Maxaa Ka Khaldan Doodaha Xisbiga Wadani?

Maxaa  Ka Khaldan Doodaha Xisbiga Wadani?

WQ:MAXAMED DAHIR AXMED

Xisbiga Mucaaridka ah ee Wadani waxa uu inta badan sheegaa doodo amba qodoba suaalo dhaliya inta badana iska hor imanaya,waxana ka mid ah:

1.Xisbiga Wadani waxa uu ku doodaa in uu isbadal samaynayo,balse suaa’sha iswaydiinta lihi waxa weeyi arrimahan uu leeyahay isbadal ayaan ku samaynayaa amba waan saxayaa Xisbi ahaan isagu marka hore dibada ma ka joogay?,jawaabtu waa maya,Gudoomiyaha xisbiga wadani ee wakhtiga xaadirkan ahna murashaxa xisbiga Wadani waxa uu ahaa Gudoomiyaha golaha sharci dajinta  oo ka mid ah saddexda dhadhaar ee dawladeenu ka kooban tahay (Sharci dajinta,Fulinta,iyo Garsoorka). 12 Sanno ee u danbeeyay waxa uu ahaa Murashax xisbiga Wadani Mudane Cirro gudoomiyaha golaha wakiilada Somaliland,oo ah golaha laga curiyo shuruucda laf dhabarta u ah horumarka iyo dawladnimada Somaliland,golahaasi Cirro waxa uu ka dhigay Gole laga tukaamaysto (Shopping Center) oo ay ka tukaamaystaan danahoogana ka dhamaystaan kolba cidii dan ka lehi,isagoo Cirro dano shakhsi iyo dano siyaasadeed ku badashay waajibkii ka saaraa in uu ka guto mooshinada iyo sharciyada golaha la hor keeno.Waxa kale  oo u ka gaabsaday in uu golohu xakameeyo golaha fulinta ee dawladeena,balse waxa uu isku furay labadii  waaxood. Waxa ay dadka arrimaha golaha la socdaa ay sheegeen in si khaldan loo maamulo miisaaniyada golaha iyo hantida kale ee goluhu leeyahay.Safarada dibada uu ugu baxo Cirro waxa ay la xidhiidhaan danaha gaarka ah ee xisbigiisa Wadani(Conflict of interest) isagoo huwan shaadhkii golaha wakiilada.

2.Dhadhaarka Fulinta ragii ugu tunka waynaa lixdii Sanno ee u danbeeyay ayaa maanta safka hore ee xisbiga Wadani soo fadhiya;sida Xirsi,Cabdirasaaq Khaliif,Geedoole,Maxamed biixi yonis,iyo Duur oo kala haystay wasaaradaha awooda iyo dhaqaalaha badan ee Madaxtooyada,Arrimaha gudaha,Arrimaha dibada,Hawlaha guud,iyo Waxbarashada. Ragaasi maanta miyaanay ku khaladanayn dooda  odhanaysa waxbaanu saxaynaa amba badalaynaa,maxaad waxa aad imika laadahay waan sixi doonaa markii aad midida daabkeeda haysay u badali wayday,ma naf cusub ayaa ku soo gashay? Maxaa isbadalay?,isla adigii uun maadan ahayn ku  caan baxay musuqa,eexda,isku dirka dadka walaalaha ah ,xadhiga dumarka,xadhiga saxaafada,sharci jabinta, kutagrifalka awooda  iyo Iwm.

3.Wadani waxa kale oo uu meelaha ka sheegaa ictiraaf ayaanu keenaynaa,Maxamed biixi yoonis waa kii wasiirka arrimaha dibada ahaaye muxuu markaa aqoonsi u keeni waayay. Ta kale iskaa daa xisbiga Wadani aqoonsi uu keeno balse waxa looga cabsi qabaa in uu ku shaqaynayo mabda Soomaliwayn iyadoo ay ku jiraan rag xilal waawayn ka soo qabtay dawlada Xamar ka dhisan.Ta kale ururka Damuljadiid ee kooxda Xirsi,Duur,iyo Cabdirasaaq khaliif ka tirsan yihiin ma aaminsana mabda gooni isutaaga Somaliland,balse ururkooga waxa saldhig u ah mabda ah Soomaliwayn.

4.Murashaxa Wadani waxa uu ku doodaa arrimaha dhalinyarada ayaan waxa ka qabanayaa.Murashaxa Xisbiga Wadani,wakhtigii dawladii kali taliska ahayd ay dhalinyartii wakhtigaa jirtay xasuuqaysay kamuu hadal,kama dhiidhiyin,balse dawladii wakhtigaa jirtay ayuu u shaqaynayay siyaasadeedana la dhacsanaa. Su’aasha muhimka ahi waxa weeyi qiimaha dhalinyarada wakhtigaasi jirtay iyo qiimaha dhalinyarada maantu miyaanu isku mid ahayn? Jawaabta waxa weeyi waa isku mid dadkuna waa dadkii ,dad kale ma aha,Cabdiraxman Cirrona waa shakhsigii uun. Ta kale Murashaxa Wadani caruurtiisu Finland ayay ku nool yihiin waxna ku bartaan,waxana daraasado badan  oo arrimaha bulshada laga sameeyay ay sheegayaan inta badan quluubta waalidiintu waxa ay ku xidhan yihiin halka caruurtoodu joogta,iyagoo xiiseeya heerarka waxbarashada,caafimaadka,amniga iyo dhaqanka ee wadanka caruutoodu ku nooshahay.Sidaa daraadeed dooda odhanaysa Mudane Cirro ayaa u damqanaya dhalinyarada Somaliland waa dood madhan.

5.Xisbiga Wadani  waxa uu ku doodaa amniga ayaanu sii xoojinaynaa balse sida ay xaqiiqadu tahay iyaga ayaa amniga looga baqayaa wax ay ka qabtaan iska daaye. Marka ugu horaysa Murashaxoogu waxba kama yaqaano arrimaha amniga,khibradna uma laha,waligii kama soo qayb galin shirarkii isdaba jooga ahaa ee wadanka ka qabsoomay sida Shirkii Borama,Shiekh,Hargeisa iyo Burco. Ta kale waxa ka mid ah xisbiga Wadani ragii gawaadhida kurka ka jaray wakhtigii ina Riyaale iyo waliba kuwii wasaarada arrimaha gudaha ku fashilmay iyo xalinta shaqaaqooyinka. Si gaar ah waxa Wadani uga tirsan wasiirkii hore ee arrimaha gudaha ee amray in taageerayaashii Xaqsoor xabad nool lala dhaco.

 

 

Sida aan ku sheegay qormadii hore xisbiga Mucaaridka ah ee Wadani waxa uu inta badan sheegaa doodo amba qodoba suaalo dhaliya inta badana iska hor imanaya. Hadii aynu halkii ka sii wadno doodaha iska horimanaya ee xisbiga Wadani waxa kaloo  mid ah:

  1. Iyagoo xisbiga Wadani isbarbardhig ku sameeya arrimo aan la isbarbardhigi karin,tusaale ahaan waxa ay isbarbardhig ku sameeyaan wasiiradii danta qaranka aawadii isaga casilay dawladii Cabdiraxman tuur iyo kuwii sanad ka hor iskaga casilay xukuumada imika jirta dano gaar ah aawadeed. Masuuliyintii wakhtigaa dawladii Cabdiraxman tuur(IHN), iska casily sida ay taariikhdu xusayso waxa ay oga tageen xilkoogii, iyagoo ku qancay in dawladii wakhtigaa jirtay aanay daacad u ahayn gooni isutaaga Jamhuuriyada Somaliland,ka dib markii Ismaaciil Hurre buuba oo wakhtigaa ahaa Wasiirka maaliyada uu qorshayaal Somaliawayn ku lug leh ka soo waariday Mogdisho, Hargeisana keenay. Ta kale,wasiiradii wakhtigaa iscasilay iska daa lacago akoona ugu jira iyo guryo waawayn oo ay dhistaane,xafiisyo ay fadhiistaanba may lahayn,halka qoladii dhawaan is casishay ay wada fadhiyeen xafiisyo qaboojiyayaal leh,gawaadhi qaali,maaliyin dolar oo akoonada uugu jirtay,guryo aan la tiro koobi karin iyo waliba shirkado qanacsi oo hadii loo baahdo aan soo qori karo magacooga iyo meesha ay ku yaaliin. Ta kale ragii wakhtigaa hore isu casilay danta qaranka iyo hirgalinta gooni isutaaga Jamhuriyada Somaliland,intooda badan waxa ay ahaayeen rag dalka usoo halgamay,oo allaha u naxaristee madaxwaynihii wakhtigaa jiray Mudane Cabdiraxman tuur abaal gaar ah ugu hayn xilalkuu u dhiibay oo aan ka ahayn in ay umadooda u adeegaan. Balse qoladan dhawaan is casishay waxa ku jiray wiilka is cajabiyay ee marnaa inaabtigii shirkada ooga shaqaynayay,markii danbana Madaxwayne Siillanyo ku aaminay xil aanu qaadi karin iyo koox uu dawlada ka dhex samaystay oo sidiisoo kale shirkado iyo haayadaha qaxoontiga ka soo galay siyaasada,kuwaasi oo abaal wayn Siillanyo ku lahaa wax ka dhigistooda,ayna ahayd in ay ku ixtiraamaan. Ta kale Madaxwayne Siilllanyo distoorka iyo danta qaranka midna waxba ooma dhimin,balse markii ay arkeen in aanay sii socon karin sad bursigii awoodeed iyo dhaqaale ee ay ku qabaan boosaska ay joogaan,kana baqeen in goor aan dheerayn isbadal ku iman karo xilalkooga ayay carareen,Madaxwaynihii saaxda siyaaasada keenayna ku abaal fureen. Sidaa daraadeed dooda Wadani ee isbarbardhiga labadan dhacdo waa dood jilicsan oo galdaloolooyin badan leh.
  2. Wadani waxa uu ku doodaa in Murashaxa xisbiga Kulmiye,kaliya saaxada la yimaado in uu mujaahid soo halgamay yahay. Horta marka hore shaki kuma jiro in qolyaha Wadani ay naceb yihiin taariikhda halgankii la soo maray ee aanu ka tirsanayn Gudoomiyahooga Mudane Cabdiraxman Cirro. Marka taa laga tago,dooda Wadani sax ma ah marka ay leeyihiin Muse Bixi Cabdi taariikhda halganka mooyee taariikh kale ma laha.Runta marka laga hadlayo,Muse Biixi cabdi waa aqoonyahan soo maray silsilada waxbarashada Dugsi hoose,Dhexe,iyo Sarre.Waxbarashadiisii jaamacadeedna ku soo qaatay kuliyadaha ciidanka cirka ee labadii quwadood ee wakhtigaa aduunka ugu awooda waynaa ee Midowgii soofiyeedka iyo Maraykanka.

Waxa xusid mudan,in Muse Biixi Cabdi ka sakow halgankii xoraynta dalka,ka soo qayb qaatay dib u dhiskii dalka iyo dib u heshiisiinta dadka reer Somaliland. Wasiirka arrimaha gudaha soo noqday,ahaana Gudoomiyihii shirkii SNM talada dalka ku wareejisay ee Baligubadle,dhamaana kasoo wada qayb qaatay shirarkii dib u heshiisiinta,ururo badan oo siyaasadeedna dhidibada u taagay sida urur siyaasadeedkii Sahan,xisbiga Kulmiye ee uu hada Gudoomiyaha iyo Murashaxa ka yahay iyo waliba qaar kaloo badan. Inta uu hogaamiye shicib ah ahaa iyo inta uu ahaa hogaamiya ciidan waxa laba jeer ka badan inta uu ahaa hogaamiye siyaasadeed shicib ah oo hab madani ah wax u hogaamiye. Waxa iyana xusid mudan in uu cilmiga nabada iyo xalinta khilaafaadka shahaado sare ku sameeyay,lana odhan karo waa xeel dheere ku xeel dheer dhaqanka Somalida iyo garnaqoogaba(Local conflict resolution skills).

Dib ugu noqon maayo,waataan hore ooga hadlay dooda Damuljadiid ee odhanaysa qof cilmi ciidan lihi dal ma hogaamin karo,anigoo tusaale u soo qaatay hogaamiyayaashii aqoonta ciidanka lahaa ee guulaha waawayn siyaasada ka gaadhay sida Dwight D. Eisenhower  oo laba jeer madaxwayne ka noqday dalka maraykanka,ahaana hogaamiyihii guusha ka keenay dagaal waynihii labaad ee aduunka,isagoo ahaa hogaamiyihii ciidankii isbahaysiga (Supreme commendar of the allied forces)

  1. Raga Wadani ka tirsan sida Maxamed biix yoonis ayaa ku dooda khibrad iyo aqoon ayaanu dalka keenay,khibrada iyo aqoonta ku tusiwayday khiyaamada Xirsi,maxaynu mudane ku micnaynaa?. Ta kale taariikhdu isma qariso,Maxamed biixi yoonis iyo Muse biixi waxa ay waxbarasho kaga wada jireen dalka Maraykanka dhawr iyo sideetankii,1985 markii ay waxbarshadii dhamaysteen Muse Bixi Cabdi waxa u ku soo noqday Africa isagoo hore halgankii ka galay,halka Maxamed Biixi yoonis qoyskiisa u shaqo tagay. Maxamed biixi yonis dadkii qoyskiisa dhaw ahaa qaar badana waa dhoofiyay qaar badana waa shaqo geeyay. Halka Muse Biixi Cabdi,halgankii hubaysnaa hore ka galay qoyskiisii ugu dhawaana dagaalka wada galiyay,oo sida la sheegay lafahoogu Harshin ilaa Hargeisa daadsan yihiin. Hadaba,sida ay runtu tahay maalintaasi ayay kala doorteen qaab nolaleedkooga labada ilma Biixi,halka midi ka doortay in uu danihiisa gaarka ah daryeelo,ka kalana uu doortay in uu daryeelo danta guud ee dalkiisa iyo umadiisa.

Dalku waxa uu baahan yahay laf jabkii ay ku rideen Xirsi,Duur,Cirro,iyo Wadaad Cabdirasaaq khaliif  in laga badbaadiyo.iyagaa sharci dajintii iyo fulintii si wada jir ah u kufsaday,oogana faaidaystay awoodihii qaranka in ay hantida dalka boobaan,umada isku diraan,qabyaalada koriyaan,dalalka jaarka iyo Somaliland madax isku galiyay. Sidaa daraadeed dalku waxa uu u baahan yahay Cirro iyo kooxdaasi cidii ka badbaadin lahayd cidaasina aniga sida ay ila tahay waa Muse Bixi Cabdi,inkastoo uu ahaa gudoomiyaha Xisbul xaakimka hadana xukuumada Somaliland sida aad la wada socotaan waxay u afduubnayd kooxdaa Xirsi horboodayo oo wax ay ka dhageestaan Gudoomiye Muse iska daaye isaga dagaal kula jiray.

WQ:Maxamed Dahir Axmed

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso