10 Qodob oo ragaadiyay wax barashadeena hoose. W/Q: Mustafe Cali Deeq

Muddooyinkan dambe waxaa aad hoos ugu dhacay tayada wax barashada ee hoose ilaa Dugsiga sare,, tayo xumaantaa uu ardeygu la tago dugsiga sare waxaa ay la socotaa inta noloshiisa ka hadhay, waxaanay saamayn weyn oo taban ku yeelataa Mustaqbalka Ummadda.Waxaa u fiirsadey qodobo dhawr ah oo la degay wax barashada.#1 wax barashada lacagta ah ee ganacsatadu maamulayso ma saarna masuuliyadd ku aadan sidii ardeygu u noqon lahaa mid ummadda anafaca, waxaa culayska ugu weyn la saaraa sidii bisha 10 keeda ardeygu u soo bixin lahaa fiiga/Lacgata, mana jirto ama wey yartahay ardey lagu eedeeyo in aanu wax barashda ku fiicnayn.

#2 saacadaha wax barashad oo yar oo ugu badnaan ah saddex saac iyo Badh, bal u fiirso, ardey fasalka bilaabay 8da subaxnimo kana soo baxay 12ka Duhurnimo oo uu ku jiro waqtiga Nusasaacaha( break time) iyo waqtiyada kala wareega macalimiinta, waqtiga ugu badan ardeygu uu wax barto waa 3 saac ama 2 saac badh, waxa fiicnayd in ugu yaraan 6 saac ama 7 saac ardeyga wax la baro

#3 waxaa aad u yar Ardey la soo siinayo shaqo guri oo ku mashquulisa waajibaad berri laga sugayo ( Home work) taas la’aanteedu na waxay ardeyga siisaa fursad badan oo ku sameeyo waxyaalo kale oo aan ahayn Tacliinta, waxay ahayd in ardeyga loo soo diro shaqo guri oo fara badan si uu watqi u geliyo waajibka berri laga sugayo.

#4 Fasaxa dheer ee ardeyda la siiyo labada cisho oo ah khamiis iyo jimce, dan uma ah ardeyda wax baranaysa, waxay taasi ay faa’iido u leedahay Macalimiinta oo kaliya, waxaase areyda ka soo gaadha dhibaato ay mararka qaarkood ku samaystaan kooxo aan akhlaaq fiicnayn, maxaa yeelay ardeygii waxaa uu helay laba cisho oo xidhiiidh ah iyo maalin kale uu markuu dooono ku darsado, sida arbaca ama sabti.

#5 Manhajyo kala duwan oo midba meel laga keenay,oo aan ardeydii aanay isku waxba ka hadlayn

#6 luqadda aan soomaaliga ahayn ee ardeyda wax lagu baro ayaa ah Mushkilad kale oo weyn, waxaana dhacda in ardeygu ku mashquulo fahamka macnaha Kelmedda (Engilsh ah ama Carabi) , halkii uu kaga mashquuli lahaa fahamka nuxurka cilmiga ah ee loo dhigayo, waxaana habooneyd in ardeyga loo kala saaro luuqadaha iyo Cilmiga. cilmi baadhisyo la sameeyay ayaa ay ku soo baxeen in ardeyga wax ku barta afkiisa hooyo uu xagga fahamka.
cilmiga uu kaga fiican yahay kan wax ku barta Afka qalaad waxaana taas dheer inmacalinku aanau ahayn mid u dhashay afkaa uu wax ku dhigayo oo isaga laftiisu dhibi ka haysato

#7 Dhaqaale yaraanta macalimiinta Dugsiyada wax ka dhiga oo hela dhaqaale aan ku fillayn nooshiisa, waxaana inta badan macalimiintu ay ka fekeraan sidii ay u heli lahaayeen shaqo kale oo ka fiican tan wax barista, sida shirkadaha xawaaladaha Bangiyada iyo ganacsiyo kale. Qodobkan waxaa lagu xallin lahaa in Musharku macalinku ahaado kan ugu badan maxaa yeelay kaalinta uu macalinku ugu jiro Bulshada waa mid aan ka muhiimad yarayn kaalinta hooyodu ugu jirto ubadka.

#8 Mashquulinta Waalidiinta ee ardeyga lagu mashquuliyo saddex shcool ama wax loo yaqaan private schools oo aan ardeyga la siin waqti uu ku nasto ama kula kulmo waalidkiisa ama uu kaga shaqeeyo, shaqo guri oo loo soo diray, waxaa haboon wixii private schools ah laga dhigo labada maalmood ee jimcaha iyo khamiista, waa haddii sidan uu xaallku yahay sii ahaanayo.

#9 Maadaama wax barashadu u badan tahay ganacsi, waxaa yaraatay in ardeygu ka hadho fasalka uu markaa yahay si aan sumcadda Dugsigu u xumaan waa in ardeyga la iska sii daayo ama imtixaanka aad loogu jilciyo, taasina ay meesha ka saarto dedaalkii ardeygu geli lahaa.

#10 qorshe la’aan ardeyda loogu sii kala saaro kuwa farsamo yaqaan ah iyo kuwa Tacliinta sii wata, waxaa dhacda ardey ay ahayd in loo diyaariyo farsamo uu iska sii dhex fadhiyo Fasal maadado cilmi ah oo adag lagu baranayo, taasina waxay ardeyga ku keenta in uu niyad jabo marka uu imtixaan kasta noqdo kan ugu hooseeya.

Dib ha loogu noqdo tayada wax barashda ubadka.

Waxaa Qoray:

Md Mustafe Cali Ducaale

Hargaysa

Advertisement

Ku Xayeysiiso