Laaluushka iyo saamaynta xun uu ku yeesho bulshada iyo siyaabaha xal Loogu heli Karo.

If there are images in this attachment, they will not be displayed.   Download the original attachment

 

 

Laaluushka iyo Saamaynta Xun Ee uu ku Yeesho Bulshada iyo Siyaabaha Xal Loogu Heli-Karo.

 

 

1. Laaluush-ku;.

 

Waa aafo halis ah, oo ku dhex fidda dawladaha horumarey iyo kuwa dunida saddexaad-ba,  iyadoo loo adeeg-sado qaabab iyo farsamooyin kala duwan.

Kuligeed keeneysa inay bulshadu kala tag-to ama burburto.

Waana dhibaatooyinka ugu waaweyn ee bulsho soo waajah-da.

Magac kasta ha loo bixiyee, islaam & diinihii ka horeeyey-ba way xaaraantinimeeyeen laaluushka.

Waxaanay yeelan-kartaa sababo kala duwan.

Waxaanu xoogeys-taa marka la waayo cid dabagasha laaluushka iyo musuq-maasuqa, ama dadku ka fogaadaan diintood iyo dhaqankooda suuban.

 

2. Siyaabaha uu ku yimaaddo laaluushku.

 

Waxaanan tusaalayaal kooban ka bixinayaa raadka uu ku yeelanayo laaluushku bulashda uu hadheeyo ama ku faafo waxaana ka mid ah:

 

1. Nin xafiis looga dhigey masuul ayaa shaqaale cusub qaadanaya, waxaanu kulamo la sameynayaa shaqaalihii cus-baa, hadii uu qaar uu celiyey oo buuxin waayay shuruudihii, ay bixiyaan laaluush waxa laga horumarinayaa dadkii muteystey.

2. Ardey imtixaankii ku liitey ayaa macalinkiisii hadiyad u keenaya si uu u ogaado hadhow marka uu imtixaanka saxayo.

3. Nin-baa dhul banaan la siinayaa, iyadoo ay jiraan dad badan oo ka soo horeeyay, waayo isagu cid-buu meesha ku leeyey ay ehel yihiin.

4. Ka u dhexeeya laba laaluushka kala qaadanayaa wuxuu ku garabasiinayaa labadoodaba inay sameeyaan dulmin iyo xaqdarro.

5. Qofka qof xaq-darro iyo dulmi ku taageerana maalinta qiyaame meel baa la wada keenaya isaga iyo kii dulmiga sameeyey.

 

3. XIK-MADII SHEEKHUL ISLAAM IBNU TAYMIYAH.

 

1. Ilaahay dawladda cadaalad ku dhaqanta wuu u hiiliyaa, gaalaba ha ahaatee,

Ta dulmiga ku dhaqantana waa baabi’iyaa muslim-ba ha ahaatee”

 

4. DHIBTA UU KEENO LAALUUSHKU.

 

Laaluushku:-

 

1. Xaqqa ayuu baabi’iyaa,

2. Cadaaladuu qariyaa,

3. Wuxuu sabab u noqdaa lumitaanka  Xuquuqda muwaadiniinta,

4. Wuxuu xaq siiyaa mid aan xaq u lahayn. taasoo sababta daah saaridda denbiyada.

5. Ka liita ayuu soo saaraa.

6. Qofkii fiicnaa ayuu duud-siyaa.

7. Kii dharag-sanaa ee wax haystey yuu wax u taraa.

8. Kii baah-naa ayuu meesha ka

saaraa.

9. Wuxuu sababaa in wadanka La keeno alaabta dhacdey, ta-sumeysan & daroogooyinka.

10. Halkii wanaaga ayuu xumaan galiyaa,

11. Halkii amniga ayuu amni darro galiyaa.

12. Qish-ka ayaa gal maxalal ikh-laas.

13. Wuxuu sababaa amaanada oo la waayo (lunta).

14. Xaaraanta ayuu xalaaleeyaa,

15. Xalaasha ayuu

xaaraantimeeyaa.

16. Wuxuu ogolaadaa in lays-basaaso.

17. Wuxuu keenaa ducadoo la aqbali-waayo, ileyn xaaraantu waxay aw-daa albaabada samada (cirka).

18. Wuxuu keenaa in naar la galo,

19. Wuxuu burburiyaa bulshada.

20. Wuxuu khalkhaliyaa cadaalada.

 

 

5. Waxaa hadaba is waydiin leh sidee loo dawayn karaa cudur-kan halista ah.

 

Marka la doonayo in si dhab ah loo daweeeyo.

 

1. Waxa xukuumadda iyo sharaa’igaba la gud-boon inay baadhitaan/research ku sameeyaan oo ay dib u eegaan mushaharka ay siiyaan shaqaalahooda, iyo maceeshada suuqu inay is daboolayaan.

Taasoo mac-naheedu yahay in qofka shaqalaha ah la siiyo mushahar ku filan oo uu kaga kaaftoomayo inuu laaluush qaato, taasoo baahidiisa dabooleysa. Intaa wixii ka dambeeya hadii ay qaataan laaluush, waa in ciqaab la mariyaa.

2. Waa in la sameeyaa koox ilaalisa, dabagasha oo la dagaalanta laaluushka iyo musuq-maasuqa.

3. Waa in la geeyo qof walba halka uu ku haboon yahay oo aan nin jecleysi la samayn.

4. Waa in la abaal mariyaa qofka kasta oo shaqadiisa si fiican uga soo baxay.

5. Waa in dadka lagu tix-galiyaa sida ay shaqada iyo amaanada loo dhiibtey ugu kala wanaag-san yihiin.

6. Waa in xukuumadu dhaqaalaha wadanka soo gala si siman dadka ugu qaybisaa, oo qof walba xaqiisa la siiyaa, si ay meesha uga baxdo kala sareynta dadku.

7. Waa in la horumariyaa xeerarka ciqaabta. Cid kasta oo ku kacda laaluush, waa inaan loo muujin waxa naxariis ah.

8. Waa in garsoorku ka madax banaanaadaa xukuumaadda ama dawladda.

9. Waa in loo soo xulaa garsoorka dad aqoon u leh diinta islaamka iyo axkaamteeda.

10. Waa in meel looga soo wada jeestaa xukuumad iyo bulshaba sidii loola dagaalami lahaa;

1. Laaluushka,

2. Qishka

3.  Eexda iyo

4. Qabyaaladda,

5. Dadkuna u sinaadaa fursadaha shaqo.

Advertisement

Ku Xayeysiiso