“Guurtida Waa In La Kala Diraa Oo Aanay Golaha Sii Joogin”Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir

Hargeysa (Geeska)S uldaanka guud ee Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir Suldaan Cabdilaahi ayaa ka hadlay muddo kordhintii ay Guurtidu u sameeysay Xukuumadda, Wakiilada iyo Golayaasha Deegaanka, waxaanu sheegay in aanay haboonayn in Guurtidu wax ka bedesho heshiiskii Xisbiyada ee Komishanka iyo Madaxweynuhuna la ogaayeen.

Suldaanka guud ee Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir Suldaan Cabdilaahi oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika ayaa yidhi “Golaha Guurtida, waa in gabigoodaba la kala diraa, waa in la bedelaa, oo aanay Golaha sii joogin, maxa yeelay arinta ay ansixiyeen arin lagu murmo may ahayn, suurtagalna may ahayn inay wax ka bedelaan, maxaa yeelay Xisbiyada ayaa ka tashaday, oo ka heshiiyey, Komishanku wey la

ogaayeen, Madaxweynaha Qarankuna raali buu ka ahaa, markaas waxay ahayd inay sidaas ku ansixyaan, ee may ahayn inay wax ka bedelaan”

Suldaanka oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi “markaas inay madaxa wax isku galiyaan mooye, waxba ma hagaajinayaan, kuwana dadka Guurti u noqon mayaan, ee in la bedelo ayey u baahan yihiin”.

Xigasho: Geeska Afrika

Advertisement

Ku Xayeysiiso