Banka Qool Cadey yaaan  shuruud looga dhigin ceel biyoodka 

Marka hore waxan salaamayaa dhamaan shacabka reer somaliland iyo xukuumada.

Intaa ka dib waxan waxyar ka odhanlaa mashruuca qoolcaday waan soo dhaweynayaa
Balse hadii  la doonayo in banka xoolaha Lagu kabciyo ama loo  kaydiyo horta seeraha ama beeraha ha la baabiiyo, sababtoo ah suuro gal ma noqonayso dhulkii oo xidhan  in la yidhaa banka ka guura. Meel ay guuraan ayaanay garanayn, xoolona laguma dhaqankaro
Laba wax yaabood ayaa deegaanka halis ku ah waa seeraha iyo dhuxusha laga shidayo weeyaan waxay sababeen nabadguur, markaa intay mashaariicdani socoto  arintaana wax ha laga qabto
Wasaaradaha hawshan ku shaqo leh halala kaashado
Meesha isku dhac danbe yaanu ka iman
Mohamud Ahmed Dhoolayare
  Wabilahi TAWFIIQ

Advertisement

Ku Xayeysiiso