Ururka Samafalka Samatalis oo Deeq Biyo ah Gaadhsiiyey Tuulada Libaax Qawdhama ee Degmada Balli-Mataan Gobolka MaroodiJeex.

 

Deegaamo ka tirsan Degmadda Balli-Mataan iyo Sallaxley oo ay Abaaraha dalka ka jiraa si xun u saameeyeen , ayaa waxa la gaadhsiiyey Kaalmo biyo ah oo ay ku deeqeen Ururka Samafalka ee Samatalis.

Kaalmadan oo Ururka Samatalis  ugu talo-galay inay kaga qayb-qaataan gurmadka qaran ee Abaaraha, ayaa deegaamada la gaadhsiiyey waxa kamid ah Tuulada Libaax-Qawdhama oo kamid ah meelaha Abaartu sida xun u saameysay, bilihii u dambeeyey  Biyo iyo Raashin la’aan xooga oo Dad iyo Duunyaba saamaysay ka taagan tahay..

 

Deeqdan Biyaha ah ee Ururka Samatalis u Diray Deegaanka Libaax-Qawdhama ayaa ka Koobnayd Saddex Booyadood oo Biyo ah iyaga oo sheegay in Sidoo kale maalmaha soo socdana u diri doonaan Biyo Kale isla Tuuladaasi.

Odayaasha iyo Waxgaradka Tuulada Libaax Qawdhama oo  lagu wareejiyey Deeqdan Biyaha  oo hadalo ka jeediyey, ayaa si mug leh uga mahad-naqay gurmadka loo fidiyey oo ay sheegeen inay baahi weyn u qabeen, iyagoo geesta kalena tilmaamo ka bixiyey Baahiyaha kale ee jira Deegaamaddooda, oo ay qaar abaaruhu dhaliyeen iyo qaar horeba u jiray oo ay kamid yihiin baahiyaha adeegyada aasaasiga ah, sida Caafimadka, Waxbarashada iyo Biyaha.

“baahidu maaha biyo qudha ee waxaanu u baahanahay oo noogu daran Raashin, Daawo iyo Caweys la siiyo xoolaha yar ee soo hadhay” sidaas waxa yidhi Guddoomiyaha  Tuulada Libaax Qadhama, Oday Cabdilaahi Guhaad oo ka hadlayey Wareejinta Deeqdan Biyaha ah, isagoo intaas raaciyey “Xaalada dadka iyo Xooluhuba aadbay u liidataa” ayuu yidhi isagoo dhinaca kale u mahad naqay dadka Muxsiniinta ah  ee Kaalmadan u soo diray iyo Ururka Samatalis ba.

Dhinaca kale, Odayaasha iyo Waxgaradka Deegaanka oo hadlay ayaa dhinacooda Guddida Abaaraha Qaranka, Dawlada iyo Ururada Samaflka  ugu baaqay inay Raashin iyo Daawooyin soo gaadhsiiyaan Dadka ku dhaqan Deegaankan, iyagoo tilmaamay in dhibaatada ugu daran ee iminka Degaanka ka jirtaa ay tahay cunto yaraan iyo biyo la`aan. “Biyahaas iminka naloo keenay waxa laga yaabaa in Guryaha qaarkood aanu oolin raashin lagu karsadaa, markaa dawladda iyo Shicib wixii wax nagu tari kara waxaanu leenahay waar dadku waa liitaa  ee u soo gurmada” ayuu yidhi Oday kamid ah Odayaasha Deegaanka Libaax Qawdhama. 

Dhinaca kale Masuuliyiinta Ururka Samatalis ayaa sheegay in iyana ay Deeq Biyo Iyo Raashin isugu jirta  u dirayaan Degmada Balli Mataan oo ay ku sugan Yihiin Dad Barakacayaal ah iyo Dadka Deegaanka oo ay Saamayn Xoog ah ku yeelatay Abaarta Baahsani .

Waxay intaa ku dareen in ay Hore ay Raashin ugu direen uguna Qaybiyeen dad gaadhaya ilaa afar Boqol oo qoys oo Degan Tuulooyinka Kaam-Buraale iyo Kaam-Rooble, Gacan weyna ay ka geysteen Qalabaynta Cusbitaalka Degmada Balli-Mataan oo ah mid ay ka Faa`idaysteen Dadka Deegaanku wax badana ka taray xaalada hadda ee Ay keentay Abaarta Jirtaa..

Warqabadka ToggaHerer

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso