Shirkadda Isgaadhsiinta Casriga ah ee Telesom oo Booyaddo Biyo ah Gaadhsiisay Deegaanadda Gobolka Hawd iyo MaroodiJeex+ DAAWO

Shirkadda Isgaadhsiinta Casriga ah ee Telesom oo Booyaddo Biyo ah Gaadhsiisay Deegaanadda Gobolka Hawd + DAAWO

Hargeysa – (ToggaHerer) – Shirkadda Isgaadhsiinta casriga ah ee TELESOM ayaa deeqo biyo qaybin ah ka bilowday degmooyinka hoos yimaada gobolka Hawd iyo MaroodiJeex ee ay ka midka yihiin Cadaadlay, Sabo-wanaag, Salaxlay, Baligubadle iyo Faro-weyn, deeqdan biyo qaybinta ayaa dhammayd 100 booyadood oo biyo ah.

Munaasibadda ay shirkadda Telesom ku wareejinaysay deeqdan oo ka dhacday xaafadda masalaha ee  magaaladda Hargeysa, waxaana ka qayb-galay masuul ka tirsan shirkadda Telesom iyo guddiyadda horumarinta degmooyinka hoos yimaadda gobolka Hawd.

HALKAN KA DAAWO:

Ugu horayn munaasibadan waxaa ka hadlay Maxamed Cawil Maxamud Madaxda  Horumarinta goboladda ee shirkadda TELEOSM waxaanu ka warbixiyey deeqdan biyaha ah ee shirkaddu u qaybinayso bulshadeeda ay abaaruhu saameeyeen.

“Maanta waxaanu halkan kaga qayb-galaynaa munaasibad biyo dhaaminta ee gobolka Hawd, taasi oo ay shirkaddu gacan weyn ka gaysatay dhamaan qaybaha iyo degmooyinkaba. Tani waa waajibaadkii ay shirkaddu lahayd inay guddato”, sidaasi waxaa yidhi Maxamed Cawil.

Madaxa horumarinta goboladda ee shirkadda Telesom Maxamed  Cawil ayaa shirkaddaha iyo ganacsataddda kale ee dalka ugu baaqay inay ku daydaan shirkadda Telesom, una gurmaddaan dadkooda baahan ee ay abaartu aafaysay.

Munaasibadan waxaa iyaguna ka hadlay dhankooda xubno ka mid ah guddiyadda horumarinta degmooyinka hoos yimaada gobolka Hawd waxaanay shirkadda Telesom uga mahadnaqeen deeqdda biyaha ah ee ay gaadhsiinayso bulshadeeda baahan ee abaaruhu tabaaleeyeen.

Maxamuud Xuseen Xirsi oo ka mid ah guddida gobolka Hawd oo ka hadlay munaasibadda ayaa yidhi, “Waxaanu u taagan nahay deeq shirkadda TELESOM ugu deeqday gobolka Hawd, oo ka kooban ilaa 38 booyadood oo biyo ah.  Gobolka Hawd, Sayla Bali-cabane, Bali-gubaddle eeriya, Gunburaha ilaa intaa. Waxaa halkan jooga guddida abaaraha ee Hawd, guddida horumarinta Bali-cabane, tii Sayla. Shirkadda Telesom Allaha ha ka jasaa’I siiyo, sadaqadda ay ugu soo deeqday dadweynaha deegaanka, waanan uga mahad-calinaynaa”.

Cabdikhaalaq Sheekh Axmed Faarax oo isna ka mid ah guddida ayaa yidhi,  “Waxaanu u mahad-celinaynaa shirkadda TELESOM, oo ka qayb-qaadatay gurmadka abaaraha, gaar ahaan qaybta u muhiimsan oo ah qaybta biyaha oo nolosha koowaad ee bani’aadamka ah. Waxaan uga mahad-celinaynaa shirkadda abaabulkaa wanaagsan iyo gacan qabashadda ay la gacan qabatay walaalahooda dhibaataysan ee ay abaartu hayso ee biyo la’aantu hayso. Waxaanu leenahay Ilaahay miisaanka xasanaadka ha idiinku daro”.

Cabdiraxmaan Cumar Axmed oo ka mid ah guddida horumarinta degmadda Sayla oo isna ka hadlay munaasibadda ayaa yidhi, “Waxaanu leenahay dadka Ilaahay hantidda u dhiibay, hadday shirkaddaha tahay, hadday dawladda tahay iyo haddii qof kaloo wax haystaba tahayba. Waxaanan uga mahad celinaynaa shirkadda Telesom oo is xilqaantay oo iyadu gartay dhiibatadda waddanka ka jirta, iyo waxa looga baahan yahay iyo waxay ummaddooda ku celinayaan. Ilaahay baa garansiiyey waanan uga mahad celinaynaa”.

Munaasibadan waxaa ugu dambayn ka hadlay Sheekh Mubaarik Muuse Faarax waxaanu shirkadda Teleosm isna uga mahadnaqay deeqda biyaha ah ee guud ahaan ay dalka ka bilowday, gaar ahaan ay maanta ka hirgalinayso degaanadda hoos yimaadda gobolka Hawd.

 

 

 

 

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso