Horumarka Kaalinta Dhaqaale Ee Dalka Turkiga, Qalikii Prof.Mohamed Ahmed Farah(Jaafaa)

Shacabka reer Turkiya waxay leeyihiin taariikh aad u fac weyn oo xadaarad leh, xalay waxey ii aheyd habbeen iiga duwanaa waqtiyadii hore, waxan dheehday oo qalinka usoo qaatay madaxweyne Ordugan, waxqabadka uu u qabtay dalkiisa iyo shacabkiisa,  kor uqaadida nolosha horumarka, iyo kaabayaasha dhaqaale ee degdegsiimaha bulshadiisa uu u qabtay. Akhriste maqaalkan waxad kaga bogan doontaa hogaamiyaha fiican ee cadaalad iyo daacad u noqda ummadiisa inuu helayo kalsoonida shacabkiisa.
Waxqabadkii Ordugan:
1. Wax soosaarka Turkey 2013 wuxuu gaadhay 1 tirillyoon iyo 100 millyaard oo dollar, taas udhiganta isugeynta wax soo saarka dalalka Sacuudiga, Iran iyo Imiraadka oo ah wadamada ugu dhaqaalaha xoogan beriga dhexe.
2. Ordugan kahor Turkey waxay aheyd kaalinta 111 dhaqaalaha aduunka, maantana kaalinta16,  taas oo kadhigeysa inay Turkey gashay 20 dowladood ee aduunka ugu dhaqaalaha xoogan, xubin buuxdana kanoqotay golaha loo yaqaan G20
3. Sanadkii 3aad oo isdabajoog ah ayaa diyaarada Turkish Airline lagu doonsiiyey inay tahay diyaarad laraaco tan ugu fiican.
4. 10 sano gudahood dowlada Turkey waxay talaashey 2 millyaard iyo 770 millyuun geed oo isugu jira kuwa midho leh iyo geedo si kale looga faa’ideysto
5. Dowlada Turkiga waxay sameysatay markii uhoreysey taariikhda wadanka gawaadhida gaashaaman ee aysan rasaastu Karin, diyaaradaha xamuulka,diyaaradaha sirdoonka ee aan laheyn duuliye(drones), dayax-gacmeedka loo istimaali karo howlaha militiriga iyo ujeedooyin kala duwan!
6. Ordugan 10 sano gudahood wuxuu dhisey 125 jaamacadood , 189 iskuul, 510 dhakhtar,169 kun oo fasalo casri ah oo fasalkiiba  ay fadhiisanayso 21 arday.
7. Markuu burburay dhaqaalaha Europe iyo America ee jaamacadahooda kordhiyeen lacagta (fee)ga waxbarashada, Ordugan wuxuu soo saaray amar in dhamaan waxbarashada wadanka laga dhigo bilaash oo ay dowladu bixiso wixii kharash ah.
8. Dakhliga qofka Turkiga wuxuu ahaa 10kii sano ee lasoo dhaafay isku celcelis $3500, sanadkii 2013 wuxuu gaadhay11,000, wuxuna ka sareeyaa dakhliga muwaadinka France kunool! Lacagta wadanka ee loo yaqaan Lira ayaa qiimaheeda kor ukacay 30 jeer.
9. Dowlada Turkey, 300,000 oo caalim oo ku takhasusay culuum  kaladuwan ayey kahawlgalisay inay sameeyaan cilmi-baadhis si loo gaadho hormarka latiigsanayo sanadka markuu yahay 2023.
 10. Ordugan intuu xukunka qabtey, mushaharka shaqaalaha wuxuu kor ukacay 300%. Waxaa hoos udhacay shaqo la’aantii aheyd 38% ilaa ay gaadhay 2%
  11. Miisaaniyada waxbarashada iyo caafimaadka ayaa kabadan tan difaaca, isagoo siiyey macalinka mushahar udhigma kan dhakhtarka!
12. Ordugan wuxuu bixiyey deyntii Turkey kulahaa bankiga aduunka gabi ahaanba, qeybtii udanbeysay wuxuu bixiyey bishii May ee lasoo dhaafay, kadibna isagaa amaahiyey bankiga aduunka 5 bilyan oo doollar! Wuxuu kusoo shubay bankiga dhexe ee dowlada 100 bilyan oo doollar, xili ay dowladaha waaweyn ee Europe iyo America ay lakufaa kacayeen mashaakilka kadhashay deymaha, ribada iyo hay’adaha dhaqaalaha hoos u dhac weyni ku yimi.
13. 10 sano kahor Turkey dhaqaalaha kasoo galo waxyaabaha ay aduunka u iibgayso wuxuu ahaa 23 bilyan oo doollar, maanta wuxuu maraya 153 bilyan oo doollar.
14. Xukuumadda Ordugan waxay dib uhagaajin kusamaysay qashinka magaalooyinka si ay ugu soo saarto tamarta xooga korontada ay ka faa’ideystaan saddex meelood shacabka Turkey, guud ahaan, 98% guryaha wadanka waxay leeyihiin koronto (electric).
QALINKII PROF. MOHAMED AHMED FARAH (JAAFAA).

     

    Advertisement

    Ku Xayeysiiso