Cudurkii Reer Waqooyiga!!. “Qiiro iyo Somaali Jacayl aan Xikmadaysnayn”.

Cudurkii Reer Waqooyiga!!.

“Qiiro iyo Somaali Jacayl aan Xikmadaysnayn”.

**********************************************
” Cashardii Taariikhdu Qortay Waxaa kamida; in Qiiro aan dal lagu Hogaamin karin; Waa Xiligii Caqliga”.

Somaliland iyo Farmaajo!!

Sheekadan iyo Faaladan ila Wadaag!!

******************************************

Salama eleikum.

Nin philosopher oo uu dhashay dalka Masar; buugta qaarna ay qoraan Dalwaynaha shiinaha China; Ayaan qoray sheekadan.

Wiil iyo Aabihii ayaa ku noollaa Nolol faqiira; Maalin Maalmaha kamida Ayaa Willal dhalinyaro ah oo Tuulada Qoyskani deganaa kunoola u baxeen Ugaadhsii; Wiilashii; Waxay kusoo laabteen Tuuladi ayagoo aan Waxba helin.

Hayeeshee Wiilkii Odaygu dhallay; Wuxuu lasoo noqday isaga oo wata Xayn Fardo iyo dameer dibadeed ; Dadkii Tuulada deganaa Ayaa uyimi, Si ay ugu hambalyeeyaan Odaygan Wiilkiisu Qaniimaystay !.

Waxayna ku yidhaahdeen; Waxaanu kugu Hambalyeynaynaa ; Nimcada Wiilkaagu helay!.
Odaygii Wuxuu si degan uyidhi; oo Yaa idiin Sheegay; In Nimco tahay?

Maalmo kadib; Wiilkii Yaraa Wuxuu Fuulay Mid kamida Fardihii; Wuxuuna ka jabay Lugta!!.
Dadkii Tuuluhu Waxay kusoo noqdeen Odaygii; Waxayna uga tiiraanyeeyeen, Dhibaatada Wiilkiisa Soo gaadhay?

Hayeeshee Odaygii isaga oo Degan ayuu ku yidhi; Yaa idin baray in Musiibo tahay?.
Maahmaahbaa ahayd ” Aad how qoslin Ooyi doontaana Mooyee; Aad how ooyin; Qosli doontaana  Mooyee”.

Aan sheekadii sii wadee; Maalintii Dambe ayaa Tuuladii lasoo weeraray; Dhamaan dhalinyaradii tuuluhuna Waxay ka qayb galleen in ay Tuulada dufaacaan; Marka laga reebo Wiilkii Odaygu dhallay ee cagta ka jabnaa; Nasiib darro; Dhamaan Wiilashii Waxaa lagu laayey Dagaalkii; Marka laga reebo wiilkii Odaygu dhallay?.

Dadkii Tuulahaa deganaa; ayaa uyimi; odaygii wiilka dhallay si ay ugu hambalyeeyaan!.
Odaygii Wuxuu ku yidhi; Yaa idin baray in ay Nimco tahay?!.

Sheekadan Macnaha ay tabimaysaa Wuxuu yahay; Inaad Nolosha sugto; oo aanad aad umacnayn; Waxaa Markaa Jooga; ee aad Ka fikirto Waxaa ka dambayn karra.

Reer Waqooyigu intay Qiirada iskadayaan; Farmaajo hasugaan!!.

Waxyaabihii Dagaal kii labaad ee caalamka Sababay Waxaa ka mid ahaa; cadifadii Wadaniyada iyo afkaartii Aryanism ( Nationalism and Aryan Theory). Sidoo kale 1960kii Sanadkii Xornimadii  Afrika; Waxaa jiray Dareen iyo Jacayl Afkrikaanimo; ‘Pan-africanism” Nakruuma iyo ragii la mid ka ahaana Waxay aaminsanaayeen; in Afrika la mideeyo!.

Doorashadii Somaliya iyo Guushii Farmaajo; Waxaad Mooda inay keentay; Yadadiilo iyo hawo shacab; Gaar ahaan Waxaad arkaysaa; Dhalinyaro faro badan iyo Siyaasiyiin faro badan oo hanqalka utagaaya Guusha Farmaajo iyo xiisada Mugdisho ” Civil Waves” Hadaba Maxaynu ku qiimaynaa Farmaajo?!

.
Farmaajo ma taagna; xilli la Amaano!; Wuxuu qaaday Musuuliyad Culus; hala sugo; Sida uu xilkiisa uguto; Reer Waqooyigu Waa dad Somaali jecel ; Nabad jecel oo Qiiro badan yihiin; Lakiin Farmaajo waa in ay ku qiimeeyaan:

1. Sida uu uga shaqeeyo Xidhiidh ka Somaliland iyo Somaaliya.
2. Sida uu utaageero Mashaariicda Horumarka ee Somaliland.
3. Sida uu ufadaydiyo; Arimaha kakan ee isaga xidhan Somaliya iyo Somaliland.

Inanka Hargeisa jooga iyo inanka mugdisho jooga; Waa Somaali; Ninkii Xil qaada Waa in uu horumarkooda kawada shaqeeyo. Madaxda Somaliland Waa in ay diyaariyaan Qorshihii Somaliya lagaga bixi lahaa.

Waa Xiligii Caqliga; Somaliland Waxay ubaahan tahay Qorshe Horumar ku sallaysan; Waa nimanka xilka haya iyo kuwa soo socdaaba Sameyaan isbadal muuqda; Si Somaliland aanay cidhiidhi u galin; Shacabkuna dadkooda iyo dadkooda ha aaminaan.

Mohamed A Sayaqle
London; UK.

Advertisement

Ku Xayeysiiso