Booqashadii Biyo kulule: Faa’idooyinka caafimaad, sida loo tagi karo, cuduradda looga dawoobo iyo waxyaalaha lagaaga baahan yahay Xog baddan oo ku saabsan Biyo Kulule Qaybtii 2aad.

Booqashadii Biyo kulule: Faa’idooyinka caafimaad, sida loo tagi karo, cuduradda looga dawoobo iyo waxyaalaha lagaaga baahan yahay Xog baddan oo ku saabsan Biyo Kulule Qaybtii 2aad.

BIYO KULULE: Waa goob ku taalla gobolka saaxil , 22 KM na u jirta magaaladda Berbera, Biyo kulule waa goob ka mida Goobaha Alle SWC ugu tallo gallay inuu umaddiisa ku caafimaadiyo inta xanuunadda kala duwan qabta, waa goob ay ku duugan yihiin dawooyin ay sababeen Biyo kulul oo Dur-dur ah kuwaa soo ka soo dhacaya buuro dhaadheer iyo jeex-jeexyo, Waa goob ay dur-dur biyood leh goobtaas oo ay ka soo baxayaan biyo kulul , biyahaas kulul waxa ay leeyihiin dawooyin kala duwan.

Biyo kulule waxa laga faa’idaa caafimaad aad iyo aad u wanaagsan qofkasta oo tagaana wuxuu Alle ka siiyaa caafimaad iyo deganaansho jidheed.

Qofku sidee ku iman karaa

Inaad biyo kulule timaaddaa waa mid aad u fudud una baahan in aad wakhti u qorshaysid.

Laba midba waa lagu iman karaa :-

1. Inaad gaadhi landcruiser ah oo soo kaxaysatid ama gaadhi leh 4Wheel drive kaas oo ka bixi kara ciida iyo dooxyadda waayo waddada Tagta Biyo-kulule waa raf buuro iyo ciid baddan leh waxaana la sii dhex marayaa dooqa weyn ee Biyo Guure kaas oo biyo socdaan ciidina buuxdo.

2. Inaad berbera timaadid oo aad ka raacdid Gaadiidka taga goobtaas ama aad aniga ila soo xidhiidhid si aan kaaga caawiyo gaadiidka ku qaadaya iyo wixii talo ahba.

Maxaa lagaaga baahan yahay markaad goobta galaysid ama aad joogeysid:-

Qofkasta oo imanaya waxa loo baahan yahay

Cunto : cunto sadexda wakhti ah iyo inaad soo qaadataan intaad joogaysaana ku astaysan ama uu soo qaadatid digsi iyo weelkii cuntadda aad ku karsan lahayd waa haddii aad maalmo joogaysid.

Buste: qofka imanaya waa inuu soo qaataa buste si uu u huwado marka uu ka soo baxo biyaha kulul si uu qofku uumi iyo kulayl uga yimaadaan.

Sidoo kale haddii aad dhaqaale alle ku siiyay goobta wax un waad u sii qaadi kartaa sida Dhasbiin,sijaayad , bustayaal ama cawo’o si ajar iyo xasanaad uga heshid waayo waxa goobta yimaadda dad baddan oo aan dhaqaale haysan , si aad u caawisid wax unbaad ugu talo gali kartaa ama sadaqo waa haddii aad awoodid.

Cuduradda iyo xanuunadda ay daweyso goobtu

Biyo-kulule waa goob aad u wanaagsan oo Alle dhigay caafimaad iyo shimbirba waxaad joogi kartaa inta aad doontid , maxaa yeelay marka aad tagtid isla goobta dadka jooga ayaad waydiin kartaa xog iyo sida loo galayo , halka laga galayo, sida aan ogahay dadka laba meelood ayay galaan labadaasna meel waa dumarka meelna waa raga waana labada meelood ee ku yaala xaga sare ee figta marka laga baxo ee dhinaca masaajidka ka soo sokeysa.
Maalin waad joogi kartaa wax ka baddana waad joogi kartaa , se waxay ku xidhan tahay xanuunka ku haya iyo sida aad u qorshaysatid haddii aad gaadhi gaara wadatidna subaxkasta waxaad ka tagi kartaa berbera oo looga soconayo wax ka yar 40 daqiiqo.

Cuduradda lagaga dawoobo Biyo-kulule waxa ka mida

1. Jinka iyo isha
2. Neerfaha iyo xididada
3. Kulbaariyadda
4. Xididada xidhma
5.Jilbo xanuunka iyo dhabar xanuunka.
6. Xanuunkasta oo aad ku niyaysatid in Alle kaa siiyo caafimaad.

Wakhtiyadda la tago

Biyo kulule: Waxa la tagaa wakhtiyada qabawg ee sanadka sida bisha tobnaad ilaa bisha afraad ee sanadka.

Wakhtiyadda aan la tagin: wakhtiyadda aan la tagin waxa ka mida wakhtiyadda xagaaga ee kulaylka baddan jiro kana bilaabanta bisha 5aad ilaa bisha 10naad.

Talo: Dawladda , Shacabka iyohaayadaha qaranka iyo khayriga ahba.
Biyo-kulule waa goobaha aynu dheer nahay waddamo baddan oo caalamka ka mida waana goob inooga baahan inaynu ilaashano oo aynu daryeel iyo adeegba dhigno.

Haddii si muwaadinimo iyo dadnimo leh looga shaqeeyo waxay noqon kartaa in dalxiisayaal baddani iyo dad baddan oo caafimaad ka doonayaan ay yimaadaan , waxaana dawladda iyo cidkasta oo lexejeclo ka leh aan ku boorinayaa in dhismayaal iyo qaabeyn lagu sameeyo xitaa haddii aan awood loo hayn in la kala qariyo goobaha raga iyo dumarka.
In maalmaha qaar loo diro shaqaalaha fayo-dhawrka iyo bilicda si ay u soo nadiifiyaan waayo goobta caagad iyo qashin unbaa la geeyaa cid ka shaqaysaana ma jirto dhasbiino waaweyn oo lagu ridaana ma jiraan sidaa awgeed waa in dawladu markasta ka war haysaa daryeelkeeda iyo ka faa’ideysiga khayraadka Alle ina siiyay.
Dubai iyo carabaha waa ay ku taalaa goobtan oo kale : se waxay uga faa’ideysteen sidii ugu saxsanayd iyagoo beebab waaweyn iyo goobo qiimo baddan ka dhigtay.

Intaasi waa warbixin kooban oo ka diyaariyay goobta Biyo-kulule wixii kale akhbaara si gaara waad ii soo waydiin kartaa.

Aynu ilaashano goobaheena iyo nimcooyinka Alle inoogu deeqay kana faa’ideysano.
Aynu fahano goobaheena khayrka iyo dawooyinka Alle ku duugan yihiin.
Alle caafimaad ha siiyo cidkasta oo caafimaad u tagta AAMIN.

Farhan Mohamed Sultan Nur (Rakad)
Tell:- 634400319
Farxaanmxd@gmail.com
Berbera
Dhamaad.

Advertisement

Ku Xayeysiiso