Dallada SSE oo cambaareynaysa xadhiga lagula kacay Agaasimihii Guud ee Telefishanka Star Maxamed Baashe Xaaji Xasan

 

 

 

 

 

 

 

Dallada SSE oo ay ka bahoobeen ururada Somaliland ee Yurub waxay baaqan kooban ku muujinayaan xadhiga lagula kacay Agaasimihii Guud ee Telefishanka Star Maxamed Baashe Xaaji Xasan, habeenimadii Salaasada ee ay taariikhdu aheyd 21 Febraayo 2017.

Dallada SSE xogta ay ka heshay warbaahinta Somaliland ee xorta ah iyo weliba qaar ka mid ah xubnaha Dallada SSE ee ku sugan waddankii ayaa u xaqiijiyey xadhiga Agaasimaha Guud ee Telefishanka Star iyo weliba qaabkii loo marey xadhigiisa.

 

Cambaareyn:

Dallada SSE waxay si buuxda u cambaaraynaysaa xadhiga Maxamed Baashe in laga qaado xorriyadiisa iyada oo aan lagu soo oogin ama aanu faraha kula jirin wax fal-dembiyeed ah. Waa ficil ka baxsan nidaamka garsoorka in lagula kacay muwaadinka Qurbo jooga oo dalkiisa ugu soo laabtey inuu ka qayb qaato hawlaha wax-tarka u leh horumarka dalka iyo dadka reer Somaliland. Dalladu in badan ayay dareen taban iyo walaac ka muujisey muwaadiniinta xadhiga iyo tacadiya lagula kaco iyada oo aan maxkamad sharci ahi aanay xukumin ama soo amrin xadhiga.

Dalladu waxay falkan u aragtaa mid waxyeelaynaya nidaamka Dimuqraadiyaydeed ee ku salaysan is-tixgelinta iyo ilaalinta karaamada muwaadiniinta reer Somaliland mid dalka ku sugan iyo mid Qurbaha ku suganba. Waxa kale oo ay dhaawaceysaa kalsoonida iyo jaceylka ay muwaadiniinta reer Somaliland ee qurbaha ku sugani u qabaan dalkooda. Ceeb iyo dhaliil ka weyni ma jirto in mujwaadin reer Somaliland ah lagu xidho in fikirkiisa xorta uu cabiro ama uu la qaybsado cid kale.

 

Gunnaanad:

Dallada SSE waxay ka codsanayaa masuuliyiinta xukumadda Somaliland gaar ahaan laamaha garsoorka iyo caddaaladda in Maxamed Baashe oo aan si sharciga waafaqsanayn u xidhan xorriyaddiisa loo soo celiyo. Waxa kale oo uu ururka SSE ku baaqayaa in la dhowro xuquuqda muwaaddiniinta dhammaan, gaar ahaan tan suxufiyiinta oo qayb weyn ka ciyaara kobcinta dimuuqraaddiyadda.

Dalladu waxaydareen taban ka muujineysaa muwaadiniinta Somaliland in si sahlan xadhig loola beegsado iyada oo aan la soo marin nidaamka garsoorka iyo Maxkamadaha Somaliland ee aasaaska iyo saldhiga u ah qaabka garsoor ee waddankeena. Ilaalinta caddaaladu waa sheyga ugu qaalisan ee Qaran ku hano qaado, nidaamkiisana dowladeedna uu ku waaro.

Ugu dambeyn waxa aanu rajaynaynaa in aanu falkani wax saameyn taban ah ku yeelan kalsoonida Qurbo joogu ay ku qabaan waddankooda isla markaana wixii dedaalo ah ay halkoodii ka sii wadaan.
Alle ha ina waafajiyo tallada toosan,

Guddiga fulinta ee Dallada SSE

Wixii faahfaahina kala soo xidhiidh: 00 45 25 53 93 15

Advertisement

Ku Xayeysiiso