Waa maxay xaaladda gurmadka abaaraha loo adeegsan karaa?

Kadib markii lagu heshiiyey [dawladda iyo xusbiyada qaranka iyo guddida doorashooyinka] in doorashada dib loo dhigo abaaraha jira awgood, ayaa bulshada Somaliland  is weyddiinaysaa ama dhegta u taageysaa tallaabada labaad ee la qaadayo.

Abaaraha oo sii laba jibaarmaya iyo xaaladda oo meel khatar ah maraysa ayaa dad badani sugayaan in dawladdu xaalad degdega ah (state of emergency)  ku dhawaaqdo, si dadka  iyo xoolaha inta hadhay  loogu gurmado oo la joojiyo wixii kale oo dhan ee aan lagama maarka ahayn.

Waxaaba la odhan karaa ‘ gurmad degdeg ah’  ayaa shaki  iyo fahmo darro bulshadu ka qaadi kartaa iyadoo lagu qaldi karo  ‘ bandawgii’ dawladdii Siyaad Barre ku soo rogi jirtay magalooyinka Somaliland. Waxaa Iyana lagu xusuusan karaa  ‘gurmad askarta’ ee jiri jirey waqtigii dawladdii Siyaad Barre. Waxaa xusuus mudan dawadda Somaliland inta ay jirtay oo ku dhowaanaysa 26 sano inaan marnaba dalka xaalad degdeg ah lagu soo rogin . Laakiinse waxay u muuqataa xaaladdan abaaruhu inay tahay mid aan hore loo arag oo gurmad ballaadhan  u baahan , xaaladaha iyo sifooyinka  waqtigan loo adeegsado abaaraha jirtya iyaguna inayn u muuqan kuwo lagaga  bixi Karin ama dhibaatadeeda la yarayn karayn (Cannot be mitigated).

Haddaba iyadoo  xaaladdii la qaatoba ay tahay   lagama  maarmaan in dadka loo gargaaro, dawladda Somaliland iyana kollay wax u qorshaysanyihiin mas’uuliyadda saaran iyo xaaladdu halka khatarta ah ay marayso awgeed , ayaa waxaa qoraalkanu xagga hoose si kooban ku falaqaynayaa xaaladaha kala duwan ee la adeegsan karo qaarkood , lana eego ta ugu munaasibsan ee lagu dhaawaqi karo sasna aan bulshadu ka qaadin.

Bandaw : Martial law, الأحكام العرفية

Waxaa xaaladdan  ku kaca xukun askari (milatari) ama keligee taliye ah ( dictator) iyadoo loola jeedo in dadka la xakameeyo, xorriyaddana la laalo haddii xukunka la diido ama laga soo horjeesto ama xaalad dagaal dhacdo oo waddanka khatar gelin karta . Waxaa tusalaale inagaga filan bandawgii gobolada waqooyi ay ku soo rogi jirtey dawladdii Siyaad Barre kadib markii xukunkiisii qadhaadhaa laga soo horjeestay.

Xaalad Degdeg ah: State of emergency,حالة الطوارئ   
Xaaladdanu waa ta ugu isticmaalka badan ee adduunka ka jirta  oo isticmaalkeeda ay kawada simanyihiin dawlad dimoqraaddi ah ama mid aan  ahayn , dawlad adduunka horuumaray  (developed) ka mid ah ama mid dunida saddexaad ( developing)  ka mid ah. Waxaa kale oo adeegsan kara gobol dawlad ka mid ah, haddii xaalad aan caadi ahayni soo foodsaarto sida dab qabsada ama duufaanno dhaca ama abaar ku dhacda. Waxaa iska caadi ah in aan maqallo gobol Maraykanka ka mid ah oo xaalad degdeg ah lagu soo rogay iyadoo dabaylo (tornado or hurricane) ku dhaceen ama dab qabsadeen sida duufaankii caanka ah ee la magac baxay ‘Katrina’ ee ku dhacay gobolka  ‘ Louisiana’ sanadkii 2005. Tusaalooyin badan oo adduunka ka jira ayaa la soo qaadan karaa oo xaaladdan oo kale la adeegsaday sida tii gobolka ‘ Alberta’ ee  waddanka ‘ Canada’ ka dhacay kadib markii dab balaadhan oo khasaare weyn geystay qabsaday qayb ka mid ah gobolkaas sanadkii aynu soo dhaafnay (2016). Halkanse laguma  wada soo  koobi karo tusaalooyin badan oo adduunka ka dhaca oo xaaladdan loo adeegsado.
Waxaa ujeedada ugu weyn ee xaaladdan loo soo rogaa ka mid ah in muwadiininta la faro inay hab nololoodkooda bedelaan inta xaaladdu taagantahay, dawladduna joojiso ama dib u dhigto hawlaheeda qaar, si xoogga la saaro xaaladda degdeg ah ee jirta.

Amarro Degdeg ah : Emergency laws, قوانين الطوارئ
Waxaa xaaladdan loo adeegsaday ama laga hirgeliyey waddanka  Masar oo keliya. Waxaa qaanuun ahaan la soo saaray sanadkii 1958 waxaase markii ugu horaysay la hirgeliyey oo waddanka lagu fuliyey markii uu  bilaabmay dagaalkii Carabta iyo Israel dhexmaray sanadkii 1967, inkasta oo dagaalkii degdeg u dhammaaday haddana qaanuunkaasu ama xaaladdaasu  waxa  ay dalka saarnayd ilaa sanadkii 1980. Waxaa mar labaad dib loo hirgeliyey sanadkii 1981 markii la dilay madaxweynihii Anwar Al Saadaat. Waxaa qaanuunkaasu socdey waqtigii uu madaxweyne Xusni Mubarak xukunka haystay oo dhan (1981  ilaa 2011).
Waxaa  loo adeegsaday xaaladdaas in dadka xabsiga lagu hayo muddo aan ciyinayn, maxkamadna aan la soo taagin, haddii la soo taagona ay noqoto mid milatari oo qudha iyo in booliiska iyo milatariga awoodo gaar ah la siiyo iyo gebi ahaanba xorriyadda shakshsiga ah in la laalo.

Xaalado aan caadi ahayn: Exceptional circumstances,  ظروف إستثنائية
Waxaa iyana xaaladdan loo adeegsadaa oo ay ka jirtaa waddanka ‘ Australia’ oo qudha.
Iyadoo ay  ‘Australia’ ka kooban tahay 7 gobol ‘provinces’ oo waaweyn ayaa haddii duruufo aan la filayni dhacaan , gudoomiye  goboleed walba  (governor )yeeshaa  awoodo  dheeraad ah. Waxaa la adeegsadaa caadatan  xaaladdan haddii abaar daba dheeri dhacdo si xoola dhaqatada caawimo degeg ah oo miisaaniyadda ka baxsan loo siiyo amaahba ha noqotee.

Xaaladahaas aan tilmaamnay, waxay ra’yi ahaan ila tahay in ay laba xaaladood ugu munaasib yihiin si abaaraha Somaliland ka jira loogu gurmado  dawlad iyo shicibba. MIDI waa ta adduunka baadankiisa laga hirgeliyo oo ah ‘ Xaalad degdeg ah , State of emergency’ MIDINA waa ta ah ‘ Xaalad aan caadi ahayn , Exceptional circumstances’ ee waddanka ‘Australia’ lagaga dhaqmo.

Iyadoo qoraalkan looga jeedo fikir is weydaarsi qudha ,  ayaynu  dawladda u dhaafaynnaa xaaladda ay u aragto inay ugu mudantahay  ee loo adeegsan karo gurmadka abaaraha iyadoo kollay arrini dawladda hore ugu qorhsaysnayd.

Wabilllaahi tawfiiq
Maxamuud Ismaaciil Barreh
UK

Advertisement

Ku Xayeysiiso