awooda shaqo fayadhowr aqoon waxbarasho mushahar maamul shaqo oo kor loo qaado

Fariin Caafimaad.

Waa in kor loo qaada nadaafada iyo bilicda magaaloyinka dalka. Si ay caasimadeenu u barbar istaagto caasimadaha caalamka waa in la ganaaxa cidii goob aan loogu talo galin ku tuurta qashin sida wadooyinka magaalooyinka dalka
Awooda shaqo shaqaale mushahar maamul aqoon fayadhowr oo kor loo qaado waxay wax badan
Ay ka taraysaa in la helo shaqo hufan oo leh tixraac maamul oo ay ku xisaabtaman golaha deeganka caasimada hargeisa
In la helo dakhli ganaax fayadhowr hadii shaqaalaha kor loo qaado mushaharkooda shaqadooda iyo maamulkooda shaqo aqoontooda fayadhowr

In lala socdo shirkadaha dhismaha iyo dhiska qodida bulaacadaha goobaha wadooyinka ee danta guud laga bixinaayo taas oo loo bahan yahay in uu soo eego fayadhowrka xarunta goobta loogu talo galay iyo qaabka loo dhisayo bulaacadaas dgoobta iyo qaabka dhismaha bulaacada loo dhisayo in ay waafaqsantahay sharciga caafimaadka guud ee dhiska
In laga baahiyo idaacadaha dalka mareegtooyinka tv yada joornalada sharciga fayadhowrka dalka iyo shuurucda qawaanintiisa si ay bulshadu u fahanto macnaha ereyga fayadhowr iyo ujeedada uu xambaarsan yahay
In la tix galiyo lana soo celiyo haybadii shaqo shaqaale ee fayadhowrka degmooyinka dalka si u guto wajibaadka shaqo shaqaale uu uga masuulka yahay waa in waaxda fayadhowrka laga dhex saara waaxaha kale ee maamulka dawlada hoose maadama ay waaxdani tahay waax caafimaad

WQ: Dr Buux Ibraahin Aadan
Fayo-dhawre madax bannaan
buux2010@gmail.com

Advertisement

Ku Xayeysiiso