Daawo: Madaxweynaha Dawlada Deegaanka Somalida Ethiopia Md Cabdi Maxamuud Oo Gacantiisa Rashiin Bisil U Qaybinaayey Dadkii Barakacayaasha ahaa Ee Degmada Daroor.Una Sii Gudbay Degmada Awaare

Daroor / Awaare (Togaherer) Sabti 1da April 2017. Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar iyo waftigii balaadhnaa ee uu hogaaminayay oo wali ku jira socdaalkii roob-doon iyo u kuurgalida xaaladaha abaaraha saameeyay qaarka mid ah degmooyinka DDSI ayaa saaka ka soo ambabaxay magaalada Gaashaamo oo ay xalay u hoydeen.


Hadaba madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar iyo waftigan uu hogaaminayo ayaa soo gaadhay Degmada  Daroor ee Gobalka Jarar halkaas oo ay si meeqaam sare ah ugu soo dhaweeyeen qaybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan magaalada Daroor, Wuxuuna madaxwaynahu xadhiga ka jaray ceelbiyood (Riig ah) oo ay xukuumada DDSI ka hirgalisay magaalada Daroor, Sidoo kale Madaxweynaha Iyo Waftigiisu Waxay Ay Indho Indheeyeen Caafimaadka Dadka Taas oo isla markiiba uu Waftigu Booqday Xerada Barakacayaasha ee Demadaasi, Oo Madaxweynu uu Amray in Dadka Raashi Bisil Loo Kariya Halka uu Madaxweynuhu Gacantiisa u ku qaybinaayey. 

Intaasi ka dib waxay madaxwaynaha DDSI iyo waftigan uu hogaaminayo u soo ambaxabeen dhinaca degmada Awaare ee gobolka Jarar iyada oo ay halkaasi qaybaha kala duwan ee bulshadu ku soo dhaweeyeen markii ay soo galeen waftigan uu hogaaminayo madaxwaynaha DDSI ayaa waxa uu sidoo kale madaxwaynuhu xadhiga ka jaray ceelbiyood (riig ah) oo ay xukuuamda DDSI ka hirgalisay magaalada Awaare kaas oo looga faa’iidaysano xiligan in ay isticmaalaan bulshada abaaruhu saameeyeen.


Ugu danbayn madaxwaynaha DDSI iyo waftigan uu hogaaminayo ayaa intii ay dhexda ku soo jireen tuulo kasta iyo magaalo kasta oo ay soo gaadhaan waxay shacabka gaadhsiinayeen raashinka noocyadiisa kala duwan, calafka xoolaha iyo biyo iyada oo uu dhinaca kale madaxwaynahu iska xogwaraysanayeen bulshada ay la kulmaan xaaladaha abaaraha. Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar iyo waftigan balaadhan ee uu hogaaminayo ayaa wakhti-xaadirkan ku sugan magaalada Awaare ee gobalka Jarar.

Advertisement

Ku Xayeysiiso