Ilayn Geel – didisna kama Darro

Illayn Geel-didisna kama Darro

Hoggaaminta iyo Maareyntu waa mid ku saleysan dhaqanka hiddahheena hodanka ah ee miyiga iyo reer guuraanimada, waxaanu gadh-wadeenka reerku uu ahaa hoggaamiyaha qoyska, halka ay affadiisuna ay ahayd maareynta qoyska.

Inkastoo hawlaha uu qaban jiray gadh-wadeenka reerku ay ahaayeen, hillaadina, sahaminta, arriminta, illaalinta, garta, beerista, kaydinta, dhaanka, lisida, aroorinta iyo waraabinta xoolaha, dhinaca farsamadana, waxa ay qori jireen, qabaalka, mooyaha, kalaxa, fandhaalka, udbaha, koorta iyo waranka, haddana, intaas oo kaliya kumay koobnayn hoggaamintoodu, balse, waxa kale oo la qiimeyn jiray hab-dhaqanka iyo qaabka hoggaamineed ee uu leeyahay gadh-wadeenka reerku, waxaanay xoolo-dhaqatadu u kala saari jireen laba-qaab oo kala ah.

Mid casarka gaaban ka daba tagi jiray geelii saaka la foofiyey, isagoo u kuur-galaya xaaladda ay ku sugan yihiin xoolihii iyo caruurtii geela jirtay, ka dib, marka uu ogaado inay caafimaad qabaan, isla-markaana, ay dhan yihiin xoolihiina, ayuu caruurtii la soo qaban qaabiyaa oo uu la soo anbabixiyaa geellii.

Waxaana lagu tilmaami jiray in ay ahaayeen, kuwo indheer-garad ah oo maankoodu uu firfircoon yahay, waxaana saaran mas’uuliyadd ay ku raadinayaan sidii ay u qaabeyn lahaayeen aayahooda mustaqbal iyo hiigsigooda nololeed, lagumana shareysto xaaladda adag ee ay duruufuhu keenaan, sidoo kalena, waxa ay ka fikiraan in ka badan ceebaha ama caqabadaha adag ee ka hor yimaada inay qiimeeyaan xaaladaasi inay ku dhamaanayso si wanaagsan, isla-markaana aanay halkaasi ka sii gudbin.

Ka labaad waxa uu ka hor-tagi jiray gabal dhaca geelii saaka la foofiyey, inta uu ku sii socdo, waxa ay kuwada kulmi jreen dhabada geelii la soo caraabiyey, isla-markaana, geela ayaa ka didijiray sanqadhiisa, markaasay, caruurtuna isku dari jireen dhawaaq iyo qaylo naxdini keentay, ka dibna, waxa uu odhan jiray. “ Waa Aabo, waa Aabo, oo waa annigii, ” ka dib, marka uu u soo dhawaado, waxa uu weydiin jiray inuu geelu dhan yahay iyo in kale, haddii, markaasi ay u sheegaan inuu dhan yahay, wuu la soo hoyn jiray, haddii kalese, waxa ay u sheegi jireen neefafka lumay magacyadooda, halkaasbuu, habeenkaas oo dhan ku baadi-goobi jiray neefafkii lumay oo uu ku soo helli jiray ama sidaasbuu ku waayi jiray oo uu waraabuhu ku cunni jiray neefkii lumay.

Kuwaasoo lagu tilmaamo in ay yihiin, kuwo ka fal-celiya marka ay dareemaan ee ay saameyso dhibaatadu, haddii cimiladdu u fiican tahay, waxa ay dareemaan fiicnaansho, haddii aanay u wanaagsanayna waxay wax-yeeleeyaan dabeecadaha qaabka hawlaha ay u socdaan iyo deegaanka bulshada ay ku nooshaya.

Marka gadh-wadeenka reerku aanu ahayn labadaa gadh-wadeen ee aynu kor ku soo xusnay, hooyadaasi, waxa la soo gudboonaan jiray wer-wer aad u badan iyo cabsi ay ka qabto soo guryo noqoshada xoolaha iyo caruurtii geella jirtay, isla-markaana, waxa ay hooyadaasi odhan jirtay “Illayn Geel-didisna kama darro”

W/Q: Maxamed Faarax Qoti

Advertisement

Ku Xayeysiiso