kara qacmo shisheeye,ururo xagjira ah, iyo dawladu ka soo horjeeda qaranimada Jamuuriyada somaliland,iyadoo la soo marayo ururo amba xisbiyo siyaasadeed   oo cadawga Somaliland daba dhilif u ah.

Waxaas oo dhan waxa lagaga gudbi karaa iyadoo la sameeyo  XEERKA MADAXDHAQAMEEDKA JAMUURIYADA SOMALILAND,iyadoo xeerkaasi laga  ansixinayo golayaasha sharci dajinta. Xeerkani waxa uu  qeexayaa kumaa noqon kara madax  dhaqameed,anshaxa iyo hab dhaqanka looga baahan yahay madax dhaqameedka, wax uu ku waayo karo madax dhaqameednimada,kaalinta bulshada uu kaga jiro,dariiqa  beeshiisu xilka kagala noqon karto,iyo iwm.

Waxa aan ku soo gabogabaynayaa wasaarada arrimaha guduhu shaqadeeda ha ka gudato arrinka oo khatar amni oo wayn leh.

Dhinaca kale saxaafadu ha kala saarto madax dhaqameedka saxda ah iyo kuwa macmalka ah,si fariinta ay gudbinayaan aanay u noqon mid amniga wax u dhinta,waayo saxaafada waajib wayn baa ka saaran amniga qaranka.

Waa Mahadsantihiin,

WQ:Maxamed Dahir Axmed

—————————————————————————-

FG: Fikradda Maqaalka Waxay Gaar u tahay Qoraaga, ToggaHerer Looma Tirin Karo

Advertisement

Ku Xayeysiiso