Somalialnd waxay umadda dheerayd ilaalinta karaamada Madaxda Qaranka, Falka inanka yar ee la yidhi Xildhibaan buu ka yahay Gabiley, ee Aflagaadeeyey Hogaamiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani  Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan oo ah masuul maanta sharaf iyo sumcad ku leh guud ahaanba Somaliland xag xagashada uu ku sameeyey waa mid dhabaha u xaadhi doonta qadarin la’aanta siyaasiyiinta iyo Madaxda qaranku marka ay tagaan qaar kamida Magaalooyinka Somaliland.

Hogaamiyaha Xisbi siyaasadeedka Waddani Xirsi Cali Xaaji Xasan waa nin balaadhan oo qaranka Somaliland milgo ku leh, guud ahaan Somaliland waa masuul ku leh Saamayn balaadhan oo min qiyaaskeedu aad u sareeyo, hasa ahaatee arrinta yare e ee galibiyey ka dhacday ee ee Kulmiye soo abaabulay waxa cad inay tahay Fulaynimo iyo baqe laga qabo inuu Xirsi hantiyo quluubta dadweynaha reer Gabiley, waxaana makhraati u ah inay kuwa codka duubay tahli kari waayeen iany muuqaal duubaan baqe ay qabaan iyo cabsi waana karti daradii Kulmiye lagu yiqiin.

Waayeelka Waxgaradka iyo Siyaasiyiinta kasoo jeeda Gabiley haday arrintaa Xaal ka bixin waayaan arintaasi waxaa cadaan doonta gunimadooda, waxaana la waayi doonaa sharaftii iyo haydii uu lahaa Gobolka Gabiley, Arrinta uu inankaa yari sameeyey ee Aflagaadada ah

Runtii  Xirsi Cali Xaaji Xasan oo ah qof muxtarim ah inankaasi yar wuxu ugu jawaabay si haboon oo degan  waxaana uu u sheegay inaanau Gabiley cidna uga fasax qaadanayn, hadana uu joogo cidkasta oo tidhaahda ma iman kara ay iska tidhi, jawaabta uu siiyey waxay ka mid tahay sifaha hogaanka wanagsan lagu garto, waxaana uu muujiyey dulqaad iyo deganaan badan waana gedii looga bartay xirsi inuu waligiiba ahaa muxtarim.

Siyaasiyiinka iyo Madaxda Deegaan ahaan kasoo jeeda Gabiley Marka ay tagaan Deegaanada Caynaba iyo Dhoqoshay, War-Idaad, waxaa loo dhigaa Roogcas waxaana lagu soo dhaweyaa Fardo iyo Geenyooyin Shaaximan waana gob iyo caadadeed Reer Gabiley haday arrintaasi jawaab deg deg ah ka bixin waayeen magic xumo ayaa ka raaci doonta.


Dr Hussien Al-Fariidi

Hargeysa/Somaliland 

alfariidi05@gmail.com

Advertisement

Ku Xayeysiiso