“Wixii Iiga Baxay Barnaamijka Buugga Xisbiga Waddani…” Cabdinaasir Axmed Abraham.

“Rabbi baa mahad iyo ammaan ideylkeed leh. Ka hor inta aanan u gundo-degin hal-abaarka qoraalkayga oo ah: wixii iiga baxay buugga barnaamijka xisbiga Waddani, Hasa yeeshee, marka hore, aan barbar uga istaago, suurto-galnimada eedaynta ah, in aan xubin ka ahay ama si kale ugu jiro axsaabta kale ee Qaranka. Anigoo ah muwaadin reer Somaliland ah, Qoraa iyo cilmi-baadhe madax bannaan, waxa aan hore u gorfeeyay buuggii xisbiga Kulmiye, sidaa darteed, baan si aan axsaabta Qaranka ugu caddaalad sameeyo, buuggan Waddani na wixii iiga baxay uga odhanayaa.”
Qoraalkaygani ma aha mid aan ku lafo-gurayo buugga Xisbiga Waddani hasa yeeshee, waa mid aan ereyo kooban uga odhan doono wixii iiga baxay buugga kaddib akhris dhowr saacadood qaatay. Buuggan oo ay aragtidayda qof ahaaneed ka muuqato qabyo laxaad leh, ku mashquuli maayo gefefka tiro-beelka ah ee dhinaca qoraalka,laakiin waxa aan dul-ka-xaadin doonaa nuxurka iyo farriinta uu buuggu xambaarsan yahay. Wuxu buuggu ka kooban yahay 72 bog. Arrimaha ugu shilis ee aan bartilmaameedka ka dhigan doono waxa ka mid ah; Iska hor-imaadyada buugga ku jira(contradictions)
 
Bandhiggii buugga
Hor iyo horraan ba waxa isku key qaban weyday, barnaamijkan buugga xisbiga waddani waxa loo soo bandhigay oo lafo-guray 750 dhallinyaro oo aqoon yahan oo heer-beegga tacliintoodu iskugu jirtay shahaadada Darajada Koowaad, labaad iyo saddexaad ee jaamacadda. Dhammaan aqoon yahankaasi hal iin ah oo buugga laga beddelo ama dib u eegis u baahan, kuma arkin, hasa yeeshee, buug aanay shaqo ba ku lahayn oo kii Kulmiye ah, ayay dhalliil xooggan ku sheegeen! Halkaa na waxa iiga soo baxay laba-kun oo aqoon yahan oo Xisbiga ku jira ama mab’da ahaan raacsani in aanay saxi karin dhalliisha buugga ee marka loo baahan yahay cid wax saxda loo bandhigo dadka aan xisbiga ku jirin. Sababtuna waa in Aqoon yahan ka ay boog ku noqotay caashaqa indho-beelka ah ee aan xaqiiqada ku sallahayn ee ay dabada ka riixaan inta badan laab-la-kaca, qof jecleysiga iyo qabyaaladdu. Intaa bandhigii buugga iyo dooddii aqoon yahan ka aan ku dhaafo.
Laba isku kay qaban waayay !
Halkan waxa ka bilaabmi doona dhambaalkii Guddoomiyaha xisbiga Waddanni uu buugga ka yidhi, qoraalka guddoomiyaha sidii uu ahaa ayaan ku soo qaatay, sidaa darteed, ayaanan mas’uul uga ahayn wixii khalad dhinaca qoraalka ah ku jira; waxa aanan uga gaabsaday si aan loo odhan asalkii qoraalka ayuu wax ka beddelay.
1. “Sidii ay dadkeenu ugu naalloodaan nabad waarta, sidii ay u dhisan lahaayeen bulsho gaadha barwaaqo iyada oo ku dhaqmeysa habka dimuqraadiyadda wada-tashiga ku dhisan, kuna salaysan dhaqanka Diinteena Islaamka ee Suuban.” Ereyga guddoomiya Xisbiga Waddani mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi “Cirro” Raad-raac, Nudda 1aad Bogga 2aad Meeriska 5aad
 
Waxa aan ku yar wareeray dimuqraadiyadda wada-tashiga ku dhisan, kuna salaysan dhaqanka Diinteenna Islaamka ee Suuban. Bal si aan u helo sida labadani isku qaadan karaan, waxa aan soo akhriyay, maqaal-cilmiyeedka (What Democracy is… And is not) oo si wada jira ah ay u qoreen, Philippe C. Schmitter iyo Terry Lynna Karl. Iyo buugta kale ee uu ka mid ka yahay: Introducing Democracy; oo UNESCO dib u daabacday 2009kii iyo shan buug oo kale oo Dimuqraadiyadda laga qoray. Waxa meel iskugu iman waayay Dimuqraadiyad iyo Dhaqanka Diinta Islaamka. Waxa aanan u kala aqoonsanahay laba nidaam oo kala gaar ah, Dimuqraadiyaduna waa hab nololeed gaar ah, halka Dhaqanka diinta Islaamkuna nidaam dhammaystiran uu ka yahay.
Haddii Xisbiga Waddani ay leeyihiin waxa aan isku badhxaynaa Dimuqraadiyadda iyo Diinta Islaamka, waxa aan leenahay waxa ay noqon doontaa baqal ama Dacawo-ey. Nidaam noocaas ah na in aad dalka ku dhaqdaan ila ma qurux badna. Haddii sidaa aan u fahmay, ama hadalka Guddoomiyuhu ba u yaal aydaan u jeedinna, waxa idiin furan inaan dooddiina ummaddii barnaamijkan aad u qorteen aad la wadaagtaan.” Cabdinaasir.
 
2. “Xisbiga Waddani, wuxuu ka dhashay dareen iyo go’aan ah in dib loo culo weelka siyaasadda, lana keeno dhiig cusub iyo maskax firfircoon oo lugu dardar-gelinayo xaqiijinta himilooyinka ummadda Somaliland. Wuxu albaab cusub u furayaa, da’yarta si ay xoogooda maskax iyo muruqba ugu dhisan lahaayeen dalkooda, isaga oo bulshada weynta ku hoggaaminaya hiraal iyo hiigsi midaysan; Bari, Badhtamaha iyo Galbeedba. “Ereyga guddoomiya Xisbiga Waddani mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi “Cirro” Raad-raac, Nudda 2aad Bogga 2aad Meeriska 1aad
“Xisbiga Waddani dhiig Cusub hadda ma ka muuqdaa? Waxa ay ahayd weydiintii ugu horreysay ee markii aan isha ku dhuftay qoraalkan kore igu soo dhacday. Jawaabteeduna may soo daahine markii ba waan helay, waxa aanay noqotay Maya. Bal aan idinku qanciyo akhristayaal.
– Maxamed Biixi Yoonis,
– Ismaaciil Hurre “Buubaa”
– Xirsi Xaaji Xasan,
– Axmed Cumer Xaaji Cabdilaahi “Xarje”
– Maxamed Nuur Carraale “Duur”
– Cabdiqaadir Xaaji Ismaaciil Jirde,
– Siciid Sulub Axmed
– Xuseen Axmed Caydiid
Dhammaan magacyadan aan kor ku taxay waa siyaasiyiin hore bulshadu u taqaan, badankooduna way ku fashilmeen siyaasadda, mudane Guddoomiye ma raggan baad dhallinyar iyo dhiig cusub u taqaan?
3. “Barnaamij Siyaasadeedka xisbiga Waddani wuxu ka dhashay wada-tashi dheer, is-qancin, dodo iyo lafo-gur taxadar leh, waana mid ku qotoma u-gondo-degga xallinta baahiyaha dhabta ah ee dadka iyo dalka jamhuuriyadda Somaliland, isla markaana waafaqsan Dastuurka iyo xeererka dalkaba. Hiraalka iyo hiigsiga barnaamijkan waxa udub-dhexaad u ah hirgelinta caddaladda ay muwaadiinta jamhuuriyadda Somaliland u haraadanyihiin barnaamijku. Hoganaka Xisbga Wadddani wuxuu Hiigsanayaa in qarankanu ku dhex-yeesho bulshada caalamka karaamoiyo magac u qalma hanka ummaddiisa iyo dhaxalka ay u reebayaan jiilalkooda soo socda.” “Ereyga guddoomiya Xisbiga Waddani mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi “Cirro” Raad-raac, Nudda 3aad-4aad Bogga 1aad-2aad,Meeriska 1aad-5aad.
“Qoraalkan aadka u macaan, ee sida tartiibta ah loo taxay, qof wal ba uu soo jiidinayaa.Ha yeeshee, waxa ay dhibi ka taagan tahay, marka lagu yidhaa: “Waxa soo qoray Cabdiraxamaan Maxamed Cabdilaahi “cirro” Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda oo 12 sanno mid ka mid ah saddexda jago ee dalka ugu sarreeya ku fadhiyay. Isla markaa 7 sanno ahaa guddoomiye xisbi mucaarid. Waxa aanan qodobkan ku dhaafayaa, (ILKO DHIIG LEH MAXAA LAGU AAMINAYAA? ! )
LA SOCO…

Advertisement

Ku Xayeysiiso