Waxaan Hambalyaynayaa Wasaarada Deeganka


Waan ku hambalyeynayaa wasaarada  deegaan gudiga indha indhaynta bananka Somaliland 

Waxa an idhaha laga qarsankarin dhibka baaxada leh ee Lagu hayo  deegaanka. Sida jarida dhirta, seeraha la oodayo, Hadaba wasaarada deegaanka Fiira gaara ha u yeelato dhibaatooyinkaa an soo sheegnay waan Kuwa sababa xaalufka, abaaarta, nabaad guurka, waxan ognahay faaiidada ay dhirtu u leedahay noolaha kale, sida xoolaha, bina,,aadamka, iyo deegaanka, 

Dhirta xoolaha Cuna marna way hadhsadaan, dhirtu  waxay yaraysa kulka badan, waxay qaboojisa  deegaanka, dhirta waxay soo jiidata roobka waxay nu ognahay meeliba meeshay ka dhirbadantahay ka rob badan 

SEERAHA, dhulka layska ootay ee an waxba laga beeraynin waxa ka dhasha dhibaatooyin kala ah 

Waxa ku yaraada ama ku darxumooda, xoolaha waxa ka dhasha cuqubada xoolaha ee loo diiday inay daaqaan waxa yaraata barakada waxaynu  ognahay wixii la wadaagaa way ka baraka badan yihiin. Bananka oo qudha xooluhu kuma noola dhulkii kala waa la ootay, hadaynu beeralay wada noqono maba xumee wax hala beerto abaaraha lagaga baxo , bananka oo qudha ayaa hada danguud isugu soo hadhay iyagiina dad ayuu damac kaga jira, ama ha noqoto dawlada ama dad gaara 

By, mohamud ahmed dhoolayare 

Advertisement

Ku Xayeysiiso