Distoor iyo maxkamad sare markee ayaynu maqalaa???

Distoor iyo maxkamad sare markee ayaynu maqalaa???
Dal ay dad ku noolyihiin kama marmo sharci kala haga, waa saldhiga nolosha iyo udub dhexaadka dawladnimo. Qaran wuxu ku horumaraa marka axdigii uu dhigtay ilaaliyo qofkasta oo jabiyana la hor keeno kadibna lagu qaado iyadoon loogu xilanayn xilka uu hayo ama heerka uu bulshada dhexdeeda kaga jiro. Somaliland waa meel dawlada ka dhisani aanay sharciba lahayn wixii ay doonan ayay badheedh u sameeyaan nimanka dalka isku badbadalaa, waxa jira waraaqo  uu qoray nin soodaani ahi oo waa hore nin ka mida kuwii xukunka soo maray keensaday. Xaashiyahaas waxa lagu magacaaba (dastuurka Somaliland) laguma heshiiyo cidina kuma dhaqanto ee meel ayuu iska yaalaa maxaa yeelay marka horeba looguma tala gelin inuu noqdo xeer umad lagu dhaqo ee in laysku dulmiyo oo lagu kala badsado ayaa loo samaystay. Dadku wax badan ayay u soo joogeen waanay ogyihiin inaanay haysan dawlad iyo cid shacbiga hadh u jiidaysaa, tuugada xisbiyada sadexda ah hadba mid sida koronkorta ku ururta iyo shacbiga safradaysan ee abaaraysan maanta kuwa isu dhuumanaya maaha. Madaxwaynaha aan wali la dhaarin  wuxu shir la galay jaalayashiisa madaxwaynaha aan wali kursiga baarlamanka banayn iyo madaxwaynaha wareegii sadexaad mid uga hadhay. Kulankaa layskuma afgaran in tartanka xiligii loo qoondeyay la galo laba ka mida ayaa sheegay abaaraha jira daraadeed inanay doorasho dhici karin. Halkaa markii uu ku soo hungoobay ayaa maankiisa waxa ku soo dhacay in mudadaa yar oo kali ahi ka xigto kursigii madaxwaynenimada maxaa yeelay abaartan ay sheegayan  waxay ku qarinayan fulaynimada ay doorashada ka qabaan waayo reerahooda oo markii horeba hawdo ahaa intii yarayd ee ay heli lahaayena way ka hayaantay. Sidii awrkii gadh wayso ayuu doobta riday isagoo cirka eegaya wuxu yidhi distoor ayuu dalku leeyahay maxkamada sare ayuu leeyahay. Waydiintu waxay tahay distuurka iyo maxkamada sare ma waxa la xasuustaa marka ugu danbaysa ee wax kasta soo dhamaadaan oo wax kasta ugu hooseeya???+ mise sharcigu waa ka wax kasta ka sareeya ????   Xuseen WARABE Taffe  JÖNKÖPING

Advertisement

Ku Xayeysiiso