Sharcigu Maaha Shaadh Kolba Si Loo Xidho…..! Mohamed Gacayte

Maansadii Dabahuwan ee Abw. Hadraawi ayaa waxa ku jirtay kalmdan “Qofba Wuxuu Ka Daganyahay Halkuu Daacad Kaga Hadho” Hubaal weeyi inay tahay weedhani halbeeg lagu qiimayn karo qof kasta halka uu kaga hadho ama kaga baydho daacadnimada, runta, xaqa iyo sharcigaba. Hadaba cida ku suntan tusaalaha cabasho iyo dacwad toona uma banaana, xaquna maaha kaad aragto maalinta lagaa leeyahay, sideedaba sharciga waa loo siman yahay balse ninka sharci daro sacabka u tumay inuu sharciga ka cawdo maaha. Qofna xaq uma laha inuu yidhaahdo waxaan doonayo uunbaa sharci ah xataa haday sharci daro tahay; waayo qofna sharciga kama wayna.

Hadaan ujeedadayda hoos hadaan ugu daadago, Labadii Garab ee Xisbiga Ucid markii dacwadu socotay, Garabka Faysal waxay gabi ahaanba duudsiyeen oo xaqoodii aaseen dadkii kusoo tabcay ee xoog iyo xoolaba galiyay in mar labaad Ucid Xisbi qaran noqdo; Sidoo kale waxa hal bacaad lagu lisay laga dhigay Musharaxiintii iyo Xildhibaanadii uu codkooda kusoo baxay oo ah cida qudha ee sheegan karta Xisbiga hadii cidi sheeganayso. Garabka Faysal waxay ku doodayeen inaanay jirin cid Garabka Jamal ahi ama New Ucid ah oo wax ku leh Ucid. Xildhibaanka kaydka ahi waa Garabkii Jamal Cali Xuseen, Maayorada ay soo hadal qaadeena waa New Ucid; Waa damiir xumo inaad daba socoto dadkii aad Xaqooda dafirtay waliba adigoo sharci daro laguugu soo macmalay musharaxnimo waraabo u taaga ah oo meel ay Dastuurka kaga qorantahay aanay jirin mar 3aad inaad u cararto Musharaxnimo; Adigoo laba jeer oo hore dhacay shacabkuna Uff ku yidhaahdeen sidii M.weyne Siilaanyo sheegay; Indho adkaan iyo sharci jabin qaawan inaad umada lasoo hor taagnaato may ahayne; inaad umada ka xishooto ood meel ka fadhiisato baa kula gudboonayd.

Dhinaca kale ; Xildhibaanada ku abtirsada New Ucid shacabka ayaa soo doortay codkoodii ayay ku fadhiyaan kuraasta; xaasha muu ahayn cod la siiyay Ucid ama Faysal ee wuxuu ahaa cod la siiyay Xildhibaanadii Golaha Deegaanka intii soo baxay iyo intii hadhayba, wuxuu ahaa cod lasiiyay New Ucid iyo Aqoonyahan Jamal Ali Hussein, Isaguna danbi muu samayne Mishiinkii Xisbiga Ucid kusoo saaray Ayuunbuu kala soo baxay. Xaqbuu u leeyahay inuu muujiyo Cudadii, Taageerayaashii iyo Xildhibaanadii New Ucid ee Faysal ku dacwooday inaanay Xisbiga ka mid ahayn, Ma garanayo caashaqa maanta hayaa shalay xaguu jiray. Waxan leeyahay Ma jiro Xildhibaan laga qaadi karaa xilkiisa ama xubinimadiisa awoodna uma laha sabab laaan shacakii soo doortaybaa jooga, Kaliya Doorasho uunbaa lagu badali karaa Xildhibaanka. Faysaloow adigaa lagaa hayaa Garabka Jamal markuu noo yimid bakhtigaa xalaal noo ahaa, Waxaan ku leeyahay adkayso oo bakhtigaaga sido ama buuraha jiidh waa taasoo abadan ah layskaga jimcin maayo. Afartaa uunbaa ku joogaye iska iimaanso igawaloonad wax kabadan helayne, Indhaha hoos usoo rog, xamil ayaa laga rabaa ee adkayso.

Wabilaahi Tawfiiq

Siyaasi Mohamed Gacayte
Hargeysa/ Somaliland

On 24 Oct 2016 4:24 a.m., “GACAYTE DUBAD” wrote:
Maxkamada Sarre JSL waxay soo saartay xukun ah in labada garab ee Xisbiga Ucid inay si wada jira usoo magacaabaan Guddi Qaban qaabo 10 xubnood ah si isle’eg. Guddidaas oo ka shaqayn doonta qabsoomida Shirweyne aan caadi ahayn in lagu qabto mudo 60 cisho gudahood ah oo ka bilaabantay 25 Sept 2016, Maalintii ay Maxkamadu Xukunka ka soo saartay Dacwada u dhaxaysay labada dhinac ee Xisbiga Ucid. Toban ka xubnood ee Qaban qaabada shirweynaha aan caadiga ahayn iyagaa u madax banaan hawsha diyaarinta qabsoomida Shirweynaha, Cidina kuma faro galin karto waajibaadkooda shaqo ee loo igmaday sida ku cad Xukunka Maxkamada Sarre. Labada garab midna awood u malaha cayimaada ama mudaynta maalinta uu shirku dhacayo iyo wax lamida toona. Hogaanada labada garab Kaliya Waa laga rabaa magacaabista Xubnaha qaban qaabada shirka.

Sidoo kale waxay Guddidu si wada jira iskula meel dhigayaan Xubnaha Ergooyinkii joogay Shirweynahii u danbeeyay inta dhimatay, inta ka baxday xisbiga iyo inta joogta. Xubnaha Golaha dhexe wixii joogay shirweynahii u danbeeyay. Guddidu waxay dajinayaan jidwalka hawsha shirweyanaha sida Cayimaada Shirka maalinta la qabanayo, goobta lagu qabanayo iyo mudada uu soconayo shirku. Guddida tobonka xubnood ahi iyagaa hogaaminaya shirka soona diyaarinaya Ajanadaha Shirweyanaha oo ah Ansixinta dhamaan qodobada Heshiiska Labada Garab ee ku taariikhaysan 12 July 2012. Waxa tagtay ku dhawaad 30 maalmood Mudadii 60 cisho ee loo cayimay shirweyanaha, Garabka Jamal Cali Xuseen waxay dhakhso usoo gudbiyeen shantii xubnood ee garabkooda 03/10/2016. Labaatan cisho kadib shalay axadii 23/10/16 ayay Garabka Faysal soo Gudbinyeen shantii xubnood. Waxaana muuqata in Garabka Faysal ay ka war wareegayaan qabsoomida shirka, Isagoo Faysal si cad u jabiyay Xukunka Maxkamada kuna talaabsaday inuu xataa ku dhawaaqo Musharaxnimo aanu sharci u ogolaanayaa jirin, Waxaan filayay in Maxkamadu talaabo ka qaado Faysal mar hadii uu u hogaansami waayay kuna talaabsaday waxyaabo sharciga baalmarsan.

Hadaba Maxkamada Sarre waxay faylkii dacwada Ucid dib ugu celisay Guddida Diiwaangalinta Ururada & Axsaabta Qaranka oo ah Hay’adda fulinaysa Xukunka Maxkamada Sarre. Guddida qaban qaabada ee 10 ka xubnood ah iyo Guddida diiwaangalinta ayaa la wareegaya hawsha ilaa dhamaadka shirweynaha. Wixii labada dhinac ay isku qabtaan Guddida Diiwaangalinta ayaa Farsamo ahaan awood leh xalintooda, wixii adkaada ee u baahda tafsiir sharci Maxkamada sare ayaa loo gudbinayaa kadib marka ay Guddida diiwaangalintu jilciso qodobka laysku hayo. Sidaas darteed laba Garab waa inay u hogaansamaan Fulinta Xukunka Maxkamada Sarre, sidoo kale in laga foojignaado wax kasta oo ka hor imanaya Xukunka in lagu soo daro, hadii kale taasi waxay abuuri doontaa Khilaaf kale oo hor leh iyo Maxkamad kale oo keeni karta in Faysal laftiisa lagu furo dacwad khiyaano ah (Bridge of contract).

Waxaan ka digayaa wax kasta oo dhaawici kara qabsoomida shirka; waxaana muhiima in labada dhinac ay si wada jira u ilaaliyaan nidaamka iyo Fulinta Xukunka Maxkmada sare oo ah Ansixinta Heshiiska Labada garab. Wax ka duwan Xukunka cidii la timaadaa iyagaa cirka roob ku og.

Ilaahay sida xaqa ah hayna waafajiyo.

Mohamed Gacayte

Sarkaal ka tirsan Golaha Dhexe ee Xisbiga Ucid
Hargeysa. Somaliland
Gacayte09@gmail.com

Advertisement

Ku Xayeysiiso