Markii Koowaad Taariikhda oo Lagu Guuleystay Beerista Gacan iyo Ninkii Gacmoolaha ahaa oo Karay in uu Wax Qoro + sawiro

Markii u horeysay Taariikhda oo Ruux Bini Aaddam ah oo gacan beelay lagu beero Gacantiisa Xubin waxaanu awooday in uu Wax ku qoro shaahana ku qabsado

Ruuxii u Horeeyey Ee Gacmo Loo Beero

Chris King oo 57-sano jir ah ayaa labada gacmood beelay marka laga reebo suulka shil daran, kaas oo ka dhacay cadaadiska biraha mashiin uu ka shaqaynayay oo Aflahaa Faraha iyo baabacadana Gooyay.

Chris oo Gacmihii loo Beeray  ku haysta Shaah

Ka dib markii hawlgalka xubin beerista ee bishii July ee sanadkii hore ee Isbitaalka Guud ee Leeds (JF) ku guuleytay wuxuu awooday in uu ku qaado Dhalo quraarad ah.

Gacanta Chris Qaliinka Ka Hor

Sagaal bilood ka dib markii qaliinki suuragalay “Chris King,” wuxuu qoray warqad uu ugu Mahad celiyey dhakhtarkii Qaliinka ku fuliyey Professor “Simon Kay”, iyo sideed kale oo dhakhaatiir ah oo la fuliyey Qaliinka iyo beerista Gacantan.

Technology Beeristii Gacmaha 

Dhakhtarka qurxinta Sameeyey kuna tilmaamay mid cajiib ah xaqiijiyeyna in uu aad ugu faraxsan yahay horumarka laga sameeyeey Qaliinkan Ka dib, waxaanu u rajeeyey Mr King in Taxa kabaha ama xadhiga Kabaha iyo Badhamada Shaadhadhka, Bilaha soo socda iyana ku xidhan doona Gacamihiisa

Professor Simon Iyo Chris ka dib Qaliinka Sanadkii Hore

 

Professor “Kai” ayaa sheegay in uu la yaabay inuu warqad hambalyo ah ciida dhalashadiisa ah ka helay Mr. “King, isaga oo gacantiisa cusub ku soo Qoray Warqada waxaanu u rajeeyey in labada sanno ee soo socda xaaladiisu ay fiicnaato ,

Wakhtigii Qaliinka Lagu Guda Jiray

Waxaa xusid mudan in Chris King noqdo qofkii ugu horeeyay ee UK ee Gacmaha loo sameeyo uu Beelay.

Gacmaha Cusub ee Chris

Chris wuxuu yidhi, “Waan faraxsan waxaanan dareemayaa in aan qof caadi ahay mar kale“

Wargeyska “Daily Mail”, ayaa sheegay in ay ku kacayso beerista Gacanta Qudhi Lacag Dhan 50 kun oo dolar, marka lagu daro 2000 ilaa $ 3000 oo sanaddkii ah kharashka dayactir iyo daaweyn ah.

Advertisement

Ku Xayeysiiso