Qodobada ka soo Baxay Kulan Ay Yeesheen Guddida Sicir Bararka iyo Shirkada Telesom

Qodobada ka soo Baxay Kulan Ay Yeesheen Guddida Sicir Bararka iyo Shirkada Telesom

Kulan Muhiima oo Caawa ku dhex Maray Guddida Sicir Bararka Madaxweynuhu u magacaabay iyo Shirkada Telesom ayaa ahaa mid salka ku haya wareegtadii madaxweynuhu ka soo saaray shirkadaha dalka gaar ahaan E-dahab iyo Zaad, guddida sicir bararku la yeesheen masuuliyiinta shirkadda isgaadhsiinta Telesom, waxa lagaga  arrinsanayay fulinta go’aannadii wax lagaga qabanayay Sicir bararka iyo Sarrif bararka oo Somaliland saamayn ku yeeshay. Kulanka ayaa la iskula gaadhay in shirkadda Telesom aqbashay in go’aannada madaxweynaha sidooda loo fuliyo, islamarkaana guddi loo saaro xilliga rasmiga ah ee shirkadda Telesom nidaamkeeda kaga saari karto wixii boqol doolar ka yar ee adeegga Zaadka.

Wasiirka wasaaradda Madaxtooyada Somaliland mudane Maxamuud Xaashi Cabdi, ayaa kulanka kadib faahfaahiyay arrimaha la isla gaadhay iyo ujeedada go’aammada. Waxa uu sheegay in ujeedada in nidaamka adeegyada ZAAD iyo E-Dahab laga saaro wixii boqol doolar ka yar tahay sidii shilinka Somaliland loo tayayn lahaa “ Qaran walba cumlad iyo calan u gaar ah ayuu leeyahay, cumladda Dalkan ee sharciga ahi waa Shillinka Somaliland, shuruucda iyo qawaaniinteena ayaa tilmaamaysa, xukumadda xilka haysana waxa ku waajib ah inay ka shaqayso sidii lacagtu u kobci lahayd qiimana u yeelan lahayd, shirkaddaha muwaadiniinta ah iyo muwaadiniinta guud ahaana waa waajib saaran,” ayuu yidhi wasiirka Madaxtooyadu.

Wasiirku wuxuu hoosta ka xarriiqay inaan la xidhin adeegyada ZAAD iyo E-Dahab “Go’aannada soo baxay waxaa ka mid ahaa in shirkadduhu adeegooda ka saaraan wixii boqol doolar ka yar ama laba lambar(Two digit) oo la joojiyo wax ku iibsigooda iyo isu diristooda laakiin, adeegga ZAAD iyo E-Dahab dawladdu ma xidhin, waanu caddaynaynaa arrintaas oo far waaweyn baanu ku dhigaynaa, shirkaddaha adeegyada leh ee Telesom iyo Dahabshiil waa shirkadihii dalka ugu waaweynaa masuuliyad baana xukumad ahaan naga saaran inaanu ilaalino kobacooda iyagana masuuliyad baa ka saaran inay ilaaliyaan maslaxadda guud ee Qarankooda. Adeegyada Zaad iyo E-Dahab lama xidhin, wixii boqol doolar ka weyn sidii buu u shaqaynayaa oo wax loogu iibsan karaa waxna loogu kaydsan karaa laakiin, wixii ka yar boqol doolar in nidaamka laga saaro weeye, waxaana halkoodii galaya shilinka Somaliland  in baska lagu raaco, hudheelka wax lagaga cuno, shaaha lagu cabbo, kabaha lagu baalashaysto, nuxurka ugu weyni waxay ahayd in lacagta Somaliland hesho fakaag ay ku socoto,” ayuu yidhi wasiir Maxamuud Xaashi.

Wasirka Madaxtooyada ayaa sheegay in shirkadda Telesom ka cabatay fulinta go’aanka “Madaxda Telesom waxay ka cawdeen in siistamka wakhti dheer lagu sameeyay, loona baahan yahay in wakhti dheer lagaga saaro. Waxay noo soo gudbiyeen in xilli abaara lagu jiro oo dad badan oo muwaadiniin ahi Zaadka lacag ku haystaan, qaar goobaha miyiga ah aanay joogin meel ay kala baxaan, qaarkood xuduudaha ka tallaabeen, waxay noo soo gudbiyeen in arrintaasi farsamo ahaan adag tahay,” ayuu yidhi wasiirku.

Wasiirka oo sii hadlaya ayaa sheegay in la isku raacay laba qodob “Waxaanu isku raacnay laba qodob; kow in go’aammadii xukumadda la fuliyo shirkadda Telesom-na ogolaatay in go’aankaas la fuliyo, laba waxaanu gar-waaqsanay cabatinka Telesom in farsamo ahaan ay 48 saacdood ku yar yihiin inay nidaamka kaga saaran, waxaanu isla qaadanay inaanu samayno guddi farsamo oo khuburo madax bannaan ah oo xukumad ahaan nagala talis xilliga ugu suurto galsan ee nidaamka shirkadda lagaga saari karo wixii ka yar boqol doollar, shirkadda Telesom-na ay noo soo gudbinayso qorshe muujinaya xilliga ay ka saari karto.

Geesta kale guddoomiyaha shirkadda Telesom Cabdikariim Maxamed Iid ayaa isna tilmaamay inay aqbaleen go’aanka Madaxweynaha “Wada hadal dheer iyo garowshiiyo dhinac walba ka yimid waxaanu u mahadcelinaynaa xukumadda uu gadhwadeenka ka yahay madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo; waxaanu isla qaadanay in inaanu shirkad ahaan soo dhaweynayno go’aankaa madaxweynuhu gaadhay golaha wasiirraduna soo saareen, waxay arrintu u baahatay farsamo ahaan in la isla eego. Waxaanu macaamiishayada u sheegaynaa in adeeggii aanay farsamo ahaan waxba iska bedelin, sidoo kalena aanu ka shaqayn doonno farsamo ahaan oo aanu wada shaqayn doono guddida xukumaddu soo magacaabayso,” ayuu yidhi Maxamed Iid.

 

 

https://youtu.be/l4jJGgUIx1M

Advertisement

Ku Xayeysiiso