Gudaha Ka Eeg :Wasiir Cali Mareexaan Oo Ka Hadlay Gacan Ka Hadal La Sheegay In Uu Dhex Maray Isaga Iyo Wasiirka Macdanta .

Wasiirka Hawlaha Guud Mudane Cali Mareexaan ayaa markii ugu horaysay ka hadlay wararka sheegay in isaga iyo wasiirka Macdanta Mudane Xuseen Cabdi Ducaale uu dhex maray gacan ka hadal .

Waxaanu wasiirku gabi ahaanba meesha ka saaray in warkaasi uu jiro, waxaanu tilmaamay in aanu jirin gacan ka hadal dhex maray isaga iyo wasiirka macdanta .

Sidoo kale Wasiirka ayaa dhaliilay warbaahitnii warka qortay, isagoo si dheel-dheel ah ugu tuuray ereyo uu ku yasayo warbaahintii warkaasi daabacday .

Ugu danbeentii Wasiir Cali Ayaa sheegay in warkaasi uu yahay war aan sal iyo raad-toona lahayn oo aanay waxba ka jirin .

Warkan uu beeniyay Wasiir Cali Mareexaan ayaan xaqiiqadiisu cadayn, marka laga yimaaddo Beeninta uu wasiir Cali Mareexaana maanta ku daadifeeyay warkaasi .

Xukuumaddan ayaa la filayaa in muddo kordhin loo sameeyo, waxaana loo dhag-taagayaa Muddada ay Golaha Guurtidu ugu dhuftaan Xukuumadda .

 

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso