Somaliland: Shoodhe Af-Weyne in lagu Riyoodaa ma Dambibaa?

Somaliland: Shoodhe Af-Weyne in lagu Riyoodaa  ma Dambibaa?

 

Calanka astaanta u ahaa xasuuqa reer Somaliland  ha u heesina hadii la yidhi ma dayrkii Makaa  la gubay? Shoodhe Af-Weyne siduu ugu riyoodaa qof reer Somaliland ahii? Miyaanu aheyn ka agtiisa uu fadhiyo Morgan(The butcher of Hargeisa)?

 

 

 

Tan iyo intii Shoodhe Af-Weyne(Farmaajo) riwaayadii Shimbiroyahow heesa lagu caleema saaray, waxa warbaahinta Somalia laga waday dacaayado iyo weerar lagu hayo Somaliland.

Waxay wariyaan in Somaliland ay dambi tahay Xamar iyo Farmaajoo lagu riyoodaa, ciddii u heestana hadlkeda daa’ , oo way kasii darran tahay. Waxa yidhaahdaan dhar midabka buluuga ah laguma xidhan karo Somaliland.

 

Reer Somalia in ay dacaayadeeyaan oo weeraraan Somaliland waa gartood,  sobobtoo ah wax kale oo ay ka mideyanyihiin ayaan jirrin. Waxa ay isku raacsanyihiin xaasidnimada JSL. Waxay ka muraaradilaacaan horumar kasta iyo wanaag kasta oo usoo kordha JSL. Halkii ay kheyr iyo horumar Eebahood ka baryi lahaayeen waxa ay doorbidaan Somaliland oo sidooda qasanta oo la mid noqota. Daliilkeeduna waxa weeyi kama sheekeeyaan wanaaga iyo horumarka usoo kordha JSL, laakiin kama habsaamaan in ay buunbuuniyaan oo been ku daraan hantaaq kasta oo lasoo darista Somaliland.

 

Waxa la yidhi “mayd maxaa u dambeeyey iyo kaa lasii sido”.

Mudane ka tirsan xildhibaanada golaha wakiilada Somaliland ayaa dhowaan dhaleeceeyey Shoodhe Af-Weyne,  maalintii ka dambeysay waxa ay warbaahintooda kusoo qoreen in sobobtaa aawadeed xildhibaanka loo garaacay iyadoo laga xunyahay hadalka Farmaajo ka dhanka ah ee uu ku hadlay. Waxa ay taas markhaati uga dhigteen Video clip sanado ka hor la duubay oo ahaa arrin ku dhacday xildhibaanka, oo aan shuqul ku laheyn hadalka uu Farmaajo iyo Somalia ka sheegay.

 

 

Reer Somalia waxaan kaba dhaadhacsaneyn  calanka buluuga ah in uu yahay astaantii reer Somaliland lagu xasuuqay. Diyaaradihii duqeynayey shacabka iyo maatida iyo dabaabadihii madaafiicda la dhacay intuba waxa ku xardhanaa calankaa. Sidaa daraadeed  suura gal maaha astaantii sidaa aheyd in reer Somaliland lagu yidhaa maamuusa oo u sacabiya. Taasi waxa ay la mid tahay reer Europe oo la yidhaa astaantii NAZI ga ha loo mashxrado.

 

Qofka reer Somaliland ee isagu aan sidaa aaminsaneyn la khasbi maayo, ha iska tago Xamarta xiisihu u qabtay oo ha u cayaaro Shoodaha iyo calanka buluuga ahba, ducana waaba laga yaabaa in aanu ugu darno.  Cidda saarku u hayo Shoodhe Af-Weyne  oo Morgan ag-fadhiyo  ee u heestaa ha ogaadeen in sidaasu Somaliland ay dambi ka tahay oo uu mutaysan karo xadhig iyo ciqaab. Waa dambiga lagu haysto ninka la yidhaa Coldoon. Waliba waxa looga cabsi qabaa agoontii iyo hooyooyinkii ubadkooda la xasuuqay in ay ku qamaamaan oo dhulka jiid-jiidaan.

 

Reer Somalia toodu ina dhibi mayso oo waa caadadood , laakiin waxa nasiib darro ah qaar reer  Somaliland oo warkooda ka doonta cadowgooda. Qaar magaalooyinka Somaliland jooga ayaa warka Somaliland kasoo xigta warbaahinta Somalia  ee hoyga u ah dacaayadda JSL

.

Allaa Mahad Leh

Advertisement

Ku Xayeysiiso