Shirkadda NIKE oo soo bandhigtay xijaab dumarka ciyaartooyda Muslimka loogu talagalay +Sawirro

Shirkadda caanka ku ah soo saarista dharka iyo kabaha ciyaaraha ee NIKE ayaa soo bandhigtay qorshe ay ku howlanayd sanado badan oo ay ugu talagashay haweenka Muslimka ah ee ka qayb qaata ciyaaraha caalamiga ah ee adduunka, waxayna haatan suuqyada soo dhigtay xijaab ay ugu talagashay haweenka Muslimka ah ee ka qayb qaadan doona tartammada orodka iyo wixii lamid ah.

Xijaabkan cusub oo ah nooc xirashadiisu fudddahay waxaa laga sameeyay maro qafiif ah oo sidii laastiigga u kala baxaysa lehna dulduleello yaryar oo hawo kasoo gali karto, wuxuuna soo shabahaa marada qammaarka.

Dadka xayaysiinta xijaabkaas ka qaby qaadanaya waxaa kamid ah gabar u dhalatay Dubai oo la yiraahdo Zahra Lari oo ka qayb qaadan doonta ciyaaraha Winter Olympics ee ka dhacaya 2018 Pyeongchang, dalka South Korea, Imaaraadka Carabta (UAE.) ayay Zahra u tartamaysaa.

Zahra ayaa kusoo bandhigtay barta ay ku leedahay Instagram sawirro ay ku labisan tahay xijaabkaas waxayna qoraal kooban ku tiri, “Ma rumaysan kartaa inuu xajiibkaas Dubai yaallo”.

Xagaaggii lasoo dhaafay gabadha la yiraahdo Ibtihaj Muhammad oo ah Muslim American kana qayb qaadatay ciyaarihii Olympic-kada ee caasimadda Rio De Janeiro ayaa la arkay iyadoo xiran xijaab waxayna waqtigaas ku guulaysatay biladda maarta.

Sanadkii tagay bishii October ciyaaraha dumarka adduunka FIFA oo da’doodu ka yartahay 17-sano ee kana dhacay dalka Jordan ayaa soo jiitay indhaha caalamka markii gabdho muslimiin ah oo xiran qamaar la arkay intii lagu guda jiray tartanka.

Hay’adda la socodka anshaxa ciyaartoyda ayaa sanadkii 2014 ogolaaday in ciyaartoyda dumarka Muslimka madaxa daboolan karaan.

Laakiin guddiga anshaxa ciyaarhaa kubadda kolayga FIBA ayaa diiday in dumarku madaxa daboolan karaan inta lagu guda jiro ciyaarta kubadda kolayga.

Maxamed Jaamac Faarax
Oslo, Norway.
Mjfaarah@gmail.com

Advertisement

Ku Xayeysiiso