Culimaynta caammadu waa gumaynta garashada Dr. Cabdiqani Xuseen Muxamed (Beder).

Culimaynta caammadu waa gumaynta garashada

/=======================================/

Haddaad maqli jirtay odhaah caan baxday oo ahayd “Duul culimo qastay” maanta waxa si wayn u beddeshay “Duul caamo qastay”.

Hore iyo haddeer ba soomaalidu dadka diinta aqoonta fiican u leh ee wax laga waydiiyo arrimaha Islaamka waxa ay u taqaannay una taqaannaa culimo.

Halka cidda aan aqoonta diintu u bilownaynna ay u yaqaannaan caammo.

Waa eray bixin tolmoon oo toosan haddii xuduuddeeda laysla aqoonsan karo.

Qof kasta oo aan diinta aqoon u llahayni marka miqyaaskaas lagu milaadiyo waa caammo aan diinta waxba laga waydiin karin, inuu ka hadlaana ay ka dhigan tahay qof garashadiisa gummaynaya maadaama oo uu ka hadlayo wax aan garashadiisa iyo aqoontiisa ahayn.

Xataa hadduu aqoon kale si qoto dheer u yaqaanno, shahaadooyin sare ku haysto, ha ahaatee aanu diinta aqoon ku filan u lahayn waa shakhsi ku isman caammonimo marka baabka diinta la taagan yahay.

Odhaahda duul culimo qastay, waxa ay ahayd tiraab ka soo yeedhay shakhsi caammo ah, oo fahmi kari waayey masalooyin ka sarreeyey garashadiisa, ka dibna ku wareeray, isla markaasna sameeyey fal uu garashadiisa caammonimo keenay, jeerkii la warsaday waxa sidan ku kelifayna ku jawaabay “waxaannu nahay duul culimo qastay”

Maanta caammo badan ayaa qalinka qaadatay, waa qalinlay takhasusaad kale bartay, ha ahaatee masalooyinka diineed ee ay ka hadlayaan marka loo eego heerka aqooneed ee dhab ahaan ay leeyihiin waa mid aanay ku kasban karin summadda culimanimo oo keligood si cilmi iyo garasho ku dhisan u dhiraandhirin kara arrimahaas.

Xaalladdaas ay qalinlaydu booskii culimada is joojisay, iyagoo dhab ahaan marka halbeegga aynu kor ku soo xusnay lagu halbeegiyo caammo ku isman, waxa ay keentay qas iyo faham gunnimo ah oo ku baahaya bulshada dhexdeeda, kaasoo dabarka ka jaraya qof kastaa inuu wax uu doono sheego fatwoodo, sida uu doono u qoro, isla jeerkaasna khalkhal iyo wareer dhinaca fahamka diineed iyo caqiidada ah ku dhex abuuro bulshada.

Waa ilbaxnimo iyo xilkasnimo dheeraad ah inay bulshadu garato kala xadeynta aqoonta, taasoo macnaheedu yahay in la tixgeliyo takhasusaadka kala duwan, cid walbana waxa ay aqoonta u leedahay lagu ixtiraamo lagana qaato, isla jeerkaasna waxa ay indhaha ka ridayaan laga qabto oo lagula xisaabtamo.

 

Dr. Cabdiqani Xuseen Muxamed (Beder).

Tubtatoosan02@gmail.com.

https://www.facebook.com/abdulqanibedercenter

Advertisement

Ku Xayeysiiso