Aqoonta Xadiiska ‘Musdalaxul Xadiis’ Qaybtii 7aad Dhammaad

Aqoonta Xadiiska ‘Musdalaxul Xadiis’

 

Qore: Sh. Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Xasan Rakuub

Qaybtii 7aad

Xadiiska Maqluubka

 

 

Xadiiska Maqluubka ah maxaa lagu gartaa?

  • Maqluubku waa in qofka xadiiska warintiisa lagu yaqaanay la baddalo.
  • Xadiis aad is dhaafiso macnihiisa.
  • Xadiisku sanadkiisi inta laga qaado sanad kale la saaro.
  • Sanadku matni aanu lahayn la saaro, matnigana sanad aanu lahayn la saaro.

Maqluubku waa xadiis is daba maray oo sidii uu ahaa laga beddelay, dhowr midna wuu noqda; in xadiis aad nin ku taqaanay warintiisa lagu yidhaa hebelkaa maahe kan baa warinaya.

In xadiiska laftarkiisaba maqluubka loo rogo oo lays dhaafiyo Tusale; xadiiska u wariyo Imaam Muslim ee ahaa nin sadaqo bixiyey ilaa aanay ogaan midigtiisu waxa ay bixisay bidixdiisu. Halkaa waxa aad ka garanaysa gacanta la sheegaya in aanay hayn bidixda ee ay tahay midigta ama xadiiska sanadkisa iyo matni kala jaad ah laysku keeno.

 

Xadiiska Fardiga ah maxaa lagu gartaa?

  • Fardigu waa xadiiska lagu warinay hal dariiq

Fardigu laba midba wuu noqda; in hal qaab loo warinayo xadiiska, kaas oo ka dhigaya xadiiska fardi iyo in u yahay xadiis hal dhan loo warinayo sida qof ayaa warinaya.

Xadiiska Mucalalka ah maxaa lagu gartaa?

  • Mucalalku waa xadiis leh cilad qarsoon

Xadiiska Mucalalku waa xadiis ay gudihiisa ku jirto cillad qarsoon oo xadiiska dhaawacaysa.

Xadiiska Muddaribka ah maxaa lagu gartaa?

  • Muddaribku waa xadiiska sanadkiisu is khilaafsan yahay

Waa xadiis sanadkiisu is khilaafsan yahay, mar Mursal lagu warinayo marna Musnad lagu warinayo.

 

Xadiiska Mudbijka 

  • Mudbijku waa qofka oo xadiis ka wariya qof la siman xagga da’da ama xagga aqoonta.

Waa dad isku dhigma marka laysku soo xooriyo sharaxaada Mudbijku oo wax kala warinaya sida da’da ama aqoonta.

 

Qormadani waxa ay soo afmeertay taxanihii silsiladdii inoo soo socotay muddo ee Cilmiga Xadiiska ahayd. Waxa ay ahayd qormo aynu kaga waramaynay sida loo kala hufo aqoonta Xadiiska, taas oo haddii aan sida aynu u kala dhigdhignay loo aqoonsan lagu kadsoomi karo Xadiis aan Rasuulka CSW ka sugnayn. Waxa hubaal ah intii la socotay inay wax badan uga baxeen.

 

Dhammaad

 

 

Tallo iyo tusaale ba waa xaggina.

 

Sheekh Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Cabdilaahi Xasan-Rakuub

Facebook: Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Xasan Rakuub

Tell: Telesom: 063 440 85 03. Somtel: 97 08 515

Email: cabdirisaaqafrican@hotmail.com

Rakuub.wordpress.com

 

 

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso