Shilinka Somaliland Waxa Qiimihii Iyo Qaayihii Ka Qaadey Umaddii Lahayd. Qallinkii .”Mahad Cali-Salaan”

Shilinka Somaliland oo qiimo iyo qaayo beela wuxu la mid yahay Somaliland oo cago la’ ama naafo ah.

Waxaa haboon in xaqiiqda laga hadlo oo runta la abaaro,maaha in meel cidla ah lagu meyreysto waa inaad is weydiisa ma shilinkii Somaliland ayaa hoos u dhacay mise maceeshada ayaa kacdey??

Ma sixir barar baa jira mise shilin dhac?
Lagama cabanayo in maceeshadu dollar ahaan hor u kacdey,ee waxa laga cabanaya inaanu shilinku waxba jareyn oo uu qiimihiisii hoos u dhacay marka waa shilin daba cararaya dollar,waa shilinku xareysan Banka dhaxe,waa shilin aan shaqeyn,waa shilin in jeebada lagu qaato laga ladiidey,waa shilin dadkii laha ay sharafta ka xayuubiyeen oo ay ku sameeyeen wax la yidha KU IIBSASHO KA XAYUUBIN.
Caalamku wuu isticmaala dollarka se lama arag dolar wadan aan Mareykan U.S.A sidan Somaliland u istcmaala,marka Somaliland ha dalbato iney gobalka 52 ee U.S.A noqoto.
Somaliland waxaad arkeysa iyado ilaa Maqahiyaha,Balashlihii,Cadeylihii,xamaalkii,Kariyoonayashii ilaa wax walba lagu isticmaalayo dollar soo marka lacagteenu noqon mayso xashiish.
Marka shaqaalihii dowladaSomaliland Shilin la siiyo ee sarifkii dollarkuna kaco soo dhibteeda malaha?
Soo dhibteeda ma laha marka maqaaxidii Shilin la siiyo ee kii bakhaarku uu sonkorta dollar ku iibiyo?
Africa waxaa mar soo galay waxan la yidha Mobile Money transformed Africa.waxaa dhacdey in la joojiyey dhamaan,waxa kaliya ee jira ta dibada laga soo diray ayey dalalka qaar isticmaalan se tan gudaha waa la joojiyey.
Waxaa dhacdey in wadanka Nigeria si fiican ay Mafiyadu u dhacdey Bilyano dollar.maanta Somaliland lacagaha Mobile Money si dhib yer ayaa loo dhici kara maalin kaliya ayeynu waayi karna Bilyan dollar sida ku dhacdey dalka Nigeria.
Waa in laga shaqeysiiya shilinka Somaliland si degdeg.

Wabilaahitawfiiq.                             

Mahad Ali-salaan
Bristol

Maanta ma jiro wax la yidha sixir barar ee waxaa jira in shilinkii Somaliland uu ku dhacay RIFAN IYO LISAN,uuna la mid noqdey waraaqaha.

Advertisement

Ku Xayeysiiso