Cige iyo Caraale :Tahniyad iyo taageer ku socota ururka DALSOOR

CIGE :dhalintii wadankiyo dhulkaanu nahoo dhulkaanu nahow
in aanu dhiminayo inaan dhacsanoye
maantaan waxba nooga dhaxaynahayn

CAARLE:  waar ma xabashidii ayeynu is dilnay.

CIGE: maya

CARAALE: hadaa maxaad ku xasuusatay sugaan 60 sano ka hor la tiriye.

CIGE: waxaan ku keenay  qalqalooca geediga ee Somalia .

CARAALE : Dee haaye suugaantan Somaliweyn ayaynu u samaynay.

CIGE : oo ma cidbaa kuu og,nimankii waxaad ogayd ee saymu ah u soo marnay
ayaa igla dhamaan waaye wuu cuqdadaysan yahay ,waa cunsri,xabashi ayuu raacay
bahaa bahaa.

CARAALE:  Waar haaye maxaad maanta ku xusuusta y heestaa uu Cismaan gacanlow qaaday(AHN).

CIGE:   waar maalmo dhawayd la waxaa dhagaheene ka badatay  heblayaa Xamar tagtay , hebalbaa tahniyadeeye
Shoodhe Afweyne

CARAALE: KOW

CIGE: Markaan lama filaan ayey igu noqtay oo waxaan ku heesay qaraami

DAROOR U EG DOQON KUMAAN WADINE MALAHA RUUXI WAA LA DOORSDAY

CARAALE: Gartay

CIGE: waxaan daawaday maalin dhawayday oo uu Abwaan Xildhibaan Dheeg u jawaabaye
mid  yar oo aan waxba inagu falayn, ayaan u fiirsaday  dhalinyaradii dhagaysanaysay
jawaabtii  Xildhibaanka.

CARAALE : Maxaa kaga soo baxay.

Cige: Waxaa iiga soo baxay in dhalinyaradii meesha fadhiday sacab kala joojin waayeen
wac wac wac wac,markaasaan idhi waar aduunyada ragbaa ku nool

CARAALE: iyo dumarba

CIGE: Haa waa runtaa.

CARAALE: weli imaad sheegin  heestaa waxaad ku xasuusatay.

CIGE: adeer waxaa  wadankii lagaga dhawaaqay  urur dhalinyaro reer Somaliland ah oo ka
dhiidhiye fara gelinta qaawan ee inagaga timit Shoodhe Afweyne,waxaanay beeneeyeen
beentii iyo brobogaankii ee  Somalibiisku ka fidiye Dhalinyarada xalaasha ah ee reer
Somaliland.

CARAALRE: waa sida  carabtu waxay tidhaa
inqalaba sixiru cala saaxir

CIGE: oo micnaheedu yahay sixirkii oo saaxirkii isla rugay.

CARAALE :  Ilowshiiya dhawa ma umlbaa

CIGE ;   Yaad sheegaysa

CARAALE: waxaan sheegaya Shoodhe   Afweyne oo is ilowsiiye  Gabay uu tiriye
Hadraawi oo ku saabsana falceliskii  dhalinyarada  Hargeysa ay ka jawaabeen
dambiyo uu ka galay shicibka

CIGE: Dhagayso  adiguna maalinta waad joogtay anna waan joogay  kiibaan ahay

http://www.qurbejoog.com/hargaysa-ma-toostayharqoodka-ma-tuurtay-hadraawi-iyo-maansadii-hanbaabir-1982kii-iyo-xidhiidhka-dhagax-tuurkii-dhalinta-daawo/

Mr Farmajo  you should  know Newton’s third law  :For every action, there is an equal and opposite reaction.

Maxamd Cali
weerar.2013@yahoo.com

DARDAARAN
——————-
Waxaan kula dardaarmaya xukuumada iyo shacabka ba in ay taagero  af iyo adinba ah  siiyaan  dhalinyaradaa
dhalinyaradana waxaan kula talinaya in ay sabir iyo dhabar adayg yeeshaan.oo aanay ku eekaan  arinta maanta
ee ku fakiran sidii loo hirgelin laha  arimo kale oo dhalinyaradu kaga kaaftoonto  Tahriib iyo in ay Xamar u heermaan.
figradahaa wa la hayaa   waana lagag dhabayn karaa

 

 

—————————————————————————-

FG: Fikradda Maqaalka Waxay Gaar u tahay Qoraaga, ToggaHerer Looma Tirin Karo

Advertisement

Ku Xayeysiiso