Shacab Baahi Qaba Iyo Hogaan Dano Gaar Ah Leh Ma Iyagaa Warba Isu Haya:

Waxa jirta daruur madaw oo ka curatay Somaliland kana dhalatay dulmiga iyo tacadiga lagu hayo muwadinka aan awooda badan lahayen. Ee ay daashatay Sicir barar, Maamul xumo, Abaaro bahsan , Siyaasad xumo, Macaluul ba’an , Xanuun, Dhaqaalo la’aan. shaqo la’aan.

Colaado sikiiye oo ka abuurmay nolosha mugdiga badan ee daashatay mujtamaci reer Somaliland ee ku dhaqan gobol iyo dagmo kasta oo ka tirsan dalka. Waxa jira guryo aad u triro badan oo aan dab lagu shidin. Waayeel iyo caruur macaluusha kululi ay u horseeday xanuuno halis ah sida shuban biyood .

Nafaqo daro in ay u noqdaan kuwo ku naafoobay una noqday qaar dhul yaala. Marka aan iigno mamulkii ay u doorteen in ay ku hagar baxaan Kuna nastaan .

Kana hilaan Cadaalad, Daryeel, Shaqo abuur, Mamul dhamisterno, Amaan iyo daganaansho, Qaran ka fayow qabyalad iyo tolay yaa reer hibalay.

Xildhibaano dii ay doortiin waxa ugu danbaysay malintii ay shacabka maasakinta ah ay ka qateen codkoosi .Halkiina kaga dhaqaaqay balamihii iyo balan qadyadii ay ku soo sasabayeen matida tamarta badan.

Malmo iyo sanado ayeey ka dhur sugayeen dadki ay meesha u doortiin . Rajadoodina waxay noqotay riyo iyo malo awaal iyo sheekoyinkii lagu sasabi jiray dhalanka. Wareerkii, Walaaci , Walbaharkii iyo maqaal saarnimadi waxa ay shacabka u keentay tahriibkii oo kordha, Sicir barar kii oo xadhkaha goostay, Qaranimadii oo ciil ku dhacday, Qabiilkii oo dib u soo noladay,

Hantide qaranka oo noqotay dhifta ay qutan shaqsiyaad mamulka haya iyo intii la hal masha. Hurin colaado sokiye.

Xaraash iyo iib iyo wareejin iyo kirayeen mood iyo nool wuxuu qaranku lahaa. Shaqsiyaad danta gaarka ah leh waxa manta dalkii iyo dad kiiba ka reebiin haba yaratee ma jirto.

Uman muqdan qaar intaa ku hadhaya ama ku joogsanaya. Waxan qormadan ku soo af meerayaa Kulmiye waa la gu hongoobay oo sidee ay dadku ugu leseen ugumu hambaynin. Dadow waad aragtaan Isha Cali ka laladee yaan mar labaad lagugu hodin hawada biinta ah.

Shacabow haday riyo dub leeyihiin dabadooda ayeey ku qarin lahayen . Kulmiyena hadu naf leyahay isagaa ayeey ka muqan la hayeed. 1000 ciib iyo dhaliilo wuu garan lahaa waxna wuu ka qaban lahaa.

Eng/ Farhan Ahmed Mahmoud

Advertisement

Ku Xayeysiiso