Boqor Badmadaw Oo Xabsiga Loo taxaabay kadib hawl gal ay boolisku sameeyeen Laguna Xidhay Xarunta CIDA Hargaysa.

Xukuumada somaliland ayaa goor dhawayd xidhay Boqor Badmadow oo sheegtay inuu ka mid yahay madax dhaqameedka Beelaha Subeer Awal

Boqor Badmadaw ayaa Shalay Video uu Duubay ku Weeraray Beel ka mid ah beelaha Degta Burco Kuwaas oo Hadal Aflagaado ah u gaysatay Beeshaasi Kuna Sheegay in ay Khasab ku tahay in ay u Codaynayaan Muuse Biixi Halka uu ku sheegay in Cidii Wax la wadaagta Beeshaasi in ay Tahay Dad Caruur wax la wadaagay.

Amar ka soo baxay Taliska Booliska ayaa lagu Amray in ay ninkaas gacanta ku soo dhigaan KAdib hawl gal ay fuliyeen Booliska Somaliland ayaa waxaa u soo gacan galay Boqor Badmadaw waxaanu lagu Ciday XArunta CID ee Hargaysa halkas oo wax lagu waydiin doon Waxa ku kalifay arintan iyo in ay cidi ka dambaysay.

Wixii warar ah ee ka soo kordha kala soco togaherer

Advertisement

Ku Xayeysiiso