Dawlada Jamhuuriyadda Federal ka Itoobiya oo Shaacisay in ay Jamhuuriyadda Somaliland ku Caawinayso Deeq Raashin ah oo Dhan 3000 Ton si loo gaadhsiiyo Dadka Abaaruhu Saameeyeen.

 

Wasiirka arrimaha Dibada Dawlada Itooboya H:E Dr Werkena  ayaa u sheegay Wasiirka Arrimaha Dibada Somaliland Dr Saca Cali Shire oo Safar hadda ku jooga Wadanka Itoobiya in Xukuumada Dawlad Itoobiya ay  Jamhuuriyadda Somaliland ku caawinayso Raashin dhan 3000 Ton si loo siiyo Dadka ay abaaruhu Saameeyeen ee Jamhuuriyadda Somaliland.

 

sidaana waxa Xaqiijiyey Safiir Ku Xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland ee Dalka Itoobiya Amb  Ayanle Salad Deria Safiir ku xigeena ayaa u mahadnaqay Dawlad Itoobiya ee Sida walaalnimada leh ee ay ugu deeqeen Caawimada wax ku oolka ah.

 

Warqabadka ToggaHerer

 

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso