Xuseen Badmaax Oo Duray Madaxday Wadani Sheegayna in ay Badwayn Dhex dabaalayaan.

Madaxda Xisbiga Waddani waxaan leeyahay
In badan Ayaan qalinka kala xishooday inaan xisbigaa mucaaridka ah ee qaran(Waddani) ku duro balse joogsan waaye oo waxay bilaabeen ayaamahan ugu danbeeyay talaabooyin taban,kuna lid ah jiritaanka Jamhuuriyada Somaliland.Sidaa darteed anigoo muwaadin ah oo afkayga iyo aragtidayga ku hadlaaya ragga hoos ku xusan waxa aan farayaa inay u tudhaan dalka iyo dadkaba:
1.Gudoomiyaha golaha wakiilada Md.Cirro.
2.Xildhibaan Saciid Maxamed Cilmi.
3.Adan Dhoolayare.
4.Xamarji
Nimankaasi waa ragga anigu aan u arko inay dhex dabaalanayaan arrimo dalkani ka soo gudbay.Waxa si ula kaca uga horyimaadeen DP world iyo saldhiga uae,qaabka ay uga horyimaadeen maaha mid u dan ah dalka,way ogyahiin faaidooyinka dalka ugu jira balse waxyaabaha ay shacabka kula hadlayaan maaha mid maanta ka tarjumaysa horumarka dalka iyo midnimada shacabka jamhuuriyada Somaliland.
Hadaan soo qaato gudoomiyaha golaha wakiilada waa ninka saddexaad ee dawlada dalka ka talisa,golaha uu hogaamiyo iyo guurtidu waxay ansaxiyeen ogolaanshaha saldhiga uae inaynu heshiis la galo.Shalay mar uu ka hadlaayay xaflad dhallinyaro ku biirtay xisbiga waddani waxa uu ku baaqay oo uu ka horyimi go’aankii golaha uu hogaamiyo! Talaabadaasina waxay lid ku tahay xeer hoosaadka golaha wakiilada iyo qodob dastuuri ah. Markaa waxan leeyahay gudoomiyaha fadlan yeelo miisaanka xilka aad qaranka u haysid oo dalkan haw horseedin waxuu shalay soo maray.
Xildhibaan Saciid isaga waxan farayaa inuu ummada ka dhuunto oo aano dib u hor iman,sababtuna waxay tahay 20sannadood ayaad dalkan xildhibaan u tahay hawshii golahana waad fadhiidisay,meeshana banayn wayday,afkaagana mar kasta wax aka soo baxa nebigeena suuban(scw) adoo ku saliyaaya hadana waxaad ku xigsiisaa hadal aanay waxba ka jirin oo mucaaridadu kaa keenayso,markaa cidi ku aamini mayso e adr xishood oo ummada ka xishood afartan waddani ma matalaan shacabka jamhuuriyada Somaliland e.Adigoo u jeeda danahaaga gaarka ah ayaad doonaysaa dalkan inaad dib ugu celiso taanu ka soo gudubnay.Waar dib u joogso dalka waanu ilaashanaynaa,mana ogolin cid shacabka been u sheegta oo ku gabata xisbi qaran.
Ninka la yidhaa Xamarji, shalay isna waabu ka daray,waxuu cadeeyay xisbiga waddani inuu ku hawlanyahay burburinta midnimada shacabka jamhuuriyada Somaliland,waxuu si cad dhallinta dhiigooda ku shubaayay qabyaalad isagoo carrabkiisa ku adkaynaya cidda ay ka soo jeedaan iyo siyaasiyiin dalkan u dhalatay uglana jeeday inay isku qabiil ahaayeen(AHN).Waxa isna daba raacay(Dameeri dhaan raacdaye) wasiir ku saaqiday siyaasada oo la yidhaa Md.Adan Dhoolayare,bal yaa maanta wax ka dhegaysanaya kuwii shalay dalka hogaaminayay ee ka midka ahaa xukuumada ay dhaliilayaan.Goormaa laga tagay garashadii mise dacawo halkay macal ku baratay ayay macaluul ugu bakhtidaa.
Waar dalkani shuruuc ayuu leeyahay,xukuumada sharciya ayaa ka talisa,kalsooni ayaad siiseen,laydinka yeeli maayo idinkuna inaad dastuurka dalka ku tumataan hadana xukuumada ku eedaysaan.
Hadaba madaxda xisbiga mucaaridka ah ee Waddani waxa aan leeyahay dalka xil baa idinka saran,xuduud ayaad leedihiin,ilaalintiisuna waa muhiim,markaa hareerihiina eega,hadaad xadka dhaaftaan adeerayaal idinka yeeli mayno,mana doonayno dalkani inuu qol ku xidhnaado,horumar iyo midnimo ayaanu u baahanay ee dadka iyo dalkaba u tudha.

Allaa Mahad leh
Xuseen Xasan Badmaax
Hargeysa/JSL

Advertisement

Ku Xayeysiiso