Bakhaaradii qalabka dhismaha iyo qalabka laydhka iibinaayey ee townka caasimada hargeisa oo loo badalayo si fudud goob caafimaad farmasiyo

                                     Fariin Caafimaad.

Bakhaaradii qalabka dhismaha iyo   qalabka laydhka  iibinaayey ee townka caasimada hargeisa oo loo badalayo si fudud goob caafimaad  farmasiyo

 

Iyadoo siyaasadii dawliga ahayd ee maamulka daawoyinka dalka oo kadib luntay

Iyadoo daawooyinkii  dalka  dibada uga imanaayey ay si fudud oo ganacsigii xorta ee rashinada iyo bagaashka oo  kale looga  keenayo dibadaha daawooyin aan tayo iyo waxtar aan lahayn oo aanay jirin awoodi maamulkii dawladnimo ee dawooyinka lagula socon lahaa tayooda waxtar iyo dalalka ay dawooyinka dibada inooga imanayaan oo runtii meesha ka baxay

Dawooyinka iyo ka ganacsigooda oo gacanta ugu jira hantilayaal lacag ku hagayaa siyaasadi caafimaad ee maamulka  dawooyinka dalka oo lumiyayey rollkii shaqaalaha caafimaad iyo wasaaradu ay lahayd

Kadib markii ay farmasiyadii iyo rugahii caafimaadka ee dalka ay ku shaqaynayaan  ajanib aan lahayn  sharci muwaadinimo  ama xirfad shaqo oo takhasus ah  iyadoo loo dhigay sifo lagu raadinaayob dakhli lacageed oo dagdag ah

Sidoo kale iyadoo dalka ay samaysmeen  schools  jamacado si fudud u soo saaraya  arday  aan lahayn wax aqoon ah oo takhasus ah  oo ay barteen  mudadoodii waxnbarasho

Iyadoo dalka ay ku soo kordheen cuduro aan hore uga jirin  iyadoo cimilada  dalkeena ay runtii tahay cimilo fiican i

Iyadoo  goobahii iclaajyadu  ay ku sii badanayaan  dhamaan gobolada dalka kadib markii bulkahii soomaliyeed uu xal caafimaad ka waayey  daawadii iyo  dr dalka

 

iyadoo pharmasiyadu ku sii badanaaan dhamaan gobalada dalka iyagoo dhamaan ku furan yahiin  sifo sharci  daro ah dadwaynahana ay ka iibinayaan daawoyin aan lahayn wax tayo waxtar  daawo ugana iibiinayaan  bukahii aqoonta caafimaad biday sida raashinka daawoyiinkii

iyadoo dakadahii dalka aanay jirin  qalab caafiimaad oo lagu baadho daawoyinka dalka  dibada kasoo   galaya iyadoo hayada tayada dalku ay only u fadhiyaan goobaha  dakadaha iyo  airport dalka xooga  shilimo dolar ah oo loo yaqaano entery iyadoo aanay garanayn wajibaadka shaqo ee dadka

wasaaradii caafimaadka ee lahayd rollka shaqadan  caafimaadka daawooyinka  pharmasiyada umadana uga masuulka ahayd  waxay ku soo rogtay pharmasiyadii in ay bixiyaan  sanadkii pharmasi kasta 100 dolar waa  cashuur sanadeed ay wasaarada caafiimadku  sdamaysatay

 

WQ: Dr Buux Ibraahin Aadan

Fayo-dhawre madax bannaan

buux2010@gmail.com

Advertisement

Ku Xayeysiiso