Kor-Meer Madaxweyne Mise Mijo-Baxsi Madaxweyne!

Qalinkii Cabdinaasir Axmed Abraham
Madane madaxweyne Socodkaaga aad kor-meerka shaqo ugu magac bixisay, kuwa ku talax tagay ammaantaaduna ay U-KUUR-GELISTA SHAQADA QARAN, yidhaahdaan. shan sababood dartood ba, waxa aan u arkaa mijo-baxsi madaxweyne!
 
KOW: Wali maan arkin wax midho-dhal ah oo kormeerkaagu sameeyay iyo mas’uul aad shaqada uga ereday waajib gudasho la’aan.
 
LABA: Shaqo xumada iyo in mas’uulku ummadda u adeegi waayo ma necbid oo haddaad neceb tahay xil u maad dhiibteen kuwa aan qaarkood bil soo shaqo tegin.
 
SADDEX: Musuqmaasuqa oo ah mid ka mid ah wax yaabaha mas’uuliyiintu shaqadooda ku waayaan agtaada balaayo kama aha, haddii aad ka xumaan lahayd xatooyada xoolaha ummaddana magacaaga, maamulkaaga iyo sexeexaaga xoolaha ummadda lagu ma dhaceen. Tan iyo intii aad xilka kala wareegtay Madaxweynihii kaa horreeyay laba mas’uul ayaan xasuustaa in xatooyo aad u xidhay ama shaqada uga ereday, waxa aanay ahayd ammintii ugu xatooyada badnayd dawladnimada Somaliland tan iyo intii aan xorriyadda la soo noqonnay.
 
AFAR: Mas’uulka aad xil u dhiibayso marka hore ba kuma soo xulatid shaqo wanaag, karti, aqoon iyo shaqo wanaag. Sidaas darteed, baanay macno weyn kuugu samaynayn in mas’uulku Qaranka si wanaagsan ugu shaqeeyo.
SHAN: Wasiirrada,agaasimeyaasha,maamuleyaasha iyo saraakiisha Qarankan xilalka ugu sarsareeya hayaa, waxa ay wakhtigooda ugu badan ku qaataan Hudheellada waaweyn, wali ba madaxweyne haddii aad mar dambe kor-meer shaqo samaynayso waxa aad soo martaa hudheellada, waxa aad la kulmi doontaa saacadaha shaqada mas’uuliyiintaada oo shaah ku cabbaya Internet na ku isticmaalaya hudheellada. Waanad og tahay in ay halkaa joogaan, haddii aan nidhaa ma oga, madaxweynuhu arrintu intaa wey ka sii mug weynaanaysaa oo xil-kasnimo darro ayaa meesha imanaysa.
Arrimahaa aan kor ku xusay dartood, baan u idhi madaxweyne kor-meer shaqo maaha socodkaagu’e, waa Mijo-baxsi madaxweyne.

Advertisement

Ku Xayeysiiso