Shirkadda Telesom oo Maal-galisay Sanadkii Afraad Mashruuca Dayreelka  Caruurta La Nool Xanuunka Macaanka ee Cusbitaal Global Polyclinic Fuliyo

Hargeysa – (ToggaHerer) – Shirkadda Isgaadhsiinta Casriga ah ee Telesom ayaa $15,000 ku wareejisay maamulka Cusbitaal Global Polyclinic, lacagtan oo ay shirkaddu ugu deeqdo xanaanaynta caruurta la nool xanuunka macaanka oo ay shirkaddu maal-galinayso sanadkii afaraad.

Shirkadda Telesom ayaa sanad walba cusbitaalka Global Polyclinic ugu deeqda $30,000 si daawo iyo daryeel caafimaad loogu fidiyo caruurta la nool xanuunka macaanka. Cusbitaalkan ayaa gacanta ku haya caruur qabta cudurka macaanka oo tiraddoodu dhan tahay 150 caruurta. Kuwaasi oo la siiyo adeegyo caafimaad oo dhamaystiran iyo talooyin la xidhiidha baahiyahooda gaarka ah.

Munaasibada ka dhacay xarunta cusbitaalka Global Polyclinic ee magaaladda Hargeysa oo ay ka qayb-galeen masuuliyiin shirkadda Telesom ka tirsan iyohawl-wadeenadda cubsitaalkaas ayaa lagu gudoonsiiyey lacagtan, waxaana ka hadlay masuuliyinta labadda dhinac.

Ugu horayn munaasibada lacag-wareejinta waxaa ka hadlay  Maamulaha Waaxda Xidhiidhka Dadweynaha ee shirkadda TELESOM Md. Maxamed Cabdi Darbo, waxaanu sharaxaad ka bixiyey baahida cusbitaalka iyo kaalinta ay shirkadda Telesom ka qaadato, waxaanu yidhi, “Markii aan eegnay caruurta danyarta ee dalka ku nool in dhib badani ka haysato xanuunka macaanka, waliba dhaqaalo la’aanina u weheliso. Shirkadda Telesom iyo Cusbitaalka Global Polyclinic waxay iska kaashadeen mashruucan. Mashruucan oo maraya sanadkii afraad, waxaanu ku bilownay caruur gaadhaya 50 caruur ah oo qaban macaanka, imikana waxay marayaan ilaa 200 oo caruur ah. Shirkadda Telesom wixii maal-galin ah ayey bixisaa”.

Maamulaha xidhiidhka dadweynaha ee shirkadda Telesom ayaa sheegay warbixin la soo saaray caruurta la nool cudurka macaanka ee dalka ku nool in tiraddooda lagu qiyaasay ilaa 2,000 caruurta, Sidaasi daraadeedna wuxuu ugu baaqay hay’addaha iyo ciddii kale ee awoodi karta inay ku soo biiraan mashruucan oo ay caawimo u fidiyaan caruurtaa la nool xanuunka macaanka.

Ugu dambayn Maxamed Darbo ayaa Agaasimaha cusbitaalka Global Polyclinic ku wareejisay wajiga koowaad ee lacagta sanadkan ee mashruucan oo dhamayd $15,000

Agaasimaha Cusbitaalka Global Polyclinic Dr. Cabdirisaaq Yuusuf Adax ayaa shirkadda TELESOM uga mahadnaqay deeqda joogtadda ah ee shirkaddu sanad-walba ku bixiso xanaanaynta caruurta la nool cudurka macaanka, waxaanu hadalkiisa ku bilaabay, “Aad bay shirkadda Telesom ugu mahadsan tahay in aanu gudoono wajigii kowaad oo ah $15,000, waxaana runtii u sheegayaa in maanta dad 250 qof ahi ay ka diwaan-gashan yihiin. 150 ka mid ah oo wax loo  helay inta kalena ay sugayaan”.

Dr. Cabdirisaaq ayaa si gaar ah isu dul taagay dhibaatadda xanuunkan macaanka ee caruurta yar yar waxaanu yidhi, “Waxaa runtii nasiib daro ah, xanuunkani waa xanuun dhibaato badan leh, saddexdii sano ee u dambeeyey ee aanu gacanta ku haynay ilaa 10 caruur ahi way dhinteen. Wax  kalena may ahayn ee qoysaska ay ka soo jeedeen oo dan yar ahaa oo dabadeetana daryeelkii ay u baahnaayeen waayey ayey dhibaataddu ka timid”.

Dr. Cabdirisaaq Adax ayaa sheegay in lacagtan ay shirkadda TELESOM ugu deeqday ay ugu qaban karayaan uun in 150 caruur ah ay ugu soo iibin karaan dawooyin, qalabka cabirka macaanka iyo irbaddaha. Dakhtarka ayaa sheegay baahidda ay caruurtu intaa uga baahan yihiin inay aad uga balaadhan tahay.

Agaasimaha cusbitaalka daryeelka caruurta macaanka la nool ee Global Polyclinic Dr. Cabdirisaaq Yuusux Adax ayaa ugu baaqay xukuumadda, ururadda caalamiga ah, kuwa dalka gudihiisa, ganacsatadda iyo bulshada qaybaheeda kala duwan inay si weyn uga qayb qaataan mashruucan maadaama ay caruurta macaanku la nool u baahan yihiin daryeel weyn oo caafimaad iyo xanaanayn gaar ah.

Shirkadda TELESOM ayaa mashruucan markii ugu horaysan ku bilowday sanadkii $20,000 waxaanay sanadkii gaadhsiisay $30,000. Shirkadda ayaa sanadkii 2014 ku bilowday 50 caruurta balse waxaa isla muddo yar gudaheed aad u kordhay caruurta u baahan gargaar kuwaasi oo cusbitaalka uga yimid dhamaan goboladda dalka oo dhan.

Advertisement

Ku Xayeysiiso