Masuuliyiinta Xisbiga Waddani oo kala garan waayay Federal ku sheegga Somaliya iyo Jamhuuriyada Somaliland…Q.1.

 Masuuliyiinta Xisbiga Waddani oo kala garan waayay Federal ku sheegga Somaliya iyo Jamhuuriyada Somaliland…Q.1.

 

Afeef:

Qof gaar ah ulama jeedo,qofna kuma xumaynayo,waana aragtidayda gaarka ah ee aan u arko qalooca ku jira siyaasada ay ayaamahan danbe masuuliyiinta Waddani si qaawan ugu dhaqmayaan,waana taxane soo bixi doona salaasa kasta hadii Eebe idmo.

 

Masuuliyiinta xisbiga Waddani erayada ka baxsan saaxadda siyaasada ee ay ku soo celceliyaan waxa ka mid ah:

1.Xukuumada kulmiye dalkay burburisay.

2.Xukuumada kulmiye dalkay baabiisay.

3.Xukuumada kulmiye daaray iibisay.

4.Xukuumada kulmiye Berbera ayay iibisay.

5.Xisbiga Waddani ayaa dalka badbaadinaya!

 

Akhriste,erayga burburisay waxa laga dhadhaminayaa meel aan waxbaba jirin,haday tahay haykal dawladeed,haday tahay dastuur iyo shuruucda,haday tahay adeeg-yada aasaasiga ah ee dalka,haday tahay daaraha amaba siyaasad dalka hagta.

Muwaadin waxaynu nahay ummad islaam ah,waxaynu nahay ummad xumaanta iska reebta wanaaggana is-farta,miyaynu maanta odhan karnaa dalkeenu wuu burburay oo gel-gelin cidla ah ayaynu dhex fadhinaa! Hadaa miyaynu odhan karnaa dal la dumiyay(baabiisay) oo dhulka lala simay ayaynu dhex fadhinaa! Hadaa ma waxaynu odhan karnaa Berbera ayaa la iibiyay ama hargeysa ama borama ama burco ama ceerigaabo ama laascaanood ama taleex ama buhoodle!

Akhriste, masuuliyiinta xisbiga Waddani marka ay adeegsanayaan erayadaa hoogga wada tilmaamaya miyaanay ka baxin xayndaabkii siyaasadeed ee hiigsiga hogaaminta dalka! Bal hada aad u dhadhami aragtida ah daaro ama guryo ayaa la iibiyay! Dalkan jsl waxa uu jiray 25sanno,intaa dalka horumar ayaa ka socday,xukuumado ayaa isbedelay,shacabku guryahoodii afweyne dumiyay dib ayay u dhisteen ayagoo waqtiga la jaan qaadaya,ganacsatadu dhismayaal casri ah ayay dhisteen,itaal kasta ha lahaadeene waddooyin ayaa la dhisay,xukuumad kastaaba heer ayay dalka soo gaadhsiisay,tan maanta dalka hogaaminaysaa waxay ku soo beegantay waqtigii wasaaradaha loo dhisi lahaa dhismayaal casri ah oo la jaan qaada heerka aynu marayno. Si bilicda caasimada iyo magaalo madaxda gobolada laysugu dheeli tiro ayaa guryihii hore ee wasaaradaha,guryahii madaxdii ingriiska iyo afweyne geli jireen oo dhamaan-tood gaboobay,noqdayna qaar dunsan laga iibiyay bulshada reer Somaliland cidii awood dhaqaale u leh ee dhismayaal casri ah ka dhisan karta. Tusaale gurigii dunsanaa ee laga iibiyay Gud.Waddani ahna Gud.Wakiilada,alxamdu lilaah kana dhisay dhismayaasha ugu quruxda badan maanta.

Akhriste,erayga badbaado waxuu ka mid yahay awoodaha alle,aadamigu waxba ma badbaadin karo balse wuu taakulayn karaa,gar-gaari karaa,toosin karaa,tusaalayn karaa.

Markaa waxaan leeyahay masuuliyiinta xisbiga Waddani dalkan masuuliyiin ayaad ka soo wada noqoteen ama hadaba ka tahiin oo awooda sharci ee 3aad waxa haya Gud.wakiilada Dr.Cabdiraxmaan ahna musharaxa heeganka u ah inuu dalka hogaamiyo ka daaya dalka talaabooyinka taban,qaarna lidka ku yahiin jiritaanka jsl.

Iskana daaya erayada ilaahay u gaarka ah sida qaybka iyo badbaadinta.Dib ugu soo laabta gegada tartanka doorashada ee fayaw.

 

Muwaadin kasta oo raba inuu dalka hogaamiyo waxa xaaraan ah inuu ka gudbo:

1.Dastuurka iyo shuruucda dalku leeyahay ee ummadu ku heshiisay.

2.Ku dhaqanka xeerka nidaamka ururada siyaasada iyo xisbiyada.

3.Madax-banaanida JSL,midnimada reer Somaliland.

4.Kala duwanaanshaha 2da dal ee JSL iyo federal ku sheegga

   Somaliya.

 La Soco……

 Allaa Mahad leh

 Xuseen Xasan Badmaax

Badmah100@hotmail.com

Hargeysa/JSL

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso