Talo ku socota Wasiir Cali mareexaan

Talo ku socota Wasiir Cali mareexaan
Wasiir  sidii Xirsi waddada ceerigaabo u bilaabay Adna dooxaas Awbarkhadle u bilaw  (Rakad)
Waxa aan halkan tacsi uga dirayaa qoyska  iyo bulshada ay ka baxeen labadii hablood ee walaalaha ahaa Foosiya Maxamed Yuusuf iyo Asma Maxamed Yuusuf oo shalay 26.3.2017 ku geeriyooday deegaanka Dooxa weyn ee Aw Barkhadle ee bariga magaalada Hargeysa  Eebbe godka ha u nuuro, dhammaan ummaddana samir iyo iimaan  ha ka siiyo.
Shilkaas waxa sabab u ah Dooxyadda iyo Qorshe xumadda 27 sano aynu arkayno dhibka Dooxyadda Awbarkhadle iyo kuwa la midka ahba.
 Dooxa Awbarkhadle sanadkasta wuxuu inagaga dhinta Haldoorkeena iyo bulshadeena qiimaha baddan. Dhiskiisa iyo wax ka qabashadiisaba haddaynu gacmaha is qabsano waa aynu dhisan karnaa kana bixi karnaa dhibka dooxaas iyo wixii la midka ahba.
Bilawgii Roobabka isla markiiba Laba  hablood oo walalo ahbaa ku dhintay dooxa Awbarkhadle  Alle haw naxariisto oo janadii ha geeyo.
Bal dhamaadka Roobabka imisa qof ayaa ku dhiman doona?
Talo
Wasiirka guryeynta iyo gaadiidka somaliland Wasiir  Cali-mareexaan waxaan talo ahaan u jeedinayaa oo aan  leeyahay wasiirkii ka horeeyay ee xirsiba wuxuu u badheeedhay wadaddii ceerigaabo  oo maanta gabo-gabo ah ee bal adna Dooxa Awbarkhadle u badheedh oo dhisme Buundo ah ka bilaw waxaad cidkasta ka heli-doontaa taageero iyo caawimaad aan kala go’ lahayn. Waxaanad noqondoonta wasiir lagu xasuusto waxqabad iyo taariikh u gaara.
Kaliya dawladdaha caalamka ee ina daneeya  iyo waddamada jaarka ayaynu xataa dhaqaale waydiisan karnaa inagoo tusayna dhibka dooxyadaas  se baahidu waxay ka timaadda cida rabta in wax loo qabto fadlan ha loo gurmado Dooxa aw-barkhadle. Oo dhaqaalihiisa ha la iska kaashado.
Haddii Xataa 2 malyan oo qof oo inaga mida laga qaado celcelis ahaan 5$ qofkasta waxay la mid tahay 10 malyan oo dollar taasi waxay dhisaysaa waxkasta oo aynu u baahano.
Iskaaahi iyo cid ina barta iskaashiga haddaynu helno waxkasta waxaynu u qabsan karnaa si heer sare ah.
Wasiir Cali waxaan mar labaad kugula talinayaa inaad noqotid wasiir ku dhiiranaada inuu Buundo ka dhiso dooxa Awbarkhadle iyo wixii kale ee uu awoodaba.
Haddaad wasiir ama xil haysid dhaxal u reeb dadkaaga intaad xilka haysid.
Farhan Mohamed Sultan (Rakad)
Facebook: Rakad Mxd Sultan
063-4400319
Berbera

Advertisement

Ku Xayeysiiso