Geerida Halyeeygii Nabadda Q/ Somaliland

Maanta oo ay taariikhdu ahayd 7 March, 2017, abaara 4:00am waxaa magaalada Toronto ee dalka Canadda ku geeriyooday C/raxamaan Cismaan Raage oo aad wada garanaysaan inuu ahaa aabihii farsamo ee nabadda dhulka Soomaalidu degto; iyo waliba dimqoraadiyadda Somaliland.

Ilaahay naxariistii janoo ha ka waraabiye, marxuum C/raxmaan Cismaan Raage wuxuu ka mid ahaa madaxda Hay’adda Caalamiga ah ee Nabadda ee loo yaqaan International Peace Organization, kuna can baxday Inter-peace.

Siddoo kalena wuxuu ah tiir-dhexaadkii xubnihii dhidibadda u taagay Acadeemiga Nabbadda iyo Horumarinta Somaliland oo ku unkantay, kuna hana-qaaday taageeradda farsamo iyo dhaqaale ee Inter-peace, oo waaggii hore loo yaqaanay War Torn Socity oo uu hormuud ka ahaa marxuum C/raxmaan laga soo bilaabo 1990s.Iyaddo Akadeemiga Nabadduna uu noqday horseedka dib-u-heshiinta (Social Reconcilliation), dimoqraadiyada, iyo maamul daadejinta (Decentralization) Somaliland.

Marxuum C/raxmaan wuxuu 1970s Madax ka ahaan jirey Wakaalada Laydhka ee Hargeysa, waxaa kale oo uu jagooyin kala duwan, sida Agaasime Guud, Xog-yahah Joogtada ah, iyo Wasiir ka hayn jirey dawladdii Soomaaliya ee hore.

Halyeeyo badan baa inaga dhintay oo C/raxmaan Cismaan Raag uGu dambayaayay, kaliya waxaa inala gudboon inaynu u ducayno.

Ilaahay naxariistii janno ha siiyo, eheladii iyo asxaabtiina Samir iyo iimaan ha ka siito
Aamiin Aamiin Aamiin

Jamaal Jama Hirsi

Innsbruck

Austria

Advertisement

Ku Xayeysiiso