Hanti  Dhawraha Guud, Gudida Musuqmaasuqa iyo Guddida Qandaraasyada Qaranku ha iscasilaan (Q. 1aad)

Qofka bani-adaamka ah waxa ugu qaalisan ee  uu ku noolaadaa waa sharaf, hadii malaayiin lacaga loogu badelana uma buuxinayso halka sharaftu (dignity) ugu jirto shaqsiyada qofka  bani-aadamka ah. Dadka dunidan ku noolina intooda badan waxay ilaashadaan sharaftooda inaanu dhaawac soo gaadhin iyo inaanay dadka kale sharaftooda dhaawac gaadhsiin. Sidaas oo kale waxan maqalnaa madaxweynayaal ama dad xilal sare ka hayay xukumado badan oo dunida ka tirsan oo qalad ay sameeyeen intii ay gudanayeen waajibaadkii loo igmaday  awgeed  iska casilay xilalkii ay hayeen si ay u ilaaliyaan sharafta dadkooda madaama ay si hufan ugu shaqayn waayeen dadkooda wixii ay ka filayeena u qaban waayeen ama ay jabiyeenba qodob sharci.

Hadaba Somaliland waxa ka jira Hay’ado xukumiya oo loo sameeyay inay ilaaliyaan hantida iyo sharafta umada Somaliland, kuwaasi oo loogu talo galay inay ku ilaaliyaan Hay’adaha kala duwan ee Dawladu inaanay ku tagri falin hantida umada iyo  inaanay ka gudbin xayndaabka sharci ee loo asteeyay.  Hay’adaha ugu waaweyne ee loogu talo galay ilaaliyaan Hantida umada, waxa ugu horeeya Xafiiska Hanti-dhawraha Guud ee Qaranka oo ah xafiis la siiyay awood sharci oo aad u balaadhan, kaasi oo uu ku daba geli karo dhamaan Hay’ada Dawlada ee kala duwan iyo kuwaa gaarka loo leeyahayba marka ay timaado ilaalinta dhamaan hantida qaranka ha noqoto hantida mag-guurtada ah iyo mida aan maguurtada ahayn ee ay ka midka tahay wixii la xidhiidha dhaqaalaha iyo lacagaha guud ahaan.

Xafiiska Hanti-dhawraha ma bixiyo adeeg sida Hay’adaha kale ee xukumada, shaqo kalena looma xilsaarin aan ka ahayn inuu hawl-maalmeedkiisa oo dhami ka dhigto badbaadinta hantida Qaranka mid gudaha taala iyo mid Debadaha taalaba, sidaas oo kale waxa awood buuxda loo siiyay inuu baadho dhamaan Hay’adaha xukumada ee kala duwan, Miisaaniyadooda iyo halka ay ku baxdo, Cashuuraha la qaado, sida loo qaado iyo halka ay ku danbeeyaan, waxa kale oo awood loo siiyay inay baadhitaan ku samayn karaan xafiis kasta oo Dawladeed iyo inay baadhi karaan masuul kasta oo xukumada ka tirsan hadii tuhun musuqmaasuq galo,  waxayna la tiigsan karaan sharciga dalka, iyada oo sharcigu u ogol yahay in xiitaa xubnaha sare ee sedexda Gole ay sharciga la tiigsan karaan si taasi u dhacdana ay codsan karaan in xasaanada laga qaado si loogu soo oogo danbiyada musuq-maasuq ee loo haysto.

Maanta Xafiiska Hanti-dhawraha Guud lama yaqaan waxa uu qabto, lamana arag wixii ka danbeeyay dhamaadkii sanadkii 2010 oo markii xafiiskaas la magacaabay uu isla markiiba qab-qabtay shaqsiyaad hanti badan dalka ka lunsaday sida la sheegay, kuwaasi oo maxkamadaha la horgeeyay, aadna loogu diirsaday dardartii cusbayd ee xafiiska Hanti-dhawraha Guud la yimid wakhtigaas balse waxa xigay in dhamaan dadkii ay ku cadaatay musuq-maasuqa la sii daayay, ka sii darane shaqooyinkoodii dib loogu ceeliayay, waxayna noqotay dhamaadkii shaqadii Xafiiska Hanti-dhawraha Guud ee Qaranku inuu halkaas ku dhamaado, dibna aan loo arag shaqo hufan oo uu xafiiskani qabto ilaa maanta, iyada oo dalka dul iyo dacal uu hadheeyay musuq-maasuq aan qofna ka qarsoonayn oo gaadhay inaadan inta badan xafiisyada Dawlada wixii kaaga xidhma aanad ka soo qabsan karin ilaa aad dilaaliin iyo mukhalasiin u sii marto amaba aad shaqaalaha xafiiska iska laaluushto si ay hawshaada kuugu qabtaan. Dhulkii danta guud ee Qaranku lahaa ee ay ahayd inuu Hanti-dhawraha Guud ilaaliyo waa la lunsadaa, iska dhaafe in dhul dan-guud laga tagee waxa la marayaa wadooyinkii Caasimada oo la iibinayo oo maalin kasta aad arkayso wadooyin xidhmaya oo la bixinayo.

Hadaba Hanti-dhawraha Guud ee Qaranka waxan kula talin lahaa inuu xilka iskaga tago, madaama uu ku guul daraystay inuu shaqadii loo igmaday qabsado, waa u nasiib daro inuu xafiiska iska joogo iyada oo musuq-maasuqii xadhkaha goostay oo sida cadceeda loo wada arkayo waxa socda inuu xafiiska iska sii fadhiyo, waxay ku tahay sharaf dhac iyo qalbi xumo inaad daawato hantidii umada oo ay shaqsiyaad iyo kooxo aan waxba u aabo yeelaynin faraqyada ka buuxsanayaan wixii umada ka dhaxeeyay ha noqoto dhul ama hantida kale ee umada ka dhaxaysa.  Mudane inaad iscasishaa waxay ka mid tahay inaad musuq-maasuqii la dagaalantay, waxay kaaga dhigan tahay inaad sharaftaadii badbaadisay, waxay kaaga dhigantahay inaad xaaraan ka dheeraatay madaama mushaharka aad qaadataa aanu xalaal kuu noqonayn ilaa aad qabato shaqadii laguu igmaday, oo kaaga dhigi lahayd xalaal. Diinteena ayaa inoo sheegtay inuu qofka xalaal u noqonayo mushaharkiisu marka uu qabto shaqadii lagula heshiiyay inuu qabto.

Guntii iyo Gebabadii, Mudane, hadii aanad ka dhiidhiyin musuq-maasuqa iyo ku tagri falka hantida umada ee dalka guud ahaan ka socda, waxaad la danbi noqon doontaa maalinta aakhiro kuwa  dhacaya hantida umada madaama ay noqonayso inaad raali ka tahay waxa ay samaynayaan oo aanad ka dhiidhiyin, inaad ka dhiidhidaana waa inaad hadasho oo aad umada u sheegto inaadan shaqadaadii qabsan karin oo lagaa horjoogsaday una baahan tahay inuu madaxweynuhu kuu madax-baneeyo shaqadaada hadii kalena aad iska casisho shaqada aad ugu magacaaban tahay Qaranka.

La soco qaybaha danbe.

Yuusuf Wacays

Advertisement

Ku Xayeysiiso