Dadku kala ayaan roon, Ama kala aqoon dheer,Ama kala asluub weyn.

Dadku kala ayaan roon, Ama kala aqoon dheer,Ama kala asluub weyn.

AC Marka hore waxaan halkan idiin soo marinaya duco iyo Salaan, runtii mudo 2 sano ku dhowaad maan qorin , maqaal mana jecli in aan marqaai geliyo umada aniga oo qofkale maagaya, laakiin dhacdooyinka dhacaya ayaa ku kalifaya in aad aragtidaada ka dhiibato, adiga oo aan xadgudbayn.

Sida aad ka dheregsantihiin dalka Somaliland waxa uu leeyahay 3 Xisbi qaran oo ah Kulmiye,UCID iyo Waddani, 3 xisbi madaxda hogaaminaysa iyo shacabka kala taageersan waxa ay isku haystaan codka bulshada reer Somaliland oo ah qaabka keliya ee lagu hanto talada Qaranka Somaliland.

Waxaa kale oo jira qolo la baxday Madasha Toosin Qaran oo ay ku bahoobeen niman u badan Jabhadii SNM iyo odayaal reer Somaliland ah.

Hadaba odayaasha madashu badanaaba waxa ay ka hadlaan xaalad markaa Somaliland ka taagan, iyaga oo muujinaya in ay dalka iyo dadka u tudhayaan, runtii wanaag badana way sheegaan, waxaase ayaan daro ah,in ururkan Madasha ay marwalba ku biiraan rag wata qorshe gaar ah, ama doonaya in uu ka dhigto masrax uu ka gudbiyo aragtidiisa aan dhaafsiisnayn mid shaqsi ama u adeegaysa Xisbi uu qarinayo in uu ka mid yahay.

Madaxda ururka Madasha qaran malaha siyaasad ay ku kula sheekaystaan ama ku xaqiijiyaan xubnaha cusub ee hadlaya ee hawshu waa gole ka fuul nin walba burqanayo aragtidiisa ujeedo badanka ah, afka ma qaban karayaan, umana diidi karaan in uu aragtidiisa ka dhex dhiibto ilayn waa Madal aan wax sharciyad ah haysan.

Hadaba taasi waxa ay dhalisay in 6 ama 7 nin is ag fadhiistaan ninba markaa wuxuu ku haystay Library isaga u gaar uu cabiro, ilayn wax protocol ah ma jiree.

Hadaba intii hore waxay ahayd Saleelo, waxa iga yaabiyay nin aan u hanweynaa oo la yidhaahdo DR Cabdisalaan Yaasiin ahaana Macalin Jaamacadaha wax ka dhiga markuu maalin dhoweyd yidh ( Waxa dalku marayaa halkii aynu marayney markii aynu hubka qaadanay)inkastoo aanu odhan Hubka qaata hadana waxa uu inoo bidhaamiyey in umada reer Somaliland ay dhiidhiyaan oo dib ugu noqdaan waxa aynu soo dhaafnay, waana sababta aan aan usoo qaatay murtidii Maxamed Ibrahim Hadraawe ee ahayd.

Dadku kala ayaan roon Ama kala
aqoon dheer ,Ama kala asluub weyn.
Aniga oo aan jeclayn in aan Wallaalkay DR Cabdisalan ku xadgudbo, waxaan leeyahay Macalin illaahay naguma celiyo dagaal, iyo in aynu dhalinteena hub isugu dhiibno. Xaalada dalkuna uma baahna sharixid ee umada reer Somaliland way og yihiin, maanta oo kuwii aad adigu macalinka u ahayd ayaa aduunka kawada shaqeeyan , Maanta jaamacada ka dhigan , aqoontoodii la adeegsado, may ahayn in aad maanta weedho kuwaa iyo wax u eeg adiga kaasoo baxaan. Nin habari dhashay hal ma seegi weydo ee shacabka reer Somaliland ka raali geli hadalkaa turxaanta lahaa.

Waxaa Dr Cabdisalaan shirka jaraa,id la qabtay Cabdikarin Axmed Mooge, waxa uu ka hadlay mawduuc uu ku dhaliilayo Wakiilada dawladaha shisheeye u fadhiya Somaliland, aniga oo ka aragti duwan, hadana marnaba muu sheegin in aynu burburnay iyo wax dhiilo noocaas ah. Sidaan hore idiinku sheegay dhamaan umada reer Somaliland xaq bay u leeyihiin in ay aragtidooda dhiibtaan, laakiin waxa haboon in qofku aanu umada gelin dhiilo iyo hadalo xanaf leh oo dadka walaalaha ah kala dilaya.

Waa ayaan daro in ay Umadahii kale ee Af-Somaliga ku hadli jiray ay maanta inala yaabeen, habeen iyo maalin warbaahintii waxay tebinaysaa dad Caytamaya, markaa waxa mihiim ah in aynu Cayda iyo Dhaliisha aynu kala garano.

Dhaliishu waa adiga oo dhaliilaya qaab hawl loo maamulay, soona jeedinaya sida ugu haboon ee aad isleedahay in loo maamulo ayay ahayd.

Caydu, waa aflagaado aad u geysato shaqsi ama koox adiga oo u dooranaya kelmado naxli leh.

Hadaba Mohammed SCW waxa uu inagula dardaarmay qofkii Rabbi iyo Maalinta qiyaamo aaminsan waa in uu wax wanaagsan sheegaa ama iska Aamusaa.

Waxayna Somalidu odhan jirtay Cayi nabadna waa kaa kaxeysaa colaadna waxba kaama tarto.

Hadaba Anigu maanta waxaan kula talin lahaa, waar marka masrax qurux badan lagugu soo dhoweeyo oo microphone laguu dhiibo, yaanu miyirku kaa tegin hubi oo ufiirso kelmada kaa soo baxaysa, qiimee maxay umadan tabaaleysan ee abaaruhu ku habsadeen saameyn ku yeelaneysaa? Dadka reer Somaliland kelmadaasi miyay sii kala irdhaynaysaa mise way isku soo dhoweyn? Qarankan saboolka ah ma waxbaad usoo kordhin mise waxbaad yeelaysaa?

Ugudanbeyn Madasha Toosin Qaran, waxaan kula talinayaa marka 1aad, illaahay ka baqa cimri baa taagan tihiin, 2. Ka daaya umada hadalada naxliga leh ee keeni kara in dalkani dhibaato galo, weli rag idinka ka mid ah taladoodii waxa kasoo baxay waynu wada ognahay , halkan faahfaahin ku bixin maayo.

3. Ku kala biira Xisbiyada qaranka ee iska daaya meeshan dhexe ee aad isbaarada dhigateen.

Intaa iyo Hadal yari Maanta.

Qalinkii Maxamuud Raage.

Advertisement

Ku Xayeysiiso