Markii Siyaasiyiinta Somaliland Dhalintoda Ay Waxba Qalbigooda Ku Shubanwaayeen Ayuu M/Wayne Farmaajo Ka Faa’iidaystay Jaaniskaas:- Mustafe Cabdillaahi Xasan “Rayaale”

 

Corrective Criticism:=

Markii Siyaasiyiinta Somaliland Dhalintoda Ay Waxba Qalbigooda Ku Shubanwaayeen Ayuu M/Wayne Farmaajo Ka Faa’iidaystay Jaaniskaas:-

 

An tusaale usoo qaato midkamida dhalintii saamaynta badnaa, Yusuf-Xusni Xuseen Ismaaciil (master of project management) mulkiilihii ILKACAS JOURNAL, mawaaliyihii inta maadda jecel, maagihii cidda uu doono, heli ogihii hadalka haboon, Soo saarihii sawirada sargacan, sugaan dhaadhigii sirta heli ogaa, tixraacihii tagtada adduun, mudane yuusuf xuseen ismaaciil xaguu aaday, sababtuna maxay tahay ?

 

Yuusuf waxa uu, u dhashay somaliland, waana mid kamida jaamiciyiinta debedda wax ugusoo bartay dalkan. Waxa nakulmiyay halgankii waxbarasho ee heer jamacdeed iyo waayihii Addis Ababa taas oo nagga dhigtay dad si xeel dheeri ah u wadaaga hadba wixii taagan. Maalmo kadib markii madaxwayanaha cusub ee soomaaliya Mr, Mohamed Abdillaahi “FARMAAJO” muqdisho lagu doortay ayuu Yusuf-Xusni Ugandha igasoo wacay wuxuuna iisheegay inuu MAWQIFKII SII HORE EE SIYAASADEED BEDELAY, imika laga bilaabana uu lajiro siyaasadda muqdisho isaga oo taana ku sababeeyay jiho la’aanta siyaasada S/L iyo barnaamijyada siyaasadeed ee xisbiyada qaranka oo qancinwaayay.

 

Waxan waydiiyay dhowr suaalood: mudane xusni.

1- Ismaciil Buubaa iyo prof axmed ismaciil samatar oo kaa siyaasisan oo kaa aqoonbadan waxa ay somalia ugu soo noqdeen miyaad iswaydiisay?

 

  1. Muuqdisho ma isku hubtaa? mase kulatahay in rer waqooyi laga soo dhawaynayo halkaas?

 

3.Qoladii reer waqooyi ee kaa horaysay ee muqdisho joogtay way cabanayaane mala socotaaa?

 

Suaalahaas iyo kuwo lamida ayaan waydiiyay , saaxiibkayna wuxu uga jawaab celiyay qaab mucjiso ah. Mr COLDOON ayaa kasii horeeyay yusuf, Sikastaba ha ahaatee waxa muuqata in markii siyaasiyiinta Xisbiyada Somaliland ay ku guuldaraysteen in ay himilo u abuuraan shacabka iyo dhalinyarta waddanka si ay u hiigsadaan ,ugu faanaan, uguna mashquulaan uga shaqeeyaan gaadhista himiladaas hugaankoodu udhigay. haseyeeshee Markii jaaniskan ladayacay ayaa waxa u suurto gashay in siyaasiyiin kale ay kafaaiidaystaan quluubta shacabkeena, waad ogaydeen markii Mudane Farmaajo la doortay baraha bulshada ee ay isticmaalaan reer Somaliland waxa aynu ka daawanaynay waxa kasocda muqdisho, sidaynu ogsoonahayna beryahan danbe dadku waxay baraha bulshada kubaahiyaan hadba waxa laabtooda ka guuxa,(what is in your mind) hadaba maxaaa sababay in sidani dhacdo? illayn haday shacabku ay kahadlayaan arimaha siyaasadaha jaarka, waxay ahayd in kaliya ay kuhadlaan siyaasiyan waxa maamulkooda iyo madaxdoodu ka aaminsanyihiin wadankaas. se miyay dhacday sidaasi maya, sabab?

 

Waxa keenay siyaasiyiintoodii ayaa dadka mashquulin waayay, dabeetona waxaa mashquulisay siyaasiyiinta wadamada jaarka , oo layimi sayaasad ruuxa quluubta laga abaarayo, haye dee waa kuwaas durbaanada utumaaya meel aan laga dalban.

XALKA:- xadhigu wuxuu noqonkaraa xalka kumeel gaadhka ah ee joojinta ficil khaldan lkn maaha dawada saxda ah balse waxaa kafiican adoo qofka qalbigiisa bedela iyo wuxuu aaminsanyahay, ogowna haddaad hugaamiye muwaadinka ku qancinwaydo siyaasaddaada lasoco in wax kaa qaldanyihiin, sidaa daraadeed siyaasiyiin somaliland waxa u taala in arrinkaas wax laga bedelo oo dalka iyo dadka himilo cad loo sameeyo, siyaasad cadna qalibigooda lagu baragaraamiyo, oo asxaab iyo shiciba himiladaasi quluubtooda ka guuxdo, ilaa laga rumeeyo taasi marka lagaadho haddana tukale. Insha allah, oo dhalinta shaqooyin loo abuuro, haddii kale dee xoog dadka kuma haysankartid, xadhig qudhana xal maaha.

 

Mustafe Cabdillaahi Xasan “Rayaale” (master of sociology)

Advertisement

Ku Xayeysiiso