Wefdigii Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland oo Gaadhey Dalka Imaaradka Si loo dhameystiro Heeshiskii Meletry

Weftigii Somaliland ee  u ambo baxay dalka Imaaraadka carabta ayaa si ballaadhan loogu soo dhaweeyay magaalada AbuDhabi.

Waftiga oo madaxwayne ku-xigeenka Somaliland hogaaminayay oo isla markii ay ka degeen gegida diyaaradaha ee Dubai si heer sare ah loogu soo dhoweeyay ayaa kolonyo baabuuri u ambabixiyeen xarunta madaxtooyada looga taliyo dalka isutaga imaaraadka carabta ee Abudhabi waxaana isla geli kii danbe ku qaabilay xarunta madaxtooyada Wasiirka madaxtooyada Sheekh Mansuur binu Zayed Aala Nahyaan iyo xubno golaha wasiirada ah.

Waftigan uu hogaaminayay Madaxweyne ku xigeenka Somaliland ayaa waxaa kam id ahaa Wasiirada Wasaaradaha Duulista Farxaan Aadan Haybe, Wasiirka Arrimaha Dibada Sacad Cali Shire,Wasiirka Wasaarada Hawlaha Guud Gaadiidka iyo Guryaynta Cali Xasan Mareexaan,Safiirka Somaliland ee Imaaraadka Baashe Cawil iyo masuuliyiin kale.

Waxaana laga wada hadlay Arimaha abaarta iyo xoojinta iskaashiga labada dal oo si qoto dheer loo lafa guray wax badana la isla meel dhigay.

Advertisement

Ku Xayeysiiso