Hargaysa Caasimadda jamhuuriyadda Somaliland ma waxay noqotay in ay beelaha Somaliland qaar ka mid ahi midba gaar u sheegto.

Warsaxaafadeed ay soo saareen jaaliyadaha beelaha badhtahama ,bariga iyo koonfurta caasimadda Somliland ee Hargaysa ee reer uk,kuna wajahan kala sheegeshada Hargaysa, iyo solteco waxba kama jiraan ka dhigay amarkii madaxwaynaha saxeenxanyahay guddoomiye mudane Deeq Cabdi Digale.

Hargaysa Caasimadda jamhuuriyadda  Somaliland  ma waxay noqotay in ay beelaha Somaliland qaar ka mid ahi midba gaar u sheegto.

Kala sheegasho Hargaysa

Annaga oo ku hadlayna magaca beelaha kor ku xusan waxaa amakaag iyo fajac nagu noqotay in caasimadda dalka ka dhaxaysa,   madaxdhaqmeedka beelaha qaarkood si gaara u sheegtaan,isuguna hanjabaan,warbaahinta isu mariyeen odhaaho ay ka mid ahaayeen “anngaa leh oo ma soo geli kartaan Hargaysa iyo sidoo kale” waxaa la yidhi nin “aniga yidhi dad iska reeb”odayaashaasi waxay caddeeyeen beelaha ay ka soo jeedaan in aanay wax tixgelin ah u hayn qarannimad dalka iyo beelaha kale ee dalku ka dhexeeyo,  madaxdhaqmeedkakaasi, waxaa ka muuqata deegaannada ay ka soo jeedaan in ay ka arradanyihiin martigelinta beelaha Somaliland  hiddaha u leeyihiin iyo wax wada lahaanshaha.

beelaha badhtahama ,bariga iyo koonfurta caasimadda Somliland ee Hargaysa waa kuwa gundhigga ama aasaaska u ah casimadda dalka kamana sheegtaan beelaha kale ee waalohood ah dalkuna ka dhexeeyo ,waa beelo ku caanbaxay soo dhowaynta iyo martigelinta faca ballaadhan ee soo jireenka ah leh.

Solteco guddomiyaha golaha deegaan caasimadda Hargaysa oo amarkii madaxwaynaha jamhuuriyadda Somaliland Axmed Maxamed Maxamud Siranyo waxba kama jiraan ku tilmaamay

 

Feb 04, 2015 Wasiirka Madaxtooyada Somaliland, Md. Xirsi Cali Xaji Xasan ayaa Waraysi dhinacyo badan taabanaya kaga hadlay, arrimo ay ka mid yihiin Muranka dhul ee ka taagna deegaanka Masalaha ee koonfurta Magaalada Hargaysa, murankaasi oo u dhexeeya  Guddida dadweynaha deegaanka iyo Ciidanka Qaranka oo xero ku lahaa halkaasi.

Waxaan kuu sheegaya in Madaxweynuhu go’aan ka gaadhay oo uu tilmaamay inuu dhulkaasi dan guud yahay, waxaa laga yeelaayo iyo taladiisuna ay ka go’do hoggaanka dalka oo ah Madaxweynaha”

Kaasi wuxuu ahaa go,aankii madaxwaynaha

Go,aankaasna waxaa meesha ka saaray Solteco guddomiyaha golaha deegaanka caasimadda Hargaysa

Oo si gaara u siiyey xidhibaan golaha deeganka ka mid ah.

 

Talo soo jeedin.

Madaxdhaqmeedku

Wuxuu sharaf ku leeyahay maslaxad iyo isu soo jiidiis sharaftiinna maaha in aad beelaha kala gaysaan ama kala fogaysaan,qaranka Somaliland waa beelo hal beel ah isku noqday oo dhul ilaahay ku wada abuuray dan ayaa ka wada dhaxaysa mana kala maarmaan,caasimaddana ma kala laha.

Solteco guddomiyaha golaha deegaan caasimadda Hargaysa.

Waxaa kaa sarreeya madaxwaynaha dalka Axmed Maxamed Maxamud Siranyo  sharaftaada maaha in aad go,aankiisa ka hor timaaddo

Allaah ayaa mahad oo dhan iska leh muslimiinta inna dhigay

Guddida horumarinta jaalliyadaha ingiriiska

 

—————————————————————————-

FG: Fikradda Maqaalka Waxay Gaar u tahay Qoraaga, ToggaHerer Looma Tirin Karo

Advertisement

Ku Xayeysiiso