Xaalku maanta Waa Bil-caksi !!! (Vice versa), waana dhacdo qariib ku ah saaxadda Siyaasadda Somaliland. By: Cali Xaruuri

Xaalku maanta Waa Bil-caksi !!! (Vice versa), waana dhacdo qariib ku ah saaxadda Siyaasadda Somaliland.
 

By: Cali Xaruuri

 
Waa dhab oo abaar aad u daran  baa dadkeenii ku habsatay. ( ilaahay ha inaga kor qaado), waana mid dhammaan laga wada damqanayo. Waxaan qabaa in aan cidna cid uga lexejeclo iyo naxariis badnayn Dadka iyo Dalka, balse  marka laga hadlay Arrinta  Doorashada  (in dib loo dhigo iyo in wakhtigeedii ay ku dhacdo) waa arrin gaar in loo eego ah, waxayna ku xidhan tahay laba arrimood oo is barkan oo kala ah:
 
1. Dastuurka iyo wuxuu ka qabo dib u dhiggidda doorashada
2. Qaraarkii Maxkamadda Sare ee qabsoomidda doorashada Madaxtooyada
 
1. Dastuurka Somaliland 1997
 
QODOBKA 65AAD
Faqradda 2aad
Haddii doorashada Golaha Wakiiladu ku qabsoomi weydo duruufo adag awgeed, Golaha hore
ayaa xilka sii haynaya inta ay ka dhamaanayso duruuftaasi, lagana dooranayo Gole cusub.
Duruufaha adagi waa;
Dagaal baahsan, xasilooni darro gudaha ah, aafo dabiici ah oo culus sida
dhul gariir, cudurada faafa, abaaro culus; waxaana qiimaynaya kana go’aan gaadhaya Golaha
Guurtida ka dib marka Golaha Xukuumaddu sidaa soo jeediyo
QODOBKA 107AAD
Faqradda 5aad
Haddii ay suurtoobi waydo duruufo la xidhiidha nabadgelyada dartood, in la qabto doorashada
Madaxweynaha iyo ku-xigeenka Madaxweynaha marka muddadii xilkoodu dhammaato waxaa golaha guurtida waajib ku ah in ay muddada xilka u kordhiyaan Madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa, iyaga oo tixgelinaya muddada dhibaatada lagaga gudbi karo; doorashaduna ku qabsoomi karto.
2. Qaraarkii Maxkamadda Sare muxuu ahaa
Maxkamadda sare Somaliland ayaa qaraarisay in la kala qaado labadda doorasho ee kala ah ta madaxtooyadda iyo ta golaha Wakiiladda, waxa aanay doorashada madaxtooyadu dhici doontaa wakhtigii hore qaraarka looga soo saaray inay u dhacdo doorashaddu ee
28 March 2017.
Marka aynu intaa isla eegno waxaa soo raaca su’aasha ah muxuu Gudddida Doorashadu ka yidhi qabashada doorashada?
 
3. Guddida doorashada

Komishanku wuxu sheegay in qorshohoodu uu sidii yahay, in bisha March 2017

inay diyaar u yihiin in ay doorashadii qabtaan.

4. Xisbiga Mucaaradka WADDANI

wuxuu mar kasta ku celcelin jiray doorashadii mar labaad baa dib loo dhigayaa oo Xukuumadda waa loo kordhinayaa

5. Xukuumadda iyo Xisbiga Kulmiye

waxay mar walba odhan jireen doorashadii waa naga diyaar oo wakhtigeedii bay ku dhacaysaa, laakiin Xisbiga Waddani diyaar uma aha doorasho

Runtii aafadan Abaartu waa mid culus, laakiin sida ay inoo bayaaminayaan Qodobada Dastuurka ee kor ku xusan ma hayno  Addillo cad oo ku soo arooraysa Dastuurka in Abaarta darteed doorashada dib loogu dhigi karo. Dhanka mucaaradkana kuma

jiro doodooda qodob sharci oo ay u cuskanaayaa arrintaa, Waxa keliya ee ay

 daliishanayaan caqli iyo dareen naxariis (Sympathy).

Sida caadiga ah waxa Doorashada ku degdega kana cawda dib u dhaca Xisbiyada  Mucaaradka ah,

balse xaalku maanta Waa Bil-caksi !!! (Vice versa), waana dhacdo qariib ku ah saaxadda Siyaasadda Somaliland.

Mar haddii  doodda ah in Abaarta awgeed dib loo dhigo Doorashada ay tahay mid aan lahayn Nuxur sharci, ma aha in la kala xanteysto oo la is eedeeyo, balse waxa habboon in la fahmo in wuxuba yahay fikir iyo  soo jeedin  oo u baahan in wax la is dhacsiiyo oo  sidii ay wax ku suura geli lahaayeen uun  in la isla eega.

“SIDEE XEEGO LOO XAGTAA ILKANA KU NABAD GALAAN “.
 
Gabagabadii waxaad mooddaa in arrintani ay tahay caqabad (challenge) datuurka ah, oo Dastuur kasta  marka muddo lagu dhaqmo ayuu daldaloolkiisu muuqdaa oo uu soo baxaa, markaa kadib ayaa wax-ka-beddel iyo kaabis (amendment) lagu sameeyaa, sidaa awgeed  Xisbiyada mucaaradka ah waxa la gudboon oo  u bannaan in ay codsadaan Dastuurka in dib loo furo.

Wa billaahi Tawfiiq

Cali Xaruuri

Holland

Advertisement

Ku Xayeysiiso