Islaamkiyo Siduu Uga Qaybqaatay Gaadhsiinta Cilmiga Sayniska Ee Yurub by hamse riiraash

Islaamkiyo Siduu Uga Qaybqaatay Gaadhsiinta Cilmiga Sayniska Ee Yurub by hamse riiraash

Islaamkiyo Siduu Uga Qaybqaatay Gaadhsiinta Cilmiga Sayniska Ee Yurub by hamse riiraash

marka aynu rabno inaynu kahadalno sayniska iyo siduu uga qayb qaatay islaamku gaadhsiinta dhulka yurub, waa in ayno horta wax ka iftiimanaa waxa ay tahay yurubtu.yurubtu waxa ayka mid tahay 7da qaaradood ee uu sameeyo dhulka,galbeedka waxa ka xiga Atlantic ocean, koonfurtana waxa ka xiga mediterranean sea,woqooyigana waxa ka xiga Aractic ocean,bariguna malaha xuduud cad oo ka sooca aasiya,hase ahaatee juquraafihanadu waxa ay u qaataan buuraha lugu magacaabo ural iyo wabiga lugu magaacabo isna ural inay tahay xuduudka yurub. waxa kaloo yurubta loo yiqaanay intii ay maamuli jirtay kiniisadii galbeedka ee room marka laga reebo intii ay maamuli jirtey kiniisadii lugu magaacaabi jirey constantinople, imigana waxa yurubta loo yiqaanaa wadamada la isku yidhaahdo european communnity.

magaca yurubna markii ugu horaysay waxa laga dhex arkay gabay giriiga oo la tiriyay qarnigii 8aad ciise koho, hase ahaatee gabaygaasi waxa uu ku koobnaa woqooyiga giriiga taasina cadayn kama dhigayso inuu halkaasi ka yimid. taariikhyahan hore oo lugu magacaabi jirey herodotus ayaa ahaa taariikhyahankii ugu horeeyay ee adeegsada magaca yurub isagoo aduunka ukala qaybshay seddex qaaradood oo kala ah europe Asia iyo libya oo uu uga jeeday afrika hase yeeshee isna wuxuu qirey inaanu garanayn meeluu ka yimid magacan yurub taariikhyahanada imiguna waa lamid.

si kastay ahaataaba yurubtu waxay la macno tahay kalmada far-sighted from the greek ward,euros oo iyadna looga jeedo broad ama weynid,optikes iyadna waxa looga jeedaa eye lakiinse dadka qaarkood ayaa rumeysan in magacyada aasiya iyo yurub ay ka yimaadeen boqortooyadii lugu magacaabi jirey mesoptania iyo luuqadoodii la odhan jirey akkadian-ka ASU oo looga jeedo bixitaan iyo erebu oo looga jeedo galitaan markaas asu waxay noqonaysaa asia iyo erebu oo noqonaysa europe aasiyana waxa ay noqonaysaa bari ama meeshii cadceedo ka soo baxaysay iyo yurub oo noqonaysa meeshii cadceedo ka dhacaysay ama galbeed.

hadaba hadii aynu eegno islaamkiyo gaadhsiinta sayniska ee dhulka yurub roomaniyiintii hore waxay isticmaali jireen fikradihii giriiga hase ahaatee markay dhacday boqortoyadii in badan oo fikradihii hore ka mid ahayd waa la ilaabay galbeedka yurubna waxa ku dhacay hoos u dhac weyn waxayna waxbarashadii kacanta u gashay kiniisadihii kuwaasi oo leyn jirey wixii kasoo horjeedsada kiniisadaha isla markaasina ciqaabi jirey wixii la yimaada fikrad ka duwan ta ay baadariyaashu ko socon jireen hadaba markuu islaamku qabsaday dhulka yurub qarnigii 8aad waxay islaamkii keeneen dhulka yurub cilmiyo aykasoo qaateen giriiga iyo kuwa ay islaamku laftoodu sameeyeenba iyo waliba kuwa ayka soo qaateen shiinaha waxana cilmiyadaasi ka mid ahaa megnetic compos iyo gunpoder waxay kaloo islaamku keeneen dhulka yurub sida loo adeegsado dabaysha iyo biyaha iyo waliba mills an pumps waxana ka faa’idestay dadyowgii reer yurub waxay kaloo ay cilmiyo ay sameeyeen qarnigii 11aad ay keeneen dhulka yurub taasina waxay inoo cadynaysaa inuu islaamku yahay mid waxkasto ugu horeeya aduunyadan hadayna barigii gaadhsiin lahayn sayniska yurubtaas yurubtu waxay dib u dhici lahayd mudo ah qarniyaal aad u farabadan sidaas,siduu qabay caalam farasiisa.

umadeey islaameey

idinkaa horseed u ah

cilmiyada aduunyadan

iyo kuweena aakhiree

ee maandadaalno

aayaheena ka talino

wadadii asxaabtiyo

rasuulka udgoona

aynu kuwada dayano

inakaaba dayaxiyo

xidigaha iftiima

ugu horeyn lahaynee

hamse riraash

Advertisement

Ku Xayeysiiso