Daawo: Xildhibaano Heer Federal Ah Oo Maanta Booqday Goobaha Adeeg Bixinta Ee Degmada Wardheer Ee Gobolka Doolo.

Wardheer(Togaherer) Waxaa maalmahan booqanayay mashaariicaha horumarineed ee ka socda deegaan ka xubnaha xildhibaanada heer federaal haddaba xubno ka mid ah xildhibaanadaasi heer qaran oo ka mid ahaa xildhibaanadii heer qaran booqashadooda ku gaadhay gobolka doolo iyaga oo u kuur galaya habnololeedka bulshada, wax qabadka xukuumada heerarkeeda kala duwan (heer fadaraal, deegaan, gobol, degmo iyo tuulo), tirada iyo tayada adeegyada aas aasiga ah ee bulshada loo fidinayo sida; goobaha quudinta iyo daryeelka isku dhafka ah ee ay xukuumadu u diyaarisay bulshada ay abaaruhu saameeyeen, ceelasha biyaha, goobaha caafimaadka dadka iyo xoolaha, goobaha wax barashada, laydhka, isgaadh-siinta IWM.

Gudoomiyaha gobolka doolo mudane Maxamed Cabdi Bare ayaa xafiiskiisa kulan kula qaatay xildhibaanadan ugana warbixiyay xaalada gobolka iyo dadaalka adag ee ay xukuumadu u gashay samata bixinta bulsha.

Xildhibaan Cabdi Muuse Carte ayaa dhankiisa sheega in uuna hada kahor arag ageeg dhankasta ah dad iyo xoolo oo si nidaamsan hal meel /ceel xukuumadi ugu daryeesho bulshada deeda wuxuuna boogaadiyay in lasii joogteeyo dadaalkan kudayashada mudan.

Xildhibaan Marwo Nasteexo Xirsi Ismaaciil ayaa sheegtay in ay aad ugu faraxday habka/tab’ta/strategy ga ay xukuumada DDSI isticmaashay si ay uga jawaabto baahida bulshada iyadoo goobaha biyaha/ceelasha ka dhigatay goobo dadka iyo duunyadaba lagu daryeelo.

Advertisement

Ku Xayeysiiso