Maxaa Keena In Xiliga Doorashada Uu Yimaado Is Barbaryaac.?

Maxaa Keena In Xiliga Doorashada Uu Yimaado Is Barbaryaac.?

Se Ma Jiraa Xeer Uga Yaala (Gaashaan buur) Oo ay Ku Soo Xulaan Isla Markaana Ku Xakameeyaan Musharaxiinta Lehe Hanka Siyaasadeed Ee Ka Soo Wada Jeeda Ardaagooda, GASHAANBUUREED(Ciidagale).?

 

Bismilaahi Raxmaani Raxiim.

Maanta Waxaan Jeclaystay Inaan Diirada Yara Saarro Arin Doorashooyinka Dawladaha Hoose Iyo Aqalka Baarlamanka Ee Dalka Jamhuuriyada Soomaliland, Gaar Ahaan Sida Ay Had Iyo Jeer U Wajahaan Reerka Ama Ardaaga Aan Dhalasho Ahaan ka Soo Jeedo.

Hadaba.

Shuruucda Dawladeed Ama Se Shuruucda Hoose Ee Ay Dhigtaan Bulshooyinku Waa Kuwo Marka Laga Istaago Dhanka Quman Is Yimaada.

Hadaba Gaashaan Buuri Ma Leedahay Xeer Hoosaad’yo Ay U Noqdaan Dhan Doorashooyinka Oo Ay Ku Soo Xulaan Musharaxooda U Tartami Doona Hadba Doorshada Taagan?

Jawaabtu Waa ? ? ? !!!

sababtoo ah Inta Aynu Ka Xasuusano Doorashadii U Horaysay Ee Aqalka Wakiilada Ee Dalka Ka Qabsoontay 2015 May Ahayn Mid U Qaybsan Sida Hada Ay U Qaybsantahay Oo Ah.

In Saddexda Doorasho Loo Qaybsado Sidan.

1: Golaha Guurtida(Reer Buraale)

2: Golaha Deegaanka(Reer Xaamud, Reer Barre)

3: Golaha Wakiilada ( Baha Aada)

Balse Doorashadii Xili Gaasi Waxay ahayd Mid Ay Odayaasha Reerku Si Guud  Ay U Dooranaayeen.

Hadaynu Dib U Yara Milicsano Sidii Uu Xaalku Xiligaa Ahaa Iyo Sida Ay Odayaasha Beeshu Ku Xusheen Xubintii U Tartami Lahay Golaha Wakiilada iyo Waliba Sida Ay Ku Danbaysay Natiijadii Ka Soo Baxday Doorashadaa.

Waxaa Xiligaa Isu Soo Taagay Shan Xubnood.

Shantaa Xubnood Si Guud Ayay Odaaya Gaashaan Buureed Ugu Kala Saareen Cod Gacan Taag Ah.

( Whit Out CV)

Iyadoo Aanu Jirin Xeer U Dajisnaa Oo La Raacaayay

Gabagabadii Nin Ayaa Lagu Soo Saaray Oo Noqday Ninka Ay Odayaasha Gaashaan Buureed Isku Raaceen.

Mah’ed C/laahi Geele.

Xaalku Intaa Kuma Dhamaan Ee Dr Osman Bad-Maax

Oo Ka Mid Ahaa Ragii Codka Gacantaaga ah lagaga guulaystay Isla Markaana Ay U Cuntami Wayday Habka Loo Maray Xulista Musharax Ayaa Ku Dhawaaqay Inuu yahay Mushara U Taagan Tartanka Doorashada Aqalka Wakiilada.

 

Xeer la’aanta Jirtay Ayaa Waxay Keentay In Labadii Musharaxba Ay Isu Diwaan Galiyaan Doorashada Isla Markaa Mid Kastaaba Dhankiisa Bilaabo Olole  Beesha Dhexdeeda.

Natiijadii Doorashada Ka Soo Baxday Waxay Ku Dhamaatay In Labadii Musharaxba Ay Guul Daraystaan.

F.G Iyadoo Waliba Tirada Codadka ay Kala Heleen Uu Badnaa Dr Osman Bad Maax oo Ahaa Nin Ay Odayaasha Reerku Lahaayeen Nama Matalo.

Hadaba Ma Jiraan Casharo Ay GB Ka Barteen Guul Daradaa, Se Ma Jiraa Xeerar Xoogan Oo Ay Ku Xakameeyaan Dadka Hanka Siyaasadeed Leh Ee Ka Soo Jeeda Beesha!!!?

Iyadoo Aanu Jirin Xeerar ama Shuruudo Laga Sameeyay Ayay Ayaa Xiligii Doorashadu Timid 2013 Golaha Deegaanka.

Kadib Odayaal Aan Lahay Shuruuc La isku Raacsanyahay oo ay ka Duulaan Ayaa Kal Fadhi Dagdag ah oo ay Yeesheen Ku Ansixiyay In Doorashooyinka Loo Qayb Sado Saddexd Ardaa Ee Gaashaanbuureed Ee Aan Kur Ku Soo Xusay.

Waxa Kale Oo Ay Soo Saareen In Ardaagu Si Hoose U Soo Xulo Kadibna Usoo Gudbiyaan Gudida Guud Ee Gaashaan Buureed Si Loogu Ansixiyo.

Hadaba Waamaxay Qaladaadka Yimid Xiligan Labaad?

  • Qaabkee Ardaayadu Ay Usoo Xulayaan Ninka Reerka Matalaaya.
  • Qaabkee Ayaa Lagu Soo Kala Saarayaa , Se Gudidu Ma Leedahay Shuruudo Ay U Eegaan.
  • Gudida Guud Ee Gaashaan buuri Ma Leedahay Marjac ay U Noqdaan Hadii Loo Keeno Musharax Aan Ardaagii Keenay Isku Raacsanayn Ama Ku Kala Saaraan Hadii Ay Lab Musharax Araagu Soo Kala Saari Waayan.

Hadaba.

Loolanka Doorashada Ee Aqalka Wakiilada Ee Dhawaan Ka Qabsoomi Doonta Dalka Haduu Alle Ogolaado Ayaa Waxay U Eegtahay  In Natiijada Ka Soo Baxdaa Ay La Mid Noqoto Doorashadii 2005.

Sababtu Waxay Tahay In Ay Jiraan Laba Musharax Oo Si Rasmi ah U Shaaciyay Inay U Taaganyihiin Doorashada Aqalka wakiilada

Taas Oo Ay Sababtay In Aan La Kala Saarin Labadaa Musharax.

Gunaanadkii Waa Arin U Taala Beel Waynta Gaashan Beereed In Ay Samaystaan Xeer Isla markaana Ay Gudida Beeshu Ku Dhaqmaan Xeerkaa.

 

Taasna Waxaa Ka Iman Kara In Ay Beeshu Wada Marto Hal Wado

Isla Markaana Xubin Kasta Oo Golayaasha U Matalaysa Beesha Uu Noqdo Xubin Lagu Soo Xulay Sifo Xalaal Ah

Islamarkaan Leh  karti Iyo Aqoon Hufan Oo Lagu Wada Qanco.

 

  1. Waxaan Soo Jeedin Lahaa In Dib Loo Eego Lana Soo Saaro Hal Xubin Oo Si Hufan Loo Kala Saaro Labada Musharax.

Advertisement

Ku Xayeysiiso